“Gabayga, Doqonta yow sheega!” W/C/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Gabagaan magiciisa waxaa la yiraahdaa: “Doqonta yow sheega!” Wuxuuna la hadlayaa Kooxda caadaysatay Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed “Ugus” macnaha iyo maamooryada uu gudbinayo, is la gabayga ayaad ka dhex heli doontaa ee ka bogasho wacan:

1. Shiinka gabayga sheekada wanqalan, Shaqalka dhowr nooca
2. Shibbanaha higgaade shirane, Kuu sharrixi doono
3. Shicir waa murtiyo shaacinteed, Hadal la sheelaaye
4. Shaybiyo ninkii oday ahbaa, Sheegiyo garane
5. Shax loo dhigo ayuu leeyahay, Shilal la saaraaye
6. Shuhub iyo xumaa laga jiraa, Shuqul la eedaaye
7. Sheekiyo duxbaa lagu daraa, Shaafin aadmiga’e.

8. Afartaas sha’di gabayga iyo, Sheeda xiriddii dheh
9. Shaqadii Abwaan lagu yiqiin hadal, Shib-shaashkii dheh
10. Afar kalena aan sheelka dhigo, Waa sharciya kheyre.

11. Shucuuba adduunyada ku nool, Qoloba sheed taale
12. Waa shan qaaradood oo is xiga , Shaxanka muuqaale
13. Qolo weli shuruuc gaara iyo, Shuqul ayaw yaale
14. Shuruud lagu yaqaanna jirtiyo, Shoobka dhaqankoode
15. Annaguna Shareecada allaa, Shiishku noo yahaye
16. Shuhub iyo xumaan laguma daro, Shiinka xarafkeede
17. Wax kastoona shaashayn karaa, Shabaq ka saarnaaye
18. Shirqool inaan yeelayn dadkoow, Doqonta yow sheega.

19. Shaqaaqada insaankaya haddaan ,Sheego dhibaheeda
20. Shaalkaya haddaan suunka furo, Shawrsho taladayda
21. Amasaan intaan shuushka tiro, Turubka shaandheeyo
22. Shiishkaya gammuunkana ka rido ,Qaansa shagax dheera
23. Shaamarreerka aan muujiyo, Shiilo taladayda
24. Sharwadahana aan gaar u dhigo, Shaacsho xumihiisa
25. Gobonnimaa shan dhalad heliye, Doqonta yaw sheega

26. Shaambaay ninkii ku addimaan, Meel fog shiish dhigine
27. Shab-shablaha waxa loo tumaa, Waa hiddaya sheege
28. Shujaacnimadu waa ruuxa naca, Shiilka nololeede
29. Shaqa qaran ninkii shubah galee, Raadna lagu sheego
30. Sheelaha waxaa loo dhigaa, Waa ha shuush baxo’e
31. Showr dheerya sheekaan soceyn, Been la shacarreeyay
32. Shahaaddada la diidaya ku waan, Eebbe sharafaynin
33. Shubahaad Ibliis iyo jinkiyo, Kii insiga sheegtay
34. Haddii qaar shiraacdaba ku kale, Waa kan shaaximane
35. Sheekadi Abkoow Aadan iyo ,Xaawo sharaflaydi
36. Ilaa kuwa shirkada sheegtayoo ,Shalaya maantaana
37. Intaaseey adduunyadu shidneyd, shabaqna soo yiile
38. Shanfarood lahaa looga dhigay, Cadawya sheeyddaane
39. Shabshab inaanayn yeelayn mar kale, Doqonta yaw sheega.

40. Afartaas sha’di gabayga iyo, Sheeda xiriddii dheh
41. Shaqadii Abwaan lagu yiqiin hadal, Shib-shaashkii dheh
42. Afar kalena aan sheelka dhigo, Waa sharciya kheyre.

43. Shabaabkaya haddii laysku daro, Shaqada gaaloo dhan
44. Shisheeyahana lagusii kordhiyo, Shurugya beenaale
45. Rabbi uma shafeecee horeey, Qarankan shiileene
46. Shamsadiyo habeenkay shiraan, Dhiigna shubayeene
47. Asey sharafti duulkani lahaa, Shalaw ka tuureene
48. Waa shisilis shiinahaan qabsaa, Sheegtayoo kaliye
49. Shillankuba inow geed lab yahay, Doqonta yow sheega.

50. Shan jir ceel ka heesee yiraa, Geeli waan shubaye
51. Shabaq gool ku laadee haddana, Sharad ku qaadaaya
52. Orga shuluqsanee aar libaax ,Sheeddi kala gooyay
53. Waa duni sha’nigu badanyehee, Doqonta yow sheega.

54. Sharaf dhaca ayaa laga jiraa, Nabad nin sheegtaaye
55. Sheeyddaanaa adeegsaday siyuu, Naar u shuumbiyo’e
56. Iyaguna ma sheegtaan asay, Shacabki laayeene
57. Shaqadeey mushaar li’i qabtaan, Doqonta yow sheega.

