Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada dalka W/Q: C/salaan Macallin Cabdullahi.

 

12596368_10154012845852146_1985268716_n

Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada dalka.

Bulshada Soomaaliyeed intooda badani, aragti iyo xog dhameystiran kama heystaan arrimaha la xiriira siyaasadda iyo maamulka dowladnimo, sidaa darteed ayaa waxaa had iyo jeer dhaca in la helo dad badan oo u jidbeysan hannaan maamul oo aaney waxa uu yahay garaneyn, hirgalintiisuna waxa ay keeni karto aan aqoon dhab ah u laheyn, sidaa si la mid ah ayaad u arkeysaa kuwa kale oo diidmo iyo dafiraad u la soo taagan hannaan maamul oo aaney ogeyn hirgalintiisu waxa ay dhibi karto. Waxaa iyana bulshada ku badan dad soo dhaga dhageeya amaba soo bowsadey hannaan maamul oo dal dunida ka tirsan ka jira, kadibna waxey u ololeyaan isla hannaankaas in Soomaaliya laga hirgaliyo, ayagoo hilmaamsan amaba is hilmaamsiinaya in kala duwanaasho dhan kasta ah u dhaxeeyo dalka hannaankiisa maamul la qaadanayo iyo kan Soomaaliya oo la doonayo in laga dhaqan galiyo{1}.

Hadaba waxaa haboon in dadka aqoonta u leh arrimaha siyaasadda, sharciyada, dhaqaalaha, maamulka, hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed; ay soo ban dhigaan hannaanka muul ee ay u arkaan inuu dalka Soomaaliya ku haboon, ayadoo loo marayo laba waddo oo kala ah:

B- In lagu talagalo, lagana anba qaado baahida dhabta ah ee ummada Soomaaliyeed, danahooda kala duwan iyo duruufahooda u goonida ah, isla markaana laga hufnaado in wax lagu saleeyaan dano hoose oo Beeleed ama Urureed.

T- In ummadaha dunida laga faa`iideysto, waxna laga barto, lagana kororsado dhaqamadooda siyaasadeed, dhaqaale iyo aqooneed, ayadoo laga qaadanayo wax kasta oo haboon, ee arrimaha qodobka kore wax u taraya ee aan wax u dhibeyn. Ma jirto bulsho kaligeed dunida ku noolaan karta, oo dheef iyo dhibba bulshooyinka dunidu iney wada xiriiraan, waxna isku biiriyaan waxey qeyb ka tahay in dunida lagu dhaqmo.

Anoo arrintaas milicsanaya, kana tamar qaadanaya ayaa waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa Qormadan, aan ku falaqaynayo, hanaanka maamul ee aan is leeyahay waa uu ku haboonyahay dalka Soomaaliya, aanna ku qeexayo xiriirka ka dhexeyn kara Dhowlada dhexe iyo Maamul goboleedyada dalka.

[1] ) Markii la eego dhanka kala duwanaashaha ummadaha dunida, waxaa jira dhinacyo badan oo ay tahay in laga fiiriyo kala duwanaashahaas, tusaale ahaan bulshooyinku waxey ku kala tagsanaadaan dhanka baarugga siyaasadeed, oo halka ay bulsho ka heysato wacyi siyaasadeed oo ku filan, ayaa tu kale ay ka dhacsantahay. Sidoo kale ummaduhu hidaha iyo dhaqanka wey ku kala duwanaadaan, oo wax bulsho ay diin u heystaan ayaa kuwa kale khuraafaad agtooda ka ah, hidde iyo dhaqan hufan wax ay ummadi utaqaan ayaa tu kale dib u dhac u arkaan. Waxaa iyana mudan in la xuso kala duwanaashaha dhuleed, waa lagama maarmaan in tix galin weyn la siiyo ummad waliba halka ay dunida ka dhacdo, oo dalkoodu ku yaal, ma Jasiirad ay dhan kasta ama intiisa badan biyo hareereeyaan baa? Mise waa dhul xayiran oo aan laheyn wax bad ama leh bad hase yeeshee aan laheyn bad ku furan dunida inteeda kale? Markii ummad aayaheeda laga tala bixinayo waa in maanka lagu hayo wax yaabaha kor ku xusan iyo kuwa la mid ka ah ba sida: dhismaha bulshada(Isir/Isirro, beeleysi, diin/diimo/diin la`aan, madhab/madaahib), cimilada dalka, dowladaha iyo bulshooyinka dariska la ah, tirade dadka IWM.

