Duullaankii dad u ekaha. Qore: Cabdikariin Xuseen

Swirka Cabdikariin Xuseen

 

Duullaankii Dad u Ekaha.

 

Waa dalkii demmene ahaa iyo dadkiisii dhegwaynta ahaa, inkastoo colaadihii iyo dagaalladii sokeeye dhammaadeen,waayo aragnimo badan kama korodhsan waayihii xanuunka badanaa ee soo maray. Wax badan oo burburka keenay ayaa maanta lagu dhaqmayaa, dawladda jirtaa tabihii hore iyo wixii hoogga baday ayey ku dhaqantaa, musuqa, nin jeclaysiga iyo qabyaaladdu waa astaamaha taliska, wax qabad haba sheegine, intii horey hagaasisay, inta masuuliyiinta ahi waa afar jeeblayaal dantooda u taagan, indhahana dalqada ku yeeshay, toosin ma ogola,talana ma yeelaan, hiraal iyo himillo midna malaha. Adeegyadii bulshada oo dhanbaa maqan, inkastoo dugsiyo badani dalka ka furan yihiin hadda waxbarashadu waa fawdo iyo jaantaa rogan, cafimaadku waa heetinayaa oo waa in daryeel la’aani hayso iyo badh dawooyin dhacay amma tayadoodu liidato ku waxyeellooba, biyo la’aaan iyo shaqo la’aani iyagu waa ina daanwaye.

 

Bulshadu waa koox maamulka ku lug leh oo dhaameelka ku nool iyo inta ladan ee iskood wax tabcay oo aan cidna ogayn,   kooxda soo hadhay waa danyartii oo bulshada inteedii badnayd ah waxay eryadaan quutul yowmka iyo dhadhamo ay gaajada kaga dhuuntaan, waa qaada ma dhergayaal. Inta wax baratay han fog oo ummada loogu sahan tago malaha waxay ku qanacsan yihiin shaqo yar oo ay masaariif ka helaan iyo in bulshadu aqoon yahan u taqaan, da’yarta oo ahaa furihii isbeddelku kan hadda xoolihii ka soo galay iyo midka jaamacadda ka qalin jebiyey waa isku fikir, hawshoodu waxay ku dhantahay in maqaaxiyaha muranka la xoojiyo amma majaalista mirqaan la isugu jiibiyo, foogaan-aragana ciyaaraha iyo filimada qalaad laga fiirsado, jilayaasha iyo ciyaar yahannadana jeego xiirka iyo lebbiska lagaga daydo, dan qofeen iyo mid qarantoona iskuma hawlaan intooda badanina weli xaafadahoodii ayaabey dulsaar ku yihiin oo dabkaba kamay baydhin.Waayeelka iyo indheer-garadkuna waxay ku hawllan yihiin reer hebel haybtiisa kor u qaadistii, iyo waxaan dhaamin. Wadaadada oo ay ahayd inay dadka jidka toosaan u tilmaamaan diintana dadka baraan, xumaha iyo samahana u kala soocaan, iyagiibaa gorodda iskula jira, waxay isku maandhaafsan yihiin, bakaylaha hilibkiisu waa xalaal iyo maahee waa booli, waa kooxo aan dabka kala qaadan, qolo walibana isla qummantahay oo qofkii aan yaga raacini wuu baadiyoobay aakhirana waxba kuma laha.

 

Mar haddii xaal reer magaal sidaa yahay miyina bal sawiro, reer guuraagii iyo beeralaydiiba dalagoodii iyo duunyadoodii waxay ku doorsadeen mijin qaada, markay caydhoobeenna degaankii ayey kuu digaafeen oo geed qallalan iyo mid qoyanba way gooyeen, gubeen dabadeed dhuxul ahaan magaalooyinka ugu dhoofiyeen, taasi waxay keentay nabaad guur iyo xaaluf, heer dadkii dhanka magaalada isu daba boqooleen.

 

Dunida kale hayaantay intii hoos la isugu jeeday, dayaxa iyo cirjiidhahana qalcado laga samaysay, markii hore agab, fikrado iyo dhaqanno aynu la ashqaraaro ayaa dalka loo iib keeni jiray, waxase amakaag noqday markay dekedaha kasoo degeen, cirkana kasoo daateen,wax dad loo eekaysiiyey oo ruuxii ka durugsani qof moodayo, waxay tin iyo cidhib xidhanyihiin lebbis ciidan, kuna gaadhan yihiin hubkii ugu danbeeyey ee Ilma aadan sameeyaan, digiin culus ayey markiiba ku bixiyeen inaan qofna bartiisa ka dhaqaaqin, tii dawlad ahayd talo ku caddaatay oo kun wareegto qortay, ciidankeedii dharku ku dul caddaaday ee AK47 ku hubaysnaa heegan gelisay, duna u qayshatay, dhegse jalaq looma siin,yadoo sidii loo yaabban yahay ayaa mid ka mid ah quwadaha dunida ka doobiyaa, warbaahinta dunida ka sheegtay in ciidamadan dad u ekaha (robot) ahi tijaabo ku jireen, mustaqbalka dhowna ay noqon doonaan xoog ciidan oo dunida ka hawl gala, raalli gelina ay siinayaan bulshadii ay ka sasiyeen ee demmen, mar kale la yaabay ,tolowse ma baraarugi doonaan? Mooyi. Farsamada casriga ahi halkaasay maraysaa, demmen way iska huradaa, docda barina khayraadkeediibaa laga laba gurayaa.

 

Gebogabadii aqoon yahankii reer maraykan ee Alber Einstein waxa laga hayaa

 

(Waxan ka baqayaa maalinta farsamda casriga ahi ka kor marto, is dhex galka aadamaha, markaa dunida waxa hogaamin doona fac doqommo ah)

 

 

W/q:Cabdikariim xuseen

 

Email:Cabdikarim89@hotmail.com

 

Facebook :https://www.facebook.com/abucabbaas

SHEEKOOYIN