Duulisteennii W/Q: Ramla Gobdoon

images

Duulisteennii

Waa habeenkii aan wada lahayn. Habeenka sabtiga. Xilliga ballanta waa is la tii aan is la ogayn, goobtuna waa halkii annguna waa is la annagii, balse caawa wax kale ayaa cusub oo aanan jirin habeennadeennii hore. Habeen walba oo sabti ah waa kan aan ugu jeclahay toddobaadka, waayo adiga ayaan ku ahay adna i tahay. Si gaar ah oo dareen leh ayaa uu caawa uga duwanaa habeennadii hore. Marka aan isu imaanayno is ma wacno, waayo labadeennuba waan ognahay in ay habeenkeennii tahay, mid walbana isaga ayaa is xilqaama oo goobta is keena. Caawa waad iga soo hormartay. Taa ka ma dhigna in aan soo daahay ee adiga ayaa waqtigeennii ka soo hor maray. Markii aan gooladda soo galay ee aan indhaha ku dhuftay kursigii alwaaxa ahaa, ayaan ku arkay adiga oo taleefan ku hadlaya. Waan shakiyay oo saacaddii ii xirnayd fiiriyay, misna xilligii ballanta oo laba ilbiriqsi dhiman ayay ahayd. Waxa uu dareen iga galay sidii aad taleefanka ugu hadlaysay iyo sidii aad dhaqso ugu sara kacday markii uu muuqayga kuu soo baxay. Midkeenna ma hadlin haddana waan is la hadalnay. Adiga oo dhoolla caddeenaya, is la markaana la gaa dheehan karo degdegsiinyo ayaad dhankayga u soo dhaqaaqday. Gacan ayaad ii soo fidisay. Juu iyo jaa toona ma oran, haddana waan kuu dhawaaqay. Sidii ii caadada ahayd ee la igu yaqiinnay marka wax aan ogayn ay jiraan, ayaan sunniyaha sare u qaaday madaxana si u dhiganta ´´Maxaa jira?´´ u ruxay. I la ma aadan hadlin, haddana wax baad ii tilmaantay. Gacantayda ayaad fiirisay ka dibna taadii fidsanayd. ´´Gacantaada ii dhiib´´ ayay ka dhignayd daymadaas.

Waa markaas markii aad gacanta i qabsatay, gooladdii aan ka soo galayna nagu celisay. Cabbaar markaan soconnay, socodna la ma dhihi karo orodna ma ahaynee, ayaad na gaysay meel ay baabuur badan safan yihiin. Anigu baabuur is ka daayee in aad liisan haysato ma ogayn! Gaari BMW ah oo midab bunni ah leh ayaad furihiisa soo baxsatay. Qaybta dambe ayaa nalal bixisay.  Albaab ayaad i furtay waadna is ka soo dhaqaaqday. Intii aad soo wareeganaysay waan yaabnaa. Baabuurka ayaan indhaha ku gubay, haddana adigii oo i hor maray ayaan indaha ku la raacay. Adiga oo ay hal lug bannaanka kuu taal, albaabkana gacanta ku haysta ayaad iigu baaqday in aan ku soo raaco ka dibna albaabka xiratay. Yaabkii i hayay ayay wax kale oo yaab ka wayn iigu darsameen. Waxa dhacaya iyo sida ay u dhacayaan ayaan garan la´ahay maahee, inaan ku raaco oo aan kaa harin raalli ayaan ka ahay. Waxaan gaariga soo koray aniga oo ka la saari karin waxa maskaxdayda ka guuxaya iyo waxa aan dareemayo. Intaan suunka soo jiidayay ee aan sii jeeday ayaad mara cad oo dheer soo bixisay, markaan suunka xirtay ee madaxa kor u soo qaadayna waxa aad diyaar u ahayd in aad indhaha iga xirto! Calaamadda la yaabka ayaa wajigayga kortay!  Wajiga iyo gacmaha ayaan kaa la hadlay, qosol su´aal watana qoslay, adiguse dhag jalaq ii ma siin. Dhankayga ayaad u soo sikatay indhihina iga xirtay!

Waxa dhacaya, waxa aad damacsan tahay, meesha aad noo waddo iyo qorshaha kaa dhex guuxaya toona ma ogi, balse hal mid ayaan ogahay. In aad kedis ii waddo. Dhegaha ayaan ka maqlaa shanqarta baabuurka igu cusub, ee aniga oo dhex saaran aanan aqoon sida uu gudihiisa u yaallo. Wax ii muuqda oo aan mugdi ahayn ma jiro. Waan yaabbanahay. Waxa aan is ku dayay in aan ku fekero waxa dhici doono iyo halka aan u soconno, waanse kari waayay. In aan xanaaqo ayaan is ku dayay, haddana wax baa qalbiga ka qosliyay. Waxaan ku fekeray mugdiga aan arko, markaa ayaan is waydiiyay dadka aragga la´ in mugdi oo qura ay arkaan. Kolkaa ayaan u calool xumaaday inta aan wax arki karin oo dhan, ka dibna qalbiga uga duceeyay. Imtixaan yar ayayba ahayd. Cabbaar marka aan ka la aamusannahay ayaan shakiyay. Waxa aan ka shakiyay in aysan hadda dhici karin ayaan is ku la dooday. May, xilligii aad guur ku ballanteen wali wax ayaa ka dhiman, caawana kaa ma dalban karo ayaan nafta ku dejiyay. ´´Waxa dhacaya ii sheeg´´ ayaan ku waydiiyay markii aan is hayn waayay. Warcelintii aan kaa filanayay in aad ii sheegto waxa ay noqotay in xaggaaga aan ´´Shshsh´´ ka maqlo. Waan is galay, shakigiina waa uu igu soo laba kacay. ´´Sidaa ma samayn kartid caawa waayo xilligii aan….´´ intii aanan warka kuu dhammayn ayaad gacantaada ku xirtay afkayga. Innaga oo aan tegin meesha aad noo waddo ka hor inaan codkaaga maqlo xitaa caawa waad is ka diidday. Wax igu cusub dheh.

Qaddar daqiiqado ah ka dib codkii Lafoole ayaa sameecadda gaariga ka soo dhex dhawaaqay. Muusigga aad sida aadka ah sarre ugu qaadday ayaan ka gartay in heestii aad jeclayd ay tahay, intaa wixii ka dambeeyay adiga ayaan talada kuu daayay, anna dulqaad ayaan is ka baaray. Waxa aan maqalka dhagahayga siiyay heesta. Xoogaa markii ay muusikadu socotay ayaa codkaagii macaanaa ee aan jeclaa hoos u dhigay kii Lafoole.

Laf dhabarta araxda iyo

Unugyada dhiiggiyo jirkaay

Laxaadka intiisa kale

Addimada ii celinayaay

Jacaylkii waaya arag

Astaantii la gu xusaay

Ubacda beerkiyo wadnaha

Adaa masalaha dhigtoo

Keligaa ku gu aaminee

Cid kale loo ma oggola

 

Dareen qaboow oo farxad iyo jacayl wata ayaa i saaqay intii aad heesaysay. Waxaan is arkay aniga oo ku qanacsan wax ogaansho la´aanta iyo indhaha ii xiranba, ereyada macaan iyo codkaaga ayaan ku raaxaysanayay oo wehel buuxa ii noqday, fekerkina iga saaray. Daqiiqado dhowr ah ayuu gaarigu istaagnaa, waxa aan qiyaasayay in aan saf galnay. Markii aad gacantaada tayda dul saartay ayaan is ka sawirtay in aad faraxsan tahay, oo aad ku qoslayso sida aan u indha xiranahay. Taloow maxaad dareemaysay? Ma is tiri in aad iga inkaarsanayso, waayo muddada intaa la eg ayaad is ka aamusnayd waliba aad indhihii iga xirtay? Gaarigii dib ayuu u dhaqaaqay mar kale. In aan ku qiyaasayo ku dhawaad toban daqiiqo ayaa sida aad marba gaariga u leexleexinaysay meel istaagtay, baabuurkina damisay. In aad degtay oo albaabkiina soo xirtay dareemay, balse in aad meesha iiga tegi doonto iyo in kale ayuu dareen iga galay. Waa habeenkii jabkayga, ayaan hoos ka iri.

Markii aad igu caawisay in aan soo dego ayaad maradii iga furtay. Gacmaha ayaan indhahaygii la doontay oo si fiican u ka la furay. Kolkii aan akhriyay boorka farfarta waawayn ku qoran ee kor suran iridka wayn ee horteenna ka muuqda, ayaan rumaysan waayay in aan hor taaganahay xaruntii aan dalxiiskeeda jeclaa. Laba toddobaad ka hor, habeenkii sabtiga ayay ahayd markii aan soo hadal qaadnay ee aan ku lahaa in aan aad uga helo goobtan, laakiin marna igu ma soo dhicin in aad qorshahan damacsan tahay. ´´Buufinka hawada loo raaco ayaan caawa raacaynaa´´ ayaad igu tiri ka dibna tikit iridka la gu galo ii soo taagtay. Dhul iyo cir meel aan joogo ayaan garan waayay. Erey aan ku dhaho ayaa iga soo bixi waayay. Waxa aan qeexi waayay sida aan ahay. In aan ku raaco oo aan gudaha wada galno ayay noqotay waxa kaliya ee aan ku dhiirraday. Dad aad u tira badan oo laba iyo ka badan is ku la socda ayaan gudaha ku sii aragnay. Gabar fadhida meel kor ka daboolan ayaan u tagnay. Tikityadii ayaan u dhiibnay, waxa ay noo tilmaantay dhanka ay naga xigaan buufinnada hawada loo raaco. Dhowr qof ayaa naga horreeyay annagana safka ayaan galnay. Buufinnada la fasaxay sida ay u duuleen ee hawada u aadeen markii aan arkay ayaan farxad iyo fulaynnimo dareemay. Armuu na la soo go´aa ama wax kale ay dhacaan, ayaan ku fekeray. In aanan baqan oo aan adiga geesi ku gu ahay ayaan is xasuusiyay. Waxaa na loo keenay midkii aan raaci lahayn.

