Dulucda Maahmaahda iyo Murtida. W/Q: Abwaan Maxamed X. Faarax

Dulucda Maahmaahda iyo Murtida.

Maahmaahdu waa xubin ka mid ah Suugaanta weliba bahda murtida, Af kasta oo adduunka ka mid ahi wuxuu leeyahay maahmaahyo, qaarkood waa isku mid qaarkoodna wey isu dhaw yihiin, haddaba maahmaahdu waa halkudhig lagu bilciyo laguna xoojiyo araahda ama aragtida, sheekada iyo dulucda hadalka qofku jeedinayo. Maahmaahdu waa ujeedooyin badan tahay, waase hadal kooban oo xambaarsan tusaale qotodheer, Afka Soomaaliga ayaa la dhihi karaa inuu yahay Afka ugu maahmaahyada culus Afafka adduunka uguna badan.Maahmaahdu waxay la falgashaa oo had walba ka halcelisaa habdhaqanka bulsho iyo hannaankeeda nololeed.

Maahmaahda

Mahmaahuhu waxay u kala baxaan labo qaybood.

Mahmaah toos ah oo dulucdeeda aad markiiba helayso waana murti daalacan oo wadata ujeedkeeda iyo mahmaah dadban oo u baahan in qeexid iyo qaabeyn.

Maahmaaha Daalacan.

  1. Carruurnimo waa ciil laga weynaaday
  2. Geel laba jir soo wada mar
  3. Af daboolan dahab
  4. Arad waa dan uskagse waa doqoniimo

Maahmaahda dadan

  1. Safar dibigii riman
  2. Sar geel maalin bey qoyantahay
  3. Waxaa jira nabar salaxda kaaga yaal nin la tuso iyo nabar salka kaaga yaal nin laga qariyo
  4. Xog-ogaal iyo xaajo yaqaan keebaa la qaatey

Safar dibigii riman:

 Dulucda iyo ujeedka maahmaahdu waxa weeye, qofku waxa uu safarsanayo ama beecinayo haddii wax laga weydiiyo, sida uu xayeysiinayo ee u falanqeynayo una ammaanayo isagoo iin iyo dhaliil ka jiraya, ayaa ammaantaas labo ayey mid noqotaa mid run ah iyo mid ka badbadin ah oo wax aan suuragal ahayn ku sheegeysa heer nin DIBI wataahi yiraahdo Dibigeygu waa uu rimanyahay oo weylo ayuu dhalayaa, si lamid ah waad aragteen shirkadduhu marka aay badeecadahooda xayiisiinayaan waxayaabaha ay ku sheegayaan sida Caanahana BBB marka aad hal mar kabato waad cayileysaa IWM.Waxaad kaloo aragteen SIYAASIGU marka uu isa soo sharaxayo oo uu siyaasaddiisa dadka ka gadayo wanaagga badan oo uu sheeganayo iyo wax qabadka muhiimkaa oo uu balan qaadayo.

Sar Geel maalin bey qoyantahay.

Labo siba way noqon kartaa oo dulucdu wey yeelan kartaa, mida koobaad SARTU markii aay qoyantahay ayaa la shisaa haddii Agab laga sameynayana la qaabiyaa sida TEBEDDA ama QUMBAHA IWD, haddii XARGO laga sameynayana la jeexaa sabab too ah mar haddii ay qalasho waxba lagama qaban karo.Ujeedka labaad ee loo adegsadaana waxa weeye, arrin walbaahi maalin ayey wax ka qabasho leedahay oo hadsay maalintaas dhaafto si wax loga qabtaahi wey adkataa.

Waxaa jira nabar salaxda kaaga yaal nin la tuso Iyo nabar salka kaaga yaal nin laga qariyo

Ujeedkeedu waxa weeye ninka nabarka salaxda kaaga yaal laga qarinayo, waa cadawgaaga ku farxaya dhibaatada ku gaartay, oo inuu wax kuu qabto iska daaye laga yaabo inuu ciddii dhibka kuu gaysatey abaal marin siiyo,Nabarka salka kaaga yaal ninka la tuso waa nin ka damqanaya dhibaatada ku gaartey oo wax kuu qabanaya kulana tacaalaya.Run ahaantiina haddaan Soomaali nahay sidaas uma xisaabtanee sida kale ayaan u xisaabtanaa oo cadawgeenii ku farxayey dhibaatadeena ayaan u u cabanayaa oo xumaanteeda uga warranaa, god dalooladeena tusnaa siraheena u gudbinaynaa inagoo inagu is cadawsaneyna waxaadna aragtaan Soomaalinimada inaan uga kalsooni badanahay shisheeyaha.

Xog-ogaal iyo xaajo yaqaan keebaa la qaatey?

 Jawaabtu waa XAAJO yaqaan meel uu wax marin doono lama ogee XOG-OGAAL ayaa la qaataa.Ujeedkeedu waxa weeye XAAJO YAQAAN wixii uu markaas arkayo ama lagu doodo ayuu aragtidiisa uga hadlaa wuxuuna abbaaraa sidii uu xal u arko isagoo ku xisaabtamaya hadba sida jawigu yahay inuu saxana u dhow inuu qaldana u dhow.XOG-OGAAL, waxaa loo qaadanayaa isagu wuxuuu ogyahay arrintu sidii ay u dhacday, wixii sababay inta aay soo martay cidda gardaran iyo cidda gar leh, waxa aad wada ogtihiin haddii arrin dad isku qabsado oo aay ku heshiin waayaan oo dad kale ku soo baxaan garna la isku dhigto, Sharci iyo Xisdi mid lagu galaba waxaa loo baahdaa marqaati taasaana kuu cadeyneysa in XAAJO YAQAANKA uu ka muhiimsan yahay XOG-OGAALKU.

 

W/Q: Abwaan Maxamed Xuseen Faarax.

SHEEKOOYIN