Dumar waa Jacayl Ragna waa Masuuliyad Mohamed Musa Shiikh Noor

faaf

Dumar waa Jacayl Ragna waa Masuuliyad

 

Dumarka qaar ayaa waxay u arkaan haddii ninku uu xaas labaad yeesho in uusan ku kalsoonayn ama uusan jeclayn tii hore, waxayna taas tusaale uga dhigaan in qalbigu uusan laba u qaybsami Karin, ninkuna uusan labadaas xaas ama ka badan uusan isku si u jeclaan Karin!

Taa mid ka duwan ayaan qaba nimanka, oo waxaa saaran mar walba masuuliyad ah sida uu waajibkiisa u gudan lahaa, marka; “Dumarna waa jacayl, Ragna waa waajib gudasho’.

Way dhici kartaa in ay jiraan dad arrintan iiga soo horjeeda, oo aan igu waafaqsanayn,

balse, waxaan leeyahay ninka ragga ah laguma xukmiya jacaylka uu u kala qabo xaasaskaas uu qabo, ee waxaa lagu xukmiyaa ama lagu qiimeeyaa sida uu waajibkiisa u guto.

Runta marka laga hadlo, ee aan qiro in qalbigu mar walba uu dhinac u janjeeri karo,

taas macnaheeda maahan in la dayacay kuwii kale, ee wax walba waxaa ka muhiimsan gudashada waajibaadka iyo simidda xaqooda. Diinteenna islaamka ah waa caddaysay xaqa dumarka ay leeyihiin iyo xaqa ragga ay leeyihiin.

Ma ahan wax aan anga maskaxdeenna ka keensannay, ee waa wax Qaaliqeena uu inoo sameeyay, cid Allah uga aqoon badan addoomadiisana ma jirto, marka aad si fiican u dhuuxdo Aayadda ka hadlaysa guurka iyo habkiisa. Allah wuxuu ku billaabay; “U guursada laba labo” Lama oran hal hal, waxaa lagu xijiyay saddex saddex, haddana afar afar ilaa lagu soo gunaanaday haddii aadan u cadaalad fali karayn dumarka xaaska kuu ah ku ekow hal xabo!

Macnaha Aayadda waxaan ka fahmi karnaa in meesha aan lagu sheegin wax la dhaho jacayl, ee lagu sheegay cadaalad, marka laga hadlayo dhinaca ragga xaalkoodu waa uun u cadaalad falid dumarkooda iyo qancintooda dhinac walba.

Qalbigu ma ahan wax la koontaroolli karo, waana laga yaabaa in mid ka mid ah dumarkaas in uu bato, balse, taas ma ahan mid dafiri karta ama marmarsiyo looga dhigan karo qaybinta xaqa dumarka ama cadaaladdooda, dumarkuna waa kuwa laga doonayo in ay u gutaan waajibkooda dumarnimo sida la faray, naag walbana ay ku dadaashaa sidii ay xaqa ninkeeda uga soo bixi lahayd, balse, haddii wax aan meeshaba aallin oo ah in naag walba ay iska dhaadhiciso in tan kale laga jecelyahay, meeshaas waxaa ku lumaya sii taagnaashaha qoyska, haddii marba la kala aamin baxana dhaqan ma jirayo.

Sheekada ah jacayl iyo wax soo raacaba lama dhihi karo waa midka uu guriga ku taagan yahay. Micnaha yaan loo fahmin in aan dafirsanahay jacaylka oo dhan, ee waxaan ka wadaa marka ay timaaddo in uu ninku xaasas badan yeesho ama dumarka lala qabo dumar kale, waxaa markaa muhiim ah in diiradda uu qof walba saaro xaqa lagu leeyahay iyo shaqadiisa in uu si fiican uga soo dhalaalo, micnaha ugasoo baxo.

Dhaqan ayaan leenahay waana kan Islaamka, Islaamkana wax ma dulmiyo ee waa cadaalad. Dumarka waxaan leeyahay ha ku colaadinnina raggiinna damacooda xaasas kale.

Waxaa muhiim ah in dumarku ay ka eegaan xagga ah in xaqooda ay haystaan, xaqeeduna waa ku cadyahay diinta, waa marasho, masruuf, raggannimo iyo qadarin oo soo raaacda, intaas ayaa muhiim ah. Raggana waxaa laga doonayaa in dumarkooda ay qanacsadaan, dareensiinna cadaalad xumo ama in ay ku fakarto in ay wax ka maqanyihiin.

Xaqa dumarka hala iska dhowro haddaadan waajibka ku saaran ragow si fiican aadan u gudan Karin, halkaaga xabbo ku ekow, balse, farxaddaada naag kale yaysan noqon oohinta xaaskaagi hore. Hala is xaq dhowro hana la isku sabro!

 

 

Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

 

 

 

SHEEKOOYIN