DULMAN Q1AAD
Dulman, waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay Soomaaliya oo maamulla’aan ah. Dhaca, boobka, dilka iyo kufsiguna ay ka mid yihiin nolol-maalmeedka. Indhaheedu waxay in badan qabteen; jidadka magaalada Muqdisho oo maydad iyo dhaawacyo xusuusteeda ku reebay murug iyo argagax ay daadsan yihiin! Waxay dhawr jeer dhibbane u noqotay: dhac, dhaawac iyo kufsi, ayadoo waliba kuwii dhibka u gaystay ay cabsila’aan ku hortamashleeyeen, oo yay ka cabsanayaan soo gabadhu ka ma dhalan dadka soo barakacay ee buushashka iyo cooshashka ku nool?
Markii ay soo waynaatay, da’deeduna ay 20 jirsatay bay talo ku goynaysaa in ay Soomaaliya dhinac u dhaafto, oo ay afka saarto dalalka hodanka ah ee Carbeed, gaar ahaa Sacuudi Carabiya oo isku darsatay qaninimo iyo rabbi oo dhaxalsiiyay dhul barakaysan. Waa halka ay Dulman iyo dadka ay isku diinta yihiin maalinkiiba 5 jeer salaadda ula jeestaan, sanadkiina qofkii awoodaa uu u xajiyo, waa Maka iyo Madiina. Wax aqoon ah oo saas u buuran kama haysato Sacuudiga, kaliya waxay maqashaa in uu yahay dalka uu Ilaaheey ugu jecelyahay dalalka adduunka, dadkiisuna ay ku xigaalyihiin Nabi Muxamed NNKH.
Bilo badan bay ku qaadatay in ay diyaarsato lacagta jidmarka u noqon lahayd, lacagtaas oo ay u adeegsan doonto sahayda socdaalka qaxarka badan ee lagu gaaro dalalka carabta. Muqdishuu ka bilaabanayaa, Boosaasuu sii marayaa, badda Afrika iyo Aasiya isku xirtuu sii dhexmuquuranayaa, Yaman baa laga sii tallaabaa, halkaas baana laga galayaa dalka ay ku riyoonayaan Dulman iyo asxaabta socdaalka ku wehliya.
Markii ay gashay safarkii ay Xamar uga baxday, dadkii gaariga la saarnaana is la sheeko qabsadeen, aaskiina uu madoobaaday ayaa waxaa Dulman bac jaad ah soo agdhigtay mid ka mid ah labadii kirishbooy ee gaariga ka shaqaynayay. Wuxuu istusay in uu caawa haysto sagaaro baxsad ah oo aan haysan cid u ciidamisa, oo yaa u ciidaminlahaa? Xitaa haddii ay guriga hooyadeed joogto waa baylah, ileyn waa maskiin jareer ah oo uusan tolkeedu lahayn gawaarida guuxa dheer ee ay ku rakiban yihiin hubka kala duwan sida: suugga labada dhuumood leh, taransataha(37), sikaa-uuga, dhashiikaha iyo shilkaha afarta dhuumood leh, kuwaasoo ciddii haysataa ay dhagaha uga babbiso qoladii dhankeeda soo fiirisa!
Markii uu cabbaar iskudayay in uu xodxodto ayna u furiwaysay wax hadal ah, ayay u caddaatay in tani ay ka fogtahay halkii uu filayay, wuxuuna go’aansaday in uu sheekada dhan kale u dhigo. Gaarigii buu joojiyay, kadibna dadkii u sheegay in gaariga taayar laga badalayo, markii dadkii ay dhulka soo degeenna inta Dulman bastoolad si hoose ugu qabtay buu la aaday duur aan sidaas meesha uga fogayn. Markii uu dantiisii soo dhammaystana darawalkii u sheegay in uu gaariga dhaqaajiyo. Cidina ma garan waxa dhaxmaray Dulman iyo kirishboyga, Dulmanna ma sheegin in la kufsaday, maxaa yeelay, waxay ogayd in aysan cidina isku hawlayn u dagaallanka xaqeeda, taas lidkeedana lagu ceebeyndoono, oo la dhihidoono: “Waa tii la kufsaday!” oo maxaa xal ah marka? Shibey shib, shib!