58. Afartaas sha’di gabayga iyo, Sheeda xiriddii dheh
59. Shaqadii Abwaan lagu yiqiin hadal, Shib-shaashkii dheh
60. Afar kalena aan sheelka dhigo, Waa sharciya kheyre.

61. Shuqul xuma waxaa daah u furey, Shuqubti reer Luude
62. Shaaribkay ku xiirteen wixii gobi, Ka sheexdaaye
63. Shallaay laguma waaree alla, Shaahid ku ahaaye
64. Inay Diintu shay qaala tahay, Doqonta yow sheega.

65. Shan Haweenna idinkoo dilee, Qarax ku shaameelay
66. Shuftana aad ku sheegteen kolleey, Waa adduun shidane
67. Shiiqa dheerya kooxdiisu waa, Shacab ibliiseede
68. Kusa shaaci maayee Allaan, Shaafi leeyahaye
69. Inuu shaqalku qayb gaaban yahay, doqonta yow sheega.

70. Inaad shuur dhexdeed seexatiin, Sidi shabeel doola
71. Shaki ruuxa uu idinka galoo, Shaarac lagu loogo
72. Shareecada islaamkana tiraa, Shiiqeed aniga ah
73. Hadba shiin kitaab kuma qorne, Doqonta yow sheega.

74. Toban sano haddeey shiil waddeen, Sheeka kaligooda
75. Oo aysan shaac bixin welina, Shacabkii diidaayo
76. Shaqanay ku daaleen asaan, Shilin la sii haynin
77. Inay sheeka-baraleey wadaan, Doqonta yow sheega.

78. Afartaas sha’di gabayga iyo, Sheeda xiriddii dheh
79. Shaqadii Abwaan lagu yiqiin hadal, Shib-shaashkii dheh
80. Afar kalena aan sheelka dhigo, Waa sharciya kheyre.

81. Inay qolana waa shiiq dhahaan, Qolana sheeyddaamo
82. Qolaneey sharaab siinayaan, Qolana shaambuugga
83. Qolanay shafiiq waa marshaan, Qolana waa shaahid
84. Qolanay shancaaniga ibtelo, Qaraxa loo shiilo
85. Shan kun ruux haddii aad disheen, Shaharya maalmoodhin
86. Shareecada Ilaahay sidaa, Laguma sheegayne
87. Shaqal ruuxi leexshaa inow, Naar ku shubi doono
88. Shaafici Riyaal iyo Maraam, Iyo Shujaacooda
89. Shaqad iyo Buruuj iyo Baqaro, Diinta sharafleeya
90. Shar gudbane wixii shaqal is dheer, Nabigu noo sheegay(S.C.W.).
91. Al-shucraad ku aragtiin haddana, Kuma shaqeysiine
92. Inow shiishku wada saaran yahay, Doqonta yow sheega.

93. Quraanshaduba waa uun sharriban ,Sheelna wada yaale
94. Shuraakana inay wada yihiin, Boqorku noo sheegye
95. Shuruudaha hadday buuxiyaan, Noole wow sharafe
96. Shillaabiyo Jigjiga iyo ilaa, Gudinka Shiilaale
97. Shalaamboodya Ceeldheer, Ilaa shuurta Haramaanyo
98. Shaf garaacid waa nagu dileen, Shoob aan damaheyne
99. Sharraxay tumeen laga tagyee, Doqonta yow sheega.

100. Afartaas sha’di gabayga iyo, Sheeda xiriddii dheh
101. Shaqadii Abwaan lagu yiqiin hadal, Shib-shaashkii dheh
102. Afar kalena aan sheelka dhigo, Waa sharciya kheyre.

103. Shaabbaad heshiisiin inaad, Sharaf la noolaato
104. Adigoo u shaaxuur sadee, Geliyay sheeddaada
105. Annaad shiiqi kuu xiri lahaa, Shuufid ku arkeeyso
106. Shaki li’i waxaad eersataa, Waa shuhuud maqane
107. Shacab aan ku rabin lama qasbee, Doqonta yow sheega.

108. Shiinkeeda maansada haddaan, Shicirka soo qaydo
109. Amasaan shibbiyo gabaygu waa, Sheeda dheer yahaye
110. Shiilitaanka looxaya mihii, qalinku shiish gaabsho
111. Shaacirrada gabyaa,ehe Ilaah, Shiinka baray waayo
112. Iyagaa halkii aan shid dhigo, Noo sharrixi doona!”

FG: Halabuuradda doonaya inay sii ballaariyaan waa u furan yahay, waase inaanu macnaha iyo Xarafkaba ka baxsanayn. Wixii talo iyo turxaan bixin ah ama sii tebin waxaad igala soo xariiri kartaa ciwaannadaan hoos ku qoran.

Cuute23@hotmail.com
Shiribmaal@gmail.com
Laashin77@gmail.com

Dagaalka Suugaanta ee Al-Shabaab. W/C/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN