Dukaanloow;Dangote Ku dayo!

GetAttachment.aspx

Nayjeeriya, wixii ka horreeyey qarnigii 19-aad, waxey ahayd, dal nidaamka qabaliga ah iyo boqortooyadu aad uga dhaqangalay, qabiil kastana uu u sameystay deegaankiisa saldanno isaga u gooni ah iyo xukun hoosaad u jaangooya masiirkooda deegaan iyo qabiil.

Nayjeeriya qarnigii 19-aad, waxaa yimid gumeystihii Ingriiska, oo mideyey ismaamulladii iyo saldanooyinkii ay dadku sameysteen, oo ay ugu weynaayeen labaddii maamul, ee ka jiray waqooyiga iyo koonfurta dalka, ee ka la ahaa; “Southern Nigeria Protectorate iyo Northern Nigeria Protectorate, 1914”.

Nayjeeriya waxey xornimadii qaadatay 1960 kii –sida inaga oo kale, waxaana dalka ka dhacay, dagaal sokeeye, oo lagu hoobtay, oo billowday 1967 ilaa 1970kii, ka dibna xukunka waxaa is ku badbadalay millateri iyo hoggaamiyayaal kalitalis iyo musuq miiran ahaa, wuxuuna dalku si fiican u saldhigtay 1999 kii, laakin, doorashadii ugu horreysay, ee xalaal ah, waxaa la qabtay, sanadkii 2011 kii, waxaana ku guuleystay, Goodluck Jonathan, madaxeweyne ku xigeenkii hore, ee madaxweynihii geeriyooday 2010 kii, Umaru Musa Yar’Adua. 

Doorashadii labaad, ee iyadana si cad loogu ka la baxay, waxaa la qabtay sanadkan 2015 ka, waxaana ku guuleystay, madaxweynaha hadda xilka haya, ee Muhammadu Buhari, Hoggaamiyahii Hore ee ciidamada.Nayjeeria waxey xudduud la wadaagtaa waddammada ka la ah; Beniin galbeedka, Jaad iyo Kaamiruun bariga iyo Nayjar oo waqooyiga ka xigta.

Nayjeeriya waa dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika, waana dalka 7-aad ee ugu dadka badan dunida inteeda kale, waxaana lagu qiyaasa dadkeeda 174 malyan, una badan dhallinyaro. Nayjeeriya waxey ka koobantahay 36 maamulgobolleed, 500 oo qowmiyadood, kuna hadla 500 oo af.

Seddexda qowmiyaddood, ee ugu waaaweyn dalka waa; Hawsa, Igbo iyo Yoruba.Alhaaji Aliko Dangote wuxuu ka soo jeeda deegaannada waqooyi, gobolka Kaanu iyo qowmiyadda Hawsa, oo ah qowmiyadda kowaad, ee ugu badan dalka, waana Muslim, sunni ah.Wuxuu ka bartay culluumta ganacsiga jamacadda Al-Azhar, Qaahira, Masar, 1977. Markuu jaamacadda ka soo baxay, isagoo 21 jir ah, ayuu abtigiis la shaqo billaabay, Cabdulqadir Sanusi Danta, oo ahaa ganacsade weyn, oo caan ka ah Gobolka Kanu.

Dangote, muddo kooban, oo uu abtigiis la shaqeynayey, wuxuu ka deynsaday lacag 500,000 Naira ah, oo lacagta Nayjeeriya ah, una dhigantey markaas $325, 000. Lacagtii daynta ahayd wuxuu ku billaabay ganacsi yar, oo ah inuu alaabaha yaryar, ee bagaashka iyo sonkorta gobolka meelo ka mida geeyo. Lix bilood ka dib dayntii wuu is ka guday, abtigiisna lacagtii waa u celiyey.

Markii ganacsigiisu kobcay, wuxuu u soo guuray caasimaddii dalka ee xiligaas Lagos, oo ahayd magaalo madaxdii Nayjeeriya 1941 illaa 1991. Dangote ganacsigiisii yaraa, ee ahaa inuu gobolka iyo magaalooyinkiisa ka dhex beec mushtaro, wuxuu u badalay inuu ka soo dajiyo magaalo madaxda cuntooyinka quutul daruuriga ah, ee loogu isticmaalka badanyahay.

Ganacsigiisa waxaa saldhig u ahaa mar kasta, inuu ka sii socdo meesha uu joogo, oo sanad kasta, uu billaabo ka ganacsiga wax cusub iyo ku soo kordhinta suuqa wax cusub, mar kastana wuxuu ku biirijiray shabakado ganacsi oo cusub. Isagoo ka duulaya, halku dhiggiisii ahaa sanad kasta wax cusub ka ganacso, ku soo kordhi suuqa wax cusub, wuxuu go’aansaday, inuu ka guuro shabakaddii ganacsi, ee ahayd wax soo dajinta iyo dhoofinta, una guuro dhanka warshadaha (Manufacturing Industry).
Wuxuu furtay markii ugu horreysay warshaddii burka, cusbada, dharka, sonkorta iyo bacaha, taas oo ka dhigan, dhammaan wixii uu dalka keeni jiray inuu gudaha ka soo saaro, kuna warshadeeyo,  arrintaas oo ay ka faa’iideysteen shaqaale badan, uuna uga dhexhelay bulshadii sumcad badan. Waqti badan, oo uu ka shaqeynayey ganacsigii warshadaha, qeybo badanna uu howlgaliyey, waxaa la la soo galay suuqii warshadaha, oo maandaaba dalku yahay waddan dadkiisu aad u badan yahay, suuqiisa aad ayaa loo soo galayey walxahaa, mar kasta oo nidaamkiisa dowliga ah sii wannaagsanaado.

Halbeegga uu mar kasta wax ku cabbiro wuxuu ahaa, inuu meesha ugu sarreeysa mar kasta wax ka fiiriyo, maandaaba ay Nayjeeria tahay dal aad u weyn, una dad badan, wuxuu ka soo qaaday, isagoo dhammaan Afrika u qidmeeyey, sidaas darteed, wuxuu ganacsigiisa ka ilaaliyey, wax laga uriyo qabiil, koox ama diin.

Si ay bulshadii reer Nayjeeriya ugu qancaan ganacsigiisa, ku xigeenkiisa, wuxuu ka dhigay nin Kirishran ah, aysanna xitaa is ku gobol ka soo jeedin.Mar kasta oo uu warshad cusub meel ka furo, wuxuu u dhiibijiray bulshada daggan meesha uu ka furayo, taasi waxey dhalisay, in la is ka wada dhex arko ganacsigiisa.

Sidii dhaqanka u ahayd Dangote, markii ay shirkadihii ajanabiga ahaa iyo ganacsatadii gudahaba billaabeen, iney dalkii warshadeeyaan, wuxuu xoogga saaray, siduu warshadihii dalka uu ka dhaqangaliyey ugu rari lahaa waddammadii kale, ee dariska iyo Afrikada kaleba. Waddammada uu ka dhaqangaliyey warshaddihii uu dalkiisa ka sameeyey oo kale, waxaa ka mida; Benin, Ghana, Nigeria, Cameroon, Zambia, South Africa iyo Togo.

Sidii uu ugu guuleystay, inuu dalkiisa oo ay ku nool yihiin 500 oo qowmiyaddood, oo kala af iyo diin ah, inuu ku qanciyo ganacsigiisa, ayna isticmaalan wax soo saarkiisa, ayaa u sahashay, inuu si fudud u galo, dhammaan suuqyada Afrika.

Dangote hadda ganacsigiisu wuxuu u badanyahay warshado, gaar ahaan dhanka; Sonkorta, shamiitada, burka, cusbada, dharka, bacaha, gaas iyo Dangote ganacsigiisu hadda wuxuu ku xoogganyahay dhanka Shamitada iyo dhismaha, waxaana taas keentay, mar kasta inuu kor u socday, oo ganacsiyada dadku ay la soo galin karaan, uu kor uga baxayey. Sababta ka dambeysay, inuu xoogga saaro shamitada iyo dhismaha, waxey ahayd, maandaaba ay dib u dhismayaan badi waddammada Afrika, wuxuu ku dadaalay, siduu u la xiran lahaa dowladaha Afrika, isagoo dhismooyinka dowladuha ay maal galinayaan qaata, ka dibna canshuurta wax qaata, illaa ay uga soo laabaneyso maalgelintiisu.

Shiinaha oo Afrika seddexdii waddanba labo dhismo ka sameynaya waxey u sahashay Dangote, iney dowladihii Afrika Shiinaha ku xiraan, oo isugu uu qaato ugu yaraan Shamiitada, haddii farsmada ay Shiinuhu la yimadaan, waana sababta keentay, in hadda ganacsigiisu isugu guuro shamiitada, waxaana ugu dambeeyey, heshiiskii ugu weyna ee Shamiitada ee ku dhexmaray isaga iyo shirkad Shiinaha laga leeyhay, oo layiraahdo Sinoma International Engeering LTD CO, magaalada Logos ee xarunta u ah ganacsigiisa. Heshiiska oo ay ku baxeyso lacag dhan $4.34 bilyan, ayaa ujeeddadiisu tahay, inuu Dangote Shamiitada siiyo 11 waddan, oo ay shirkaddan Shiineyska ah mashaariic dhisme ka fulineyso.

Waddamada ay Shirkaddaan mashaariicda dhismaha ka fulin doonto, Dangotena uu shamtiidata siin doona, waxaa ka mida; Mali, Kenya, Zambia, Senegal, Ethiopia, Cameroon, Niger iyo Nepal.Dangote sanadkii 2014 wuxuu ka soo muuqday, liiska sanadlaha, ee majalladda caanka ah FORBES, ay ku soo bandhigto, sanad kasta, dadka dunida ugu qanisan, isagoo ka galay kaalinta 23 aad iyo qofka kowaad ee qaaradda Afrika ugu qanisan, waxaana hantidiisa lagu sheegay 18.3 bilyan oo doollar.

Is la sanadkii 2014 ka, waxaa suuqa soo gashay, inuu ku hamminayo, inuu iibsado naadiga horyaalka Ingriiska ciyaarta ee Arsenal, walow uu beeniyey, laakin, wuxuu si rasmi ah u soo bandigtay, damiciisa ku aaddan iibsiga naadigaa billowgii sanadkan, in kastoo aysan uu suurtagalin.“Markaan dugsiga dhexe dhiganjiray, sonkorta ayaan inta kartoomo yaryar ku shubo, carruurta igu fasalka ah ka iibinjiray” sidaas waxaa yirir Dangote. Waxaa kale oo laga hayaa “haddaad 500 oo milyan ii dhibtaan, waxaan ku maalgalinayaa meshaad iigu dhiibteen, ee laga ma yaabo, inaan bank ku shubto ama gobol kale iyo  waddan kale geeyo!”, waxaa kale oo laga hayaa “haddii wax la barto wax lagu noqonayo, waxaan leeyahay qibradda ugu yar ee aqooneed!”.

Dangote 30 sano ka hore meeshuu ganacsiga ka billaabay ma joogo, sidoo kale 20 sano iyo 10 sano ka horna meeshuu ganacsigiisu joogay maanta ma joogo. Dadkii ay 30 sano ka hor tartamayeen maanta ma tartamimaayan. 30 sano ka hor hadduu isagu macaamisha toos wax uga gadayey. 20 sano ka dib wuxuu wax ka iibanayey shirkado iyagu macaamiisha wax u geeya. 10 sano ka dibna wuxuu wax ka gadayey oo fikirkiisa ka la hadlayey dowlado, maantana wuxuu marayaa qaarado.

Maanta ganacsadaha Soomaaliyeed 15 sano ka hor meeshii uu joogay ayuu dib ugu soo laabtay, wuxuuna suuqa ku ciriirinayaa isagoo 50jir ah wiilka 21 jirka ah, ee jooga meeshuu isagu joogay 20 sano ka hor, waana isku macaamil iyo is ku suuq.Hal abuurnimo ayey wax walba u baahan yihiin, haddii aadan ahayn, ha isku hodin, halna ka ma keeni doontide, aan ka ahayn ammin lumay iyo  Hanjabe.

 

Mohamed Ahmed Ali Royal

Business analyst & ICT Researcher

Mogadisho-Somalia

+252615725566

Mohamedmidnimo@gmail.com

Skype Royalmidnimo

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.