Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Q3AAD W/Q: C/salaan Macalin Cabdulaahi.

12695761_10153983388412146_737145390_n

Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Q3AAD.

Qormada Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qeybteedii 1aad waxaan uga soo hadley hannaanka maamul ee aan is leeyahay waa uu ku haboonyahay dalka Soomaaliya, anigoo gagoldhig iyo falaqeyn koobanna u sameeyey(Halkaan ka deymoo Q1AAD). Halka aan qeybtii 2aadna aan ku soo qaatey xiriirka Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada ceynka uu noqonayo iyo waliba sida ay howlaha u kala leeyihiin(Ka dhugo rabtaan Q2AAD)).

Qeybtaan 3aad ee taxanaha Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ugu danbeeysey, waxaan ku qaadaa dhigayaa, arrin kale oo lagama maarmaan ah, lana xiriirta astaamaha iyo halkudhagyada hannaanka Dowladnimo. Wax kasta waxaa habboon in la dhigo kaalinta ku habboon Heer iyo habsamiba, oo sida ay gef u tahay in wax kaalintooda laga hoos mariyo, ayey sidoo kale gef utahay in laga kormariyo, wax waliba oo wax aaney aheyn lugu sheego ama lagu tilmaamo, ugu danbeyn waxey ku soo baxaan waxey ahaayeen.

Waxaan hoos ku soo bandhigayaa erayo iyo astaamo dowladnimada ku saabsan oo marar badan aan la dhigin halkii ay ku haboonaayeen, aanna loo adeegsan sidii ay mudnaayeen; waa sidaan anigu u arkee.

B- Ereyga Dowlad waxa uu ku tusinayaa: Dad, Dal iyo maamul. Dad si joogta ah u dagan dhul(Barri, biyo iyo hawo leh), ayna jiraan wax si gooni ah dadkaas isugu xiraya, arrimahoodana si uun u maamusha una maareysta; intaas oo wada jirta ayaa dowlad la yiraah. Mararka qaar erayga dowlad waxaa loo adeegsadaa – si aan asal aheyn -xukuumadda maamulka heysa(Hoggaanka iyo hoggaamiyaha)

Haddaba in ereyga dowlad, maamul goboleedyada loo adeegsadaahi ma habboona, maxaa yeelay waa uu ka guda weynyahay, sidaa owgeed ereyga Dowlad waa in loo daayaa dowladda dhexe, maamul goboleedyada in loo adeegsadaahina way ay reebantahay.

T- Barlamaan; waa golaha ummada, ee xubno ay ka yihiin tiro kooban oo dad ah, matalana dhammaan shacabka qeybihiisa kala duwan, waxeyna ku qeybsan yihiin, in ay dajiyaan wixii sharci ah ee loo baahdo, ayna ansixiyaan wixii qaanuun iyo xeer ah ee laysku afgarto loona soo gudbiyo, isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda iyo danaha dalka.

Ereyga Barlamaan waa in adeegsigiisu ku ekaado Golaha shacabka ee dowladda dhexe, oo aan loo gudbin Golayaasha wada tashiga ee maamul goboleedyada, si aysan isugu qasmin wax yaalo aan isku heer aheyn iskuna meekhaan aheyn, wax walibana waxaa haboon in lasiiyo astaan ama tilmaam uu qaadi karo.

J- Madaxweyne; waa jagada madaxa ugu sareeya Golaha fullinta ee Dowladi leedahay, waxaana astaantaas qaadan kara oo kaliya qofka ku magacaaban jagadaas, waana Madaxweynaha Dowladda dhexe.

Hadaba waa wax aan meelna heysan in Madaxweyne loogu yeero madaxda maamul goboleedyada, waa in loogu yeeraa magac kale oo ku haboon. Bare sare Faarax Qare oo arrimahaan soo hadal qaadey wuxuu qabaa in madaxda maamul goboleedyada loogu yeero:(Aar), isla markaana hab maamuuskiisuna noqdo heer ku xigeenka Ra`iisul wasaaraha Dowladda dhexe, waxey ila tahay iney tahay soo jeedin fiican. Mar hadii madixii maamul goboleedka aaney habbooneyn in loogu yeero Madaxweyne, ee ay tahay qalad in astaantaas la siiyo; waxaa iyana iska cad oo isla arrintaan laga garan karaa in xubnaha kale ee uu Aarku madaxda u yahayna aan Wasiirro lagu magacaabeyn, sida uu qabo Faarax Qare na; waxaa lagu magacaabayaa Xoghaye-yaal, tilmaamta Madaxweyne iyo Wasiirba waxaa loo adeegsanayaa oo kaleya:qofka haya jagadda Maxaweynenimo iyo Golaha Wasiirada ee Dowlada dhexe.

Waxaa jira erayo dhaqameedyo hore u jirey oo laga guurey hadda una baahan dib u nooleyn, erayadaas oo loogu yeedhi jirey, hoggaamiyayaashii Boqortooyooyin dalka, ee nin weliba markaas deegaan aan boqorku joogin uga ahaa masuul boqortooyada, waxaana ka mid ah, Hor-fiiq. Hormuud, Horseed, eraygan dambe ee Horseed wuxuu ahaa mid xitaa sooyaalka faraaciinta ay u bixin jireen qofka hoggaanka haya.

Marka aan leeyahay erayadan hala adeegsado talo soo jeedinteyda, bal aan idin xasuusiyo, Erayadii dowladdii kacaanku dib usoo nooleysay,   “ Beeldaajiye” oo ahaa   hormuudka xaafadda ama deegaan ballaadhan oo degmo hoos yimaada,   Agaasime, oo ahaa nin agaasima ama isku dubarid hawl wadareed, Martida ayuuna asal ahaan ka yimid in qof loo xil saaro agaasinkeeda iyo maamulkeeda. Maamule, oo ahaa eray Afkeena hooyo ku aadan hawleed xileedka qof walba laga rago inuu maamulo, markii dambena laga dhigay xubin ku magacaaban shaqo dowladeed, waxaa la adeegsaday, Abaanduul ooh ore habka iyo hannaanka ciidankii aan dowladeysnayn loo adeegsan jirey, Hoggaamiye oo isaguna hab dhaqan iyo hab ciidanba magac ahaan ku jirey, marka saw ma habboona in dib loogu noqdo ama eray bixin cusub loo sameeyo sida uu qabo, Faarax Qare.

Haddaba maxaa diidaya? In aynu ugu yeedhno “Horseedka Maamul goboleedka Hebel?” Taasoo caddeynaysa inaan cidina maamulkaas isaga uga sareyn.

X- Jaaliyad;  waxaa dhawaanahaan soo badanaya in war-baahinta qeybaheeda kala duwan laga maqlo ama laga arko weertaan: jaaliyadda dowlad goboleedka hebel…! In ereyga Dowlad loo adeegsado maamul gobaleedyada kor ayaan uga soo hadley inay gef tahay, qodob kaanse waxa uu quseeyaa adeegsiga ereyga Jaaliyad, ummada Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa joogta intii isku wadan joogtaahiba waa Jaaliyad maamul gobaleedyada ay ka kala soo jeedaahina kama dhigeyso Jaaliyaddo, maamullada dalka gudihiisa ka jiraahina ma ahan Dowladdo badan oo mid waliba Jaaliyad gooniya leedahay, ee waa hal ummad oo leh hal Dowlad, ayna hoostagaan maamulo.

Sidaa owgeed oraahda kor ku xusan waa gef iyaduna, badelkeeda waxaa la oran karaa: qaar ama qayb ka mid ah Jaaliyad Soomaaliyeed ee dagan waddanka hebel, ee kasoo jeedda maamul goboleedka hebel. Jaaliyadii Soomaaliyeed ee hal dal isla joogtey, oo awalba la ciirciireysay dhibaatooyin badan, in Jaaliyaddo badan iney yihiin lagu asteeyo waa nasiib darro kale oo horleh.

KH- Maxkamad sare; maamul goboleedyadu waxey yeelan karaan Maxkamad degmo, oo dadka gobolka u kala garsoorta, kalana saarta markii ay isqabsi iyo dacwadi timaad, hase yeeshee in maxkamad lagu magacaabo Maxkamadda sare ay maamuladu yaashaan ma haboona, waana in magacaas adeegsigiisa lagu gooni yaalaa Maxkamadda sare ee Dowlada dhexe, si aan loo simin wax aan isku heer iyo isku meekhaan aheyn, wax kasta in kaalinta ay ku haboon la dhigaahina waa samaan iyo milge ee liidnaan iyo hooseyn ma ahan.

Ugu danbeyntii qormadaan; Dowlada dhexe iyo Maamul goboleedyada, waxaa laga milicsan karaa, in aan ku xoojinayo heerka dowladda dhexe waana arrin meesha ku jirta. Waxaanse hoosta ka xariiqayaa in hoos u dhiga iyo jilcinta(daciifinta) dowladda dhexe, iyo awoodeynta maamul gobaleedyada in aaney danta ummada Soomaaliyeed ku jirin, arrintaasna waxaa si weyn u dareesan dadka dibadda jooga, haddii aan la is dhooheyn, dacdarada , dihaalka iyo dandarada ay Soomaalida dibadda ku nooli dareemaan, ayagoo waliba qaarkood ey ku noolyihiin Dalal ay kala-danbeyn iyo sharci ka jiro, waxaa loo aaneyn karaa oo kaliya, inaaneyn laheyn Dowlad awood leh, oo ay ogyihiin iney ka danbeyso, anigu waxaan u heystaa Dowlad xoogan oo awood mideysan lehi, iney ka dhigantahay Soomaalida oo caalamka heybad iyo sharaf ku yeesha, waa haddii ay Dowladdaasi noqoto mid dadku wada leeyahay, oo danahoodana wada dhowrta.

Waxaa mudan in aan xuso in arrimaha aan kor kusoo sheegey, inaaney ka dhigneyn in Dowladda dhexe ay maamulka isku koobto oo aaney wadaajin bulshada, waxaa habboon sidaan qormadii 1aad ku soo xuseyba in Dowladdu baahiso maamulka, oo bulshada goballadu yeeshaan maamullo ay iyagu si xor ah u doortaan, ee aan loo doorin ama dusha looga kenin, isla markaana aan lagu fara-galin qofka ay u dooranayaan madaxa maamulkooda.

Dhanka kale qormadan laguma beegsanayo maamul dalka Soomaaliya hadda ka jira, mid horey uga jirey iyo ku imaan doona toona, qormadaani waxey diiradda saareysaahi waa hannaanka Dowladnimo ee Soomaaliya.

W/Q: C/salaan Macalin Cabdulaahi.

Email: isalaan2@hotmail.com

Facebook: Bashaar Macalin

 

SHEEKOOYIN