Dunida maanta iyo Dulmiga

Aniga iyo Dunida.

12188268_504064346433729_899448837_n-2

Heesaha markii aan ka maqlo ereyada nuucaan ah “DUNIDAN HALlAYSAN, DUNIDAN QARIBAN, DUNIDAN HOOGTAY” waan la yaabi jiray Abwaanada oo waxaan oran jirnay Dunidan anagaaba ku noole wax dhib ahna kuma qabnee tolow maxay ula danleeyihin?? Haddaan tusaale usoo qaato, Gabaygii caan baxay ee Abwaan Maxamed Cabdulle Cali “Gamuute”

Waa duni ajoowdoo kufriga, lagu adeecaaye

Waa duni arkaantiyo xaqii, oodda loo rogaye

 

Waa duni Illaah leeyahoo, aadmi laylyadaye

Waa duni indhii laga ridiyo, araggi faayaaye

Waa duni iblays iyo fircoon aalada u tumaye.

 

Waa duni raggii aad ahaa, aakhiruu kacaye

Waa duni akhyaartii tagtoo, obollos joogaaye

Waa duni qof wacad oofiyaa sii iqriir yahaye.

 

Waa duni qofkaad aamintaa, seed ku aayiriye

Waa duni aqoon kaad biddaa, eexo taliyaaye

Waa duni abaalkaad gashaa eed ku tarayaaye.

 

Waa duni amaahdii dorraad, la inkiraayaaye

Waa duni arsaaqday lahayd, la arfacaayaaye

Waa duni ilmaha aad dhashaa ku asaraaraaye.

 

Ma egmado hadduu toban jir yahay, wiil adoo dhalaye

Waa duni amleey lagu rogiyo, olole maadhiine

Waa duni ilmaadeeradii, kala irdhoobeene

 

Kuwii uur kasoo wada dhacaa, obo’ la moodaaye

Waa duni ninkii jara arwaax, lagu ammaanaaye

Waa duni utuno sheelan iyo aano loo rogaye

Waa duni waxaa lagu arkiyo, aakhir sebenkaase.

 

laakiin Waqti xaadirkan aynu hadda joogno ayaan garwaaqsaday oo aan ogaaday Abwaannada wixii aan ku haystay inay gar daro ahayd.waxaynu ku noolnahay, Duni Qarriban, Duni cadaalad darrada caado ka tahay, ceebtuna wanaag ka tahay; waa Dunni kan xoogga lihi uu cunayo kan miskiinka ah, waa duni midka wax haysta uusan nolol u ogolayn miskiinka, waa duni daalimka shariif ka yahay ninka aan waxba geysanna Daalim ka yahay, waa duni masaakiinta iyo fuqarada dusha looga tumanayo, waa duni qofna qofka kale nolol u ogolayn, waa duni noloshaba laguu quurayn oo geeri lagula jecelyahay.

Dalkeena markii aad u fiirsato xaalad murgsan ayuu ku jiraa, gumaysi toos ah iyo mid dadbanna dalku wuu ku jiraa, bal eeg waxayna leeyihiin Habka Maamul goboleedka qaata oo asiga ayaa horumar iyo barwaaqo ku gaaraysaan, Maamul goboleedku aniga waxaan u aqaan Maamul Qabiileed, Cadawyga Soomaaliyeed wuxuu dajiyay Istaraatiijiyad ( Strategy) uu Dalka ku galin lahaa Gumaysi hor leh, dalkaan waxaa soo maray dhibaatoyin tira badan haba u badnaadeen dagaalo dhiig badan ku daatay, dagaalladaas markasta waxaa gacan xoog leh siin jirey Shisheeyaha cadawga ku ah jiritaanka Soomaaliyeed, cadawaas oo ka kooban Madow iyo Caddaan, Dagaalladii dhiiga badan ku daatay waxay kasoo billawdeen sannadihii sideetameeyadii markii Dowladii Militariga ay ku kaceen Jabhada, dagaalkii jabhadaha ay kula jireen Dowladii Militariga waxuu soo idlaaday 1991-dii, ka dib dagaalkii jabhadaha waxaa billawday Dagaalo Qabiileed, qabiil qabiil baa la isku dilay, dhiig badan waa ku daatay Dagaalkii Qabiilada ee mudada dheeraa socday wuxuu dhamaaday sanadii 2006-dii, dhaq dhaqaaqii midawga maxaakiimta ee 2006-dii wuxuu dalku galay dagaal diimeed, kooxo tira badan kala ujeedooyin ahna way abuurmeen dagaallada dhiig badan baa ku daatay haba u badnaadeen dadka dhimanayay shacabka masaakiinta ah.

Sanadkii 2012-ka Dalka waxaa laga doortay Dowlad aan ku meel gaar ahayn siday noo sheegeen oo wadato magaca ah “DOWLADDA FEDERAALKA” aniga ahaan nidaamkan Maamul goboleedka waxaan u arkaa inuu yahay nidaam cusub oo ay cadawga Soomaaliyeed ku doonayaan inay dalka galiyaan dagaalo hor leh oo dhiig badan ku daato, Soomaaliduna ay iyaga isku mashquusho Maamul walbana dhagta ay ugu sheegaan inuu iska difaaco Maamul Qabiileedka dariskiisa ah xuduudihiina ilaashado, inta ay Soomaalida sidaa isku mashquushantahayna uu cadawgu gurto Qayraadkii Dalka buuxay iyo baddii iyo barigii qaybo ka mida.

Haddii aysan bulshada Soomaaliyeed ka gaashaaman gulufka ku soo fool leh, waxay halis ugu jirtaa inay ku dhacdo gacan gumeysi oo toos, waayo, sawirka maanta adduunyada u yaal waa inaysan heshiin kareyn, waxaana imaneysa, in dowladdo Afrikaan ah talada laynoogu dhiibo, “ Haddaad tashan waydo waa laguu talin”

CAALAMKA

Caalamka kale ee nagu hareeraysan sida inaga ( Soomaalida ) aynu isku dulmiyayno, isku dilayno, isku caddaalad daraynayno ayaa Caalamka kale ka jirta; Tusaale Waddanka Falastiin waxaa dhulkooda xoog ku haysta Yuhuuda, Dalka Burma Muslimiinta ku nool maalin kasta xasuuqyo baahsan ayaa loogu gaystaa, dalka Koongo sidoo kale muslmiinta ku nool xasuuqyo baahsan oo isirtir ah ayaa loogu gaystaa, waddamada Carabta dab baa ka holcaaya oo aan la ogayn xiliga uu damayo, dagaaladaa xaq darada ah ee caalamka ka socdana indhahaa laga wada daawanayaa cid ka haldaysa xaq daradaas ma jirto, Meel walba uu dunidan ka mida waxaa ka jira cadaalad daro, dilal xaq daro ah, musuqmaasuq iyo eex baahsan, Awood sheegasho, Dulmi iyo Gardarro, intaa aan soo sheegayna waxaa geysana AADANAHA.

Sida Quraanka ku cad Ilaahay SW markuu Aadam abuurayay Malaa’igta wuxuu u sheegay inuu Dhulka ( Dunida) khaliif u samaysanayo markaas ayay Malaa’igtii waxay dhaheen ma waxaad samaynaysaa mid adduunyada fasahaadiya dhiigana daadiya anaga ( Malaa’igta ah) ayaa kugu mahdina ku dahirna, markaa buu Allaah ku yiri waxaan ogahay wax aydaan ogayn.

Sida ay malaa’igtuba sheegatay inuu Aadanuhu dhulka fasahaadin doono dhiigana xaqdarro ku daadin doono, hadalkii malaa’igta wuu rumoobay oo dilkii waxaa bilaabay Aadam CS wiilkiisa oo markaa xaqdarro ku dilay walaalkii.

Guntii iyo gabagabadii hadalkayga waxaan ku soo xirayaa dunidan aan maanta ku noolnahay waa Duni hoogtay oo qasaartay waxaana sabab u ah waxaa caado iyo caadi ka noqatay caddaalad darrada, Amarka ilaahay oo la qilaafo, dulmiga, musuqmaasuqa, awood sheegashada, gumaysiga, cunsuriyadda , is faquuqidda iyo wax kasta oo xun.

Waxaa laga weekday hannaankii samaa ee allaha dunidan abuurtey ugu talo galay ilma aadan, taasoo ay doorbideen hannaanxumo iyo hallaag aay iyagu doorteen, bal eeg noolaha duur joogta ahi kama aysan tegin habkii alle u abuurey, bal eeg dabjoogtu. Ilaa hadda nagama goosan caanaha iyo iney adeecaan inaynu dhaqano, bal eeg dhirtu nagama aysan hagran midhahooda ee waa noogu deeqaan, taasi waxay na tusineysaa, ineysan baal marin ujeedkii alle u abuurey inagu haddaan nahay ilma aadanse aynu baal marney.

Qof walboow naftaada ku layli inaad caddaaladda taageerto, inaan habsami wanaagsan ula dhaqanto, bulshada keeda sare iyo kan hoose, inaad noqoto, mid isagu dhaqanka wanaagsan ku hannuunsha bulshada, qofna ha necbeysan, balse adigu naftaada u hoggaami wanaagga.

 

W/Q: Sakariye Cabdixaliim Maxamed

https://www.facebook.com/saki.abdihaliim

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.