**

Qaybta 1aad

Aan ku hor maro hannaanka maamul ee ku habboon dalka Soomaaliya, anoo u arka in Hannaanka maamul baahinta, inuu yahay hannaan ku habboonaan kara dalka Soomaaliya, habka maamul baahintu waa: hab ay jirto Dhowlad dhexe oo awood mideysan leh, kaasoo bulshada gobolada daganna, u ogolaanaya iney doortaan madaxada maamul-goboleedka, iyadoo ay dowladda dhexena ay kormeer iyo hirgalin ku yeelaneyso, ee aaney faragalin ku yeelaneyn dadka ay bulshadu u dooranayaan hoggaanka maamulka gobolka. Hannaankaani wuxuu ogolaanayaa jiritaanka Dhowlad dhexe oo xoog leh kana talisa dhammaan dalka, sidoo kale bulshada gobollada iyo dagmooyinka hoostaga wuxuu siinayaa fursad ah iney soo doortaan madaxda maamul goboleedka iyo degmooyinka, sidaasna waxaa ku suura gali karta in Dhowladda dhexe ay wadaajiso maamulka bulshada, ee aaney isku koobin iyadu. Mar hadii ay gudoomiyaasha gobolladu ay doorasho ku imaanayaan, waxaa dhaceysa in maamullada gobolladu ku tartamaan hirgalinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha aasaasiga ah, sida: biyaha, fayadhowrka, waddooyinka, xarumaha wax barasho, korontada IWM, iyo waliba gaarsiinta adeegyada qaar degmooyinka iyo tuulooyinka ka tirsan gobol kasta.

Waxaa horey u jirey in Dhowladda dhexe ay soo magacowdo gudoomiyeyaasha iyo madaxda gobollada dalka oo idil, oo aaney ku imaan qaab doorasho, bulshada gobolladu waxey ka war heli jireen uun, qof gobolka loo soo magacaabey oo aaney waxba ka garaneyn ama aysan wax kaalin ah ku laheyn. Haddiise hannaankaan la qaato; bulshada gobollada dagani qof aysan iyagu dooran madax uma noqonayo, gudoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka hoos yimaadaahina waxey ku imaanayaan, kuna sii joogi karaan doorashada iyo rabitaanka dadka dagan gobollada, Dowladda dhexena qofna uma soo magacaabi karto.

Hadii hannaankaas la dhaqan galiyo, waxaa ka dhalanaya arrimo door ah oo ay bulshada gobollada dagani mudo dheer ku taamayeen, aaneyse wali si dhab ah u helin.

Kow: bulshada gobollada dagani waxey xaq iyo dow u yeelanayaan iney halka ay joogaan ku helaan adeegyada aasaa siga ah, ayagoon usoo safrin xarunta Dhowladda dhexe, sida; kaararka aqoonsiga, Dal ku galka, Waxbarashada sare, Ruqsadaha shaqo ama Shatiyada IWM.

Labo: iney doortaan madaxda maamul goboleedka iyo degmooyinka hoosyimaada, oo aan bulshada gobollada kor looga keenin Gudoomiyeyaal aan doorasho ku imaan.

Saddex: Maamulka dalku inaanu noqon mid ku kooban Dhowladda dhexe, ee uu ahaado mid baahsan, ka dibna ay abuuranto kalsooni ay bulshadu u qabto Dhowladda dhexe.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa argagax ka qaba Dhowlad dhexe, cabsi weyna ka muujinaya, waxeyna u heystaan in Dhowlad dhexe ka dhigantahay kali-talisnimo iyo talo is ku koobid, ayagoo maanka ku haya, kana shidaal qaadanaya, wixii lasoo marey ee dayacaad, sad-bursi, cadaadin, awood ku taagleyn iyo gabood fal ahaa, ee maamulkii Dhowladii dhexe kala kulmeen iyo qaxarkii ka danbeeyey, ayey bulshada Soomaaliyeed waxey u arkeen in Dhowlad dhexe oo uu dalku yeeshaahi la mid tahay musiibo iyo halaag mar kale qoorta loo galinayo!

Waxaan la qabaa Dr.Cali C/raxmaan; oo qaba in qalad laga fahmey Soomaaliya oo yeelata Dhowlad dhexe mararka qaar lala simo Dowlad kali-talis ah oo milatari uu xukumo, isla markaana “Soomaali badan oo aan fahamsaneyn macnaha dhabta ah iyo waxa ka dhalanaya Dowlad Federaal ah, ayaa eraygaan siyaasadeed ee Federaal u isticmaalaya si ka fiirsi la`aan ah, iyaga oo ula jeeda oo kaliya habka baahinta xukunka”[1]. Dhab ahaantiina Dhowlad dhexe oo awood lihi, marnaba kama dhigna Dhowlad kali-talis ah, ee waxey ka dhigantahay Dhowlad leh awood mideysan, oo dajisa siyaasadda guud ee dalka, dalkoo idilna kawada arrimisa, sida wax kasta oo qumman si qaldan loogu adeegsan karona, iyana loogu adeegsan karo, hase yeeshe mar walba ku xiran hadba bulshada hoos tagta baraarugeeda iyo wacyigeeda.

Lasoco qeybta 2aad ee xigta.

 

Email: isalaan2@hotmail.com

Facebook: Bashaar macalin.

 

[1] ) waxaa sidaas soo guurinaya Dr. Afyare Cabdi Cilmi; Baaritaankiisa ku asteysan:habka baahinta maamulka Soomaaliya, waxaa faafiyey, machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.