Duumooy dar Alla ku dag! Q1AAD W/D: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka

Sac

Duumooy dar Alla ku dag! Q1AAD

 

Rajadii uu ka qabay inuu noqdo nin reer leh/xaas leh ayaa u dhabowday, kadib markuu soo guursaday gabar uu kala yimid mid ka mid ah, tuulooyinka aadka uga fogfog gobalkii uu Cali ku noolaa.

Cali oo qurbaha ka yimid, awalkiisii horena doobnimo ku raagay, waxuu aad u danaynayay inuu si dhaqso ah ku helo owlaad uu aabo yiraahdo,(Hadduu eebe siiyo) Umase suurtagalin oo dhowr bilood dabadeed waxaa dhacday ineey xaaskiisii waalato oo eey maryaha dhigato, meel uu wax ka bilaabo ayuu garan waayay, maadaama uu isaga laftiisa ka soo jeeday reer aanay tuftu ka wada dhaxayn.

Cali in badan ayuu u sabray xaaskiisii waalnayd, si uu ula tacaalo ayuu Isbitaal kasto geeyay oo wiliba mindhireed kasto cabsiiyay, aaqirkiisii wuu ka quustay, markaasuu ku hamiyay inuu mid labaad guursado, waxaase caqabad ku noqotay xaaskan waalan ee guriga u joogto mid kasto oo uu haasaawe ula tagana indhaha ayeey faraha ka galinaysay” Naag waalan illaah iima geeyo” ayaa noqotay halhays uu Cali u waayay xujo uu ku furo

Waxaa kaloo shaki galiyay dadka quraafaatka baahiyo oo ku xamanayay inuu yahay “Dabakeen” taasina eey soconayso illaa uu tarka ka simo(Tiro ka sadax jeer)

Nasiib wanaag waxuu helay mid kale oo uu calafka kulansiiyay sidaas ayuuna ku aqalgaystay habeenkii danbe, Haddeey ku diido iska diid, Haddeey ku yeesho iska yeel” ayaa lagu soo galbiyay.

Markii uu aqal galay, ayeey xaaskii labaad noqotay mid durbadiiba uur qaado( Aroos uur leh) ayaa loogu hambalyeynayay, farxad iyo rayrayn ayaa ka muuqatay lamaanaha isa soo guursaday dabadeedna waxay ku curteen Wiil. Xaaskii waalnayd oo iyadu hamigeedu caruur ahaa ayaa cunugii dhashay laga furfuri waayay oo dhabta saaratay.

Cali waxuu ku qanciyay tii miirka qabtay ineey cunuga u daayso midan kale ee jaajaaman, dood dheer kadibna weey ogolaatay hooyadii cunuga dhashay, illayn xal kale lama hayee, Sidaas ayaa cunugii loogu daayay naagtii waalnayd oo iyadu intii karaankeeda ah isku dayaysay ineey xanaanayso, waloow eey iyaduba u baahantahay xanaano.

Dhowr bil kadib ayuu cunugii geeriyooday w axaana la geeyay qabuuraha xaafada ku dhinac yaalo, halkaas oo lagu aasay.

Xaaskii waalnayd
oo iyadu arintaas u cuntami waaysay ayaa habeenimadii tagtay halkii wiilka lagu aasay oo kala soo baxday, Subixiina waxaa la soo toosay tiiyoo masaasad afka ugu haayso cunugii eey qabriga ka soo faagatay, fajac iyo la yaab ayaa saameeyay dhamaan dadkii goobjooga ahaa, qaas ahaana hooyadii cunuga dhashay taasi waxay u ahayd marroordilaac.

Xaaskii waalnaa,
Si dirqi ah ayaa looga qaaday cunugii yaraa si mar labaad loo duugo tii waalnaydna waxay ku qaylinaysay” Waad disheen iyo waad sumayseen Iwm.

Mar labaad ayaa cunugii la soo aasay haseyeeshee isla habeenimadii xigtay ayeey tii waalnayd toosh u qaadatay qabuuraha oo eey dib u soo faagatay, subixiina waxaa la soo toosay iyadoo dhabta ku haaysato cunigii eey aadka u jeclayd maydba ha u ahaadee.

Fajac iyo layaab laga anfariiro ayeey ku noqotay dadkii degaanka ku noolaa, Calina waxaa lagula taliyay inuu qoftan xirxiro cunugana lagu aaso qabuuro kale oo eey iyadu ogeyn si looga badbaadiyo soo bixbixiska faraha batay oo eey naagtan waalan cunuga la dabataagnayd.

Sidii ayaa la yeelay, cunugina waxaa loo qaaday qabuuro ka durugsan kan xaafada iyaduna galabtaas weey xirxirnayd waxaana laga hayay waardiyo adag.

Dhowr maalin oo isku xigo ayaa sidaa loo ilaalinayay, maalintii danbe ayaa xargihii laga furay, maba joogsan ee isla habeenkii xigay, markii uu dadku seexday ayeey hoosta ka dustay, waxay dultagtay meeshii eey cunuga ku ogayd oo maran, kama sabrin kama quusan ineey mar sadaxaad hesho, si kasto ayeey u raadisay wayse ka dhax waysay meelihii eey ku tuhmaysay, ineey faramarnaan ku noqoto ayaa u ahaan waaysay, markaaseey horey u soo faagatay qabrigii uu ku jiray Calia abihiis oo isagu dhowr sano ka hor geeriyooday, markuu waagu baryay ayaa la arkay tiiyoo haysato qalfoofka Cali aabihii, taasoo mar sadaxaad fajac iyo kala orod ku riday reerkii aanay markii horeba tuftu ka wada dhaxayn.

Aalaaba arriga markuu kala tagtago, ninka ari jirka ah waxuu daba dhigaa eeygiisa si uu isugu soo aruuriyo,galabtaana waxaa guriga Cali isugu yimid walaalo aanan dhowr sano isa salaamin si mar labaad aas loogu sameeyo odagii la soo faagay.

La soco qaybta labaad.

 

W/Q; Dr: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN