Erayadii I Afduubtay W/Q; Maxamed D. Ciise

Erayadii I Afduubtay

W/Q; Maxamed D. Ciise

Kaligey ayaan fadhiyaa maqaaxida. Dhammaan dadyowgii wey ka faaruqeen kaddib cabid dheer. Kuraas iyo miisas ayaa hareeraheyga oo dhan ahaaday. Koobkii u danbeeyay ayaa ii maqan. Shaqalaaha maqaaxida waxey kaliya u jeedaan jidhkeyga oo meel gees ah soo yuuraro, se uma jeedaan afkaarteyda tiro beelka ah.

Dadkii oo dhan waan kala soo fogaaday culeesyadeyda. Culeeskeyga oo dhan waxaan la dul imid kursigaan