Marka laga reebo: cunsuriyayn, yasmo, hoos-u-fiirin iyo ku-dhaga-hadlid, Boosaaso si wanaagsan bay ku joogtay, mana aysan arag wax u dhibaateeya sidii Xamar loogu gabood-falijiray, waxayna si wanaagsan iskugu diyaarisay safarkeedii dhanka badda ee ay ku gaari lahayd dalka Yaman oo ah dalka ugu sokeeya dhulal carbeed, maalmo yar ka dibna waxay ka mid noqotay dad doon liicliicaysa u raacay dhankaas iyo Yaman! Doonta waxaa saaran dad badan oo iskugujira Soomaali iyo Itoobiyaan, waxaana ka muqallasaynaya Soomaali doonyooleey ah, cabbaar markii la socdaba qof bay naftu qabanaysaa, kadibna lagu tuuraa badda. Doonta waxaad mooddaa in malagga nafta qaadaa sameeyay! Waa mid awoodyar oo la saaray dad aad u farabadan, waxaadna dareemaysaa in ragga doonta wataa aysan ka baqayn in lagula xisaabtamo dhibaatada ay u gaysanayaan dadka ay tahriibinayaan.
Dulman, ayadu aad bay u nasiib badnayd oo kama mid noqon dadkii badda loo haddiyeyay, waxaase ku dhacay dammaad ama jahawareer, waxay garan weysay meel la joogo iyo meel laga yimid, xaalkeeduse caadi wuxuu noqday markii ay aragtay ayadoo dhaxfadhisa haraadigii ka soo haray dadkii ay la soo tahriibtay oo buurwayn hoosteed jooga, geesahana ay ka taaganyihiin ciidan aad u hubaysan. Waa ciidankii ilaalada xeebaha Yaman oo Dulman iyo saaxiibbadeedba ka helay meel aan sidaas uga fogayn xeebtii ay ku soo degeen. In yar oo firxatay mooyaane intoodii badnayd waxaa lagu qabtay meeshii, waxaana loo dhaadhiciyay xabsigii u dhawaa. Marka aad eegto foolasha dhalinyaradaas reer geeska Afrika ee ciidamada amniga u gacangalay, waxaad u malaysaa in ay laabta ka tirinayaan tixdaan soo socota:
“Haddaan geesaha la fiirin
Go’aanka haddaan la ruugin
Gorfaynta haddii la joojo
Garaadka haddii la liido
Haddii gocorkiyo dhabcaalka
Garaaddaha loogu deeqo
Haddii guluftiyo colaadda
Guushiyo lagu raadsho rayska
Gafkoo laga toobadkeeniyo
Galliinku hadduu yaraado
Haddii shaqo laga gadoodo
Garwaaxayd loo fariisto
Cilmiga lagu gaaray heerka
Haddii aan loo garaabin
Khuraafaad lagu gandoodo
Gumaysi in aad ku waartiyo
Gaddaan nahay baa dhacaysa!”
Ciidanka Yaman, si la mid ah ciidanka dhammaan dalalka carabta, waxay caan ku yihiin: aflagaadeynta dadka midabka madow iyo bahdilkooda, waxaadba u malaysaa in tababbarkooda lagu daray sida loo firfaquuqo dadka ka soo jeeda qaaradda ayaanka xun ee Afrika, kuwaasoo carabta dhaxdeeda lagu naynaaso: cabiid iyo xabashi, oo ah magacyo caay ah ayna dhici karto in aad aragto iyadoo la diimeeynayo.
Markii gawaaridii shabaqlayaasha ahaa ee siday maxaabiista midabka madoobi soo gaareen saldhiggii booliiska ee loo asteeyay in lagu xiro, ayaa waxaa farxad dhoollaha la caddeeyay dhammaan askartii ku sugnayd xarunta. Waxaadba mooddaa sidii in gawaaridda lagu sido ugaartii Soomaaliya ee deerada, dabataagta, biciidka, sagaarada iyo geriga ka koobnayd, oo maxay u farxi waayeen? Soo dadka shabaqlaha ka buuxaa ma wada aha afrikaan ka samaysan lacag, sidii la doono baa lacag looga samayn karaa, in reerahooda la waco oo lacag la waydiisto, in muqallisiinta reer Yaman laga iibsho si ay addoon ahaan dadka ladan looga gado iyo in dumarka jirkooda la iibiyo sidaasna looga sameeyo macaash aad u buuran!
Dulman, waxay ka mid noqotay 5 dumar ah oo laga reebay dadkii xabsiga laga buuxiyay, waxaana ay askartii isla garteen in 5taan gabdhood la faraxumeeyo, walibi qaab wadareed ah. Waxaa lagu xareeyay qol gooni ah waxayna la darseen kufsi wadareed aan kala go’ lahayn, heer xitaa laga iibsho raggii saldhigga la dariska ahaa. Markii ay dhawr bilood sidaas ku jireen waxaa laga iibshay nin dallaal ahaa oo ka faashleeya dumarka dhillooyinka ah, halkaas beyna Dulman ka mid noqotay haweenka jirkooda laga ganacsado ee ku noolaa dalka Yaman.
Maalmo, toddobaadyo, bilooyin iyo sanado ay ku silcaysay dalka Yaman, Dulman waxay fursad u helaysaa in ay u baxsato dalka Sacuudi Carabiya. Waa halkii ay ku taamaysay ee ay darteed uga soo socdaashay dalkeedii hooyo, waliba si fudud oo ashqaraar leh bay ku imaanaysaa Sacuudiga, ku shaqa bilaabaysaa, oo waliba ku soo aadaysaa qoys Sucuudiyaan ah oo aad uga wanaagsan kuwii ay ku soo aadday Yaman. Reer Sacuudiyaan ah oo meel tuulo ah deggan baa ka codsanaya in ay ugu shaqayso booyaasonimo, una ballanqaaday mushaar u qalmay shaqadeeda. Farxad iyo raynrayn bay galaysaa, waxayna u dhawaanaysaa in ay xoogaa ka nasato murugadii iyo nololshi cadaabka ahayd ee Yaman.
Aadane ilmihiisu waa kuwii waxbadso lagu falaye, Dulman markii ay ku dhawaad sanad u shaqaynaysay reerkii gobta ahaa, ayay go’aansanaysaa in Jiddah u shaqo doonato oo ay ka guurto tuuladii kulayka badnayd, waxayna dhaxda ka galaysaa gabdho Soomaaliyeed oo Jiddah uga shaqaysanayay booyaasonimo. Shaqo loo soo hel Dulman, waxayse markaan u gacangalaysaa reer aad uga duwan kii ay tuulada ku soo aragtay. Qoys ladan oo aad u cunsuri ah, cayda, gacanqaadka iyo bahdilku uu ka soo horreeyo. Guri ay ka noqotay bisad madoow oo markii la arkaba laga cawdubillaysto. Intaas waxaa u dheeraatay: mushaarkii yaraa oo looga dhaartay in si wanaagsan loo siiyo iyo in loogu cagajugleeyo in loogu yeerayo ciidanka ammaanka, kuwaasoo haddii ay arkaan Dulman wixii la mid ah dalka ka tarxiilaya!
Ugu dambayn Dulman waxay u gacangalaysaa ciidankii ay sida wedka uga baqi jirtay, maalmo kooban oo ay xabsi ku jirtayna, waxaa laga soo dejinayaa hoygii halaagga iyo hoogga: Muqdisho oo markaan lagu naynaaso ‘Muuq-dila!’. Waxay ka argagaxaysaa muuqaalka fooshaxun ee Xamartii la xumeeyay! Islamarkaana soo xusuusanaysaa heesta uu ku luuqeeyo hoobalka caanka ah ee Axmed Naaji Sacad, ee ku leeyahay:
” Xamar waa lagu xumeeyee
Yaa ku xaalmaraaya?”
Waxayse go’aan ku gaaraysaa in aysan ku noolaan magaalada uu ibliisku ka taliyo, hoostana ka xarriiqaysaa in ay safar degdeg ah u aaddo dhankaas iyo degaanka soomaalida ee ay Kiinya maamusho (NFD) oo ay ku yaallaan xerooyin qaxooti oo ay ku nabadgalaan dadka dhibban sida Dulman.
La socda qaybta kale.
W.Q: Cabdinaasir Xiddig