Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada dalka Q2AAD W/Q: C/salaan Macallin Cabdullahi.

HALKAN KA AQRISO Q1AAD 

12695761_10153983388412146_737145390_n

Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada dalka.

Qeybtii 2aad.

***

Dhanka kale marka laga hadlayo xiriirka Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada ceynka uu yahay, iyo waliba howlaha sida loo kala leeyahay, waxaa jirta sadex arrimood oo ah howlaha aan cidna aysan la wadaagi karin Dowladda dhaxe, maamul goboleedyadana ay ka reebantahay iney soo hadal qaadaan ayagoo maamul ah, ee aan la sineyn bulshada inteeda kale, sadexdaasi waxey kala yihiin:

1-Arrimaha dibadda; wax kasta oo quseeya xiriirka Dowladda Soomaliyeed kala dhexeeya ama kala dhaxeyn kara Dowladaha iyo dadyowga shisheeye, waa howl u gooni ah Dowladda dhexe, cid kasta oon ayada aheynna ka reeban iney ku soo faragashadaan qaab maamul ahaan ah, haa; waxaa u bannaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed iney ilaaliyaan, aragtina ka dhiibtaan dhammaan howlaha Dowladda dhexe, wixii ay u arkaan iney si qaldan u maareysayna ay ku baraarujiyaan, kuna qasbaan iney haggaajiso, ayagoo adeegsanaya hababka kala duwan ee u furan bulshada iney wixii Dowladda dhexe ay qaladdo ay haggaajiyaan, sidoo kalena ay ku bogaadiyaan wixii ay si wacan u maareyso, sidaa owgeed dhammaan xiriirada arrimaha dibaddu, ha ahaadeen kuwa Siyaasadeed,diblomasiyeed dhaqaale amaba dhaqameede, waa howlaha Dowladda dhexe ee aysan aheyn in qaab maamul loogu fara galiyo.

2-Ciidanka qaranka; laamaha kala duwan ee ciidanka qaranka, sida: ciidanka milatariga, ciidanka booliska, ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka IWM, dhismahooda, howl galintooda iyo wax kasta oo ku saabsan ciidanka qaranka, waa shaqo quseysa Dowladda dhexe, aaneyna jirin cid kale oo ku faragalin karta. Waxaase bulshada oo idil u furan iney waardiyeyso habka ay dowladdu u howl galineyso ciidanka, in ay tahay si u adeegeysa danaha dadka iyo dalka, ayna u gudanayaan howlihii loo igmadey sidii loogu tala galey iyo in kale, haseyeeshe maamul goboleedyada ma ahan arrin quseysa ama saamayn iyo lug ay ku yeelan karaan.

3-Lacagta dalka; sameynta iyo daabicidda lacagta waddanka, wax ka badalideeda, howlaha Bangiga dhexe ee dalka iyo dhammaan arrimaha iyo sharciyada ku saabsan lacagta waddanka iyo lacagaha qalaad ee waddanka la soo galinayba waa howl u gooni ah Dowladda dhexe, aaneyna bannaaneyn in cidkale qaab maamul uga hadasho ama u soo faragaliso, waxaase dhammaan bulshada u furan iney Dowladda dhexe toosiyaan haddii ay tubta toosan ka beyrto, ayagoo had iyo jeer kaashanaya aragtiyaha iyo falaqeynta dadka aqoonta u leh, kuna xeel dheer arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha.

Inta aanan qodobkaan soo xirin ayaa waxaa ila habboonaatey inaan soo hadal qaado arrin la xiriirta lacagta dalkeena Soomaaliya. Sida aan ka wada warqabno wixii ka danbeeyey 1991 dii, waxaa meesha kabaxay howlihii Bangiga dhexe, waxaa baaba`ay lacagtii dalka, dad ayaa xilliyo kala duwan lacag iskood u daabacdey, waxaa gabi ahaanba burburey hannaankii iyo haybti lacageed dalka, Kaalinti lacagtii waddanka waxaa galay lacag qalaad(Dollar), lacagta qalaad ayaana noqotey midda wax lagu jaan gooyo, midda kaliya ee kalsoonida bulshada heysata, haddaba sida la wada dareemi karo waxaa lama huraan ah in dib loo soo celiyo hannaankii lacagta waddan iyo howlihii Bangiga dhexe ee dalka, waxaan qabaa in arrintaa sifiican looga fiirsado, oon dag dag lagu galin, si waddanku u yeesho lacag adag oo fadhisa, loogana maarmo in la babadalo, waxey ila tahay hannaanka lacageed ee dalka oo fariistaahi in Dowladnimo bilowgeed tahay, waxaa kaloo ayana in laga si taxdar leh looga fiirsado; halka lagu tiirinaayo lacagta waddanka, sida ay la socdaan dadka arrimaahan aqoonta dheer u leh amaba u dhuun duleelaahi, waxaa jira sadex siyaabood oo lacagta waddanka meel laagu tiiriyo, looguna xiro.

Koowaad waa: in lacagta sitoos ah loogu xiro dahabka, oo lacag kasta oo la daabaco waa in dahab u dhigma qiimo ahaan Bangiga dhexe yaalo, qaabkaani waa midka ugu wacan ee lacagaha loo fariisiyo, Dowladdahoo idilna awood uma lahan, qaarkoodna kumaba baraarugsana!.

Labaadna waa: in hal lacag oo awood leh kuna xiran dahabka, lagu sii xiro, sida: Doolarka mareykanka ama Giniga istarliiniga IWM, kadibna lacagta la daabacayo lacag u dhiganta qiima ahaan oo Doolarka mareykanka ayaa Bangiga dhexe la dhigayaa.

Ka sadexaadna waa: in dhowr lacagood oo adag, kuna xiran dahabka, lagu wada xiro, sida: Giniga istarliiniga(GBP), Dollarka mareynka(USD), Yuurooga(EUR) iyo Yanka jaban(JPY), ayadoo loo kala sareysiinayo hadba sida uu kala badanyahay xiriirka dhaqaale iyo maaliyeed ee Dowladda kala dhaxeysa Dowladda kale ee leh lacagta wax lagu xirayo, Tusaale: hadaan ka soo qaadno in Dowladda Soomaliya xiriiraka dhaqaale iyo maaliyadeed ee Ingiriiska kala dhaxeeya uu yahay %50, Mareykankana yahay %30, midowga Yurubna yahay %10, halka Jabanna ka yahay %10, waxaa loo kala sareysiinayaa sida ay u kala badanyihiin, oo boqolkiiba 50 waxaa lagu xirayaa Istarliiniga, boqolkiiba 30 na Doolarka, Yuurooga iyo Yankana kiiba 10. Hadaba sida muuqatta waa howl adag oo ilduufkeedu uu halis yahay, in si fudud looga soo kabtaahina aysan dhicin oo u baahan rogrogid iyo in si qotadheer looga baaraandego, sidaa owgeed waa in baraarugeeda iyo feejignaanteeda la yeesho, ka hor intaan lacag daabicid la guda galin.

Lasoco qeybta 3aad ee ugu danbeysa.

 

W/Q: C/salaan Macallin Cabdullahi.

Email: isalaan2@hotmail.com

Facebook: Bashaar macalin.

 

SHEEKOOYIN