Hawada ayaan u baxnay. Innaga oo is la fadhinna ayaan hawada u duulnay caawa. Labadeenna oo wada jira. Adiga oo ku faraxsan sida aan u faraxsanahay iyo aniga oo la ashqaraarsan kediskan quruxda badan ayaan hawada isu raacnay. Hawo leer macaan oo udgoon leh, jawi aad u xasillan iyo annaga oo is ku qanacsan ayaa wada kulmay. Dhulka iyo dadka joogaba waan ka dhex baxnay oo ka dheeraannay. Dareen wacan oo macaan ayaa labadeennaba na saaqay. Taa waxaan ku gartay qalbiyadeenna ayaa is yaqaanna, oo mid is ku ah. In aan hadlo ama aan wax ku iraahdo waxa aan ka doorbiday, in aan hawada dhexdeeda hab ku gu siiyo. Si dhaba oo qalbiga ka soo go´day ayaan kaa ga mahadceliyay cawayska quruxda ee aad noo samaysay. Intaa ka dib waan sheekeesannay oo wada hadalnay. Feker walba oo naga dhex guuxaya ayaan is dhaafsannay. Waan is faduulinnay oo wada kaftannay. Mustaqbalka iyo nolosha qaabka ay ku socdaan ayaan cabbirnay. Waan is dhagaysannay oo isu caqli celinnay. Halkaa marka ay wax noo maranayaan ayaan is la daawannay cirka iyo duunyada hoosteenna joogta. Jawiga bilaa shanqarta ah, hawada udgoon ee sida deggan ku socota, mugdiga cirka ee iftiin badan u yeelay  xiddigaha iyo sida aan isugu dhawnahay waxaa naga soo dhex galay codka Xasan Aadan Samatar.

Kaalay daadah

Dibadda soo baro

Waa duulisteenniyee,

Dayaxa aynu dhaafnee

Aniga oo daawashaa cirka ku maqan ayaan ku qoslay qaabka aad uu qorshaysay habeenkan iyo heesaha aad u soo xushay. Runtii caawa waxa uu ahaa habeen aan u heli karin magac aan u bixiyo. Waxaa intaas dheer oo aan aad ula qushuucay, warqadda jeebkayga ka soo dhacday markii aan xaafadda imid, malaha intii aan laabtaada ku jiray ayaad jeebka iigu ridday.

“Waxa aan filayaa in aad si wacan uga heshay dalxiiskii caawa. Ka raalli ahoow intii aan indhaha kaa xiray iyo haddii aad dhibsatay diidmadii aan kuu diiday in aan wax kuu sheego. Qosolkaaga, farxaddaada, dabacsanaantaada iyo qalbi diirranaantaada ayaa qurxisa oo iftiimisa habeenkeenna. Habeenka aan is nahay. Habeenka aan wada joogno.”

Illin uu qalbigu ku qanacsanaa indhuhuna ay soo daadiyeen ayaa dhabannadayda qoysay. Adiga oo sidii aan ogaa iiga farxiyay caawa ayaad raalligelin i sii waydiinaysaa. Alla maxaad qof wacan tahay. Sidaan kuu dhowri lahaa, ee aan kuu xanaanaysan lahaa ayaan Ilaahay ka baryayaa in uu ii fududeeyo. Farriin ayaan damcay in aan kuu soo qoro. Sawirro aad iga qaadday aniga oo gaariga fadhiya indhuhuna ii xiran yihiin, ayaan taleefanka ugu tegay. Anigaa is ku qoslay. Caawa waxa aan ku qortay xusuus qorkayga. Habeen kasta oo sabti ah adigana an ku la kulmaayo waan jeclaa, xiisana waan u qabay, caawase waxa aan dareemay in aan aad u sii jeclaaday habeenkeenna. Habeenka qalbigu mataankiisa helo. Habeenka farxadda iyo qosolka. Habeenka jacaylka. Habeenka aan mid nahay. Caawa oo kale.

W/Q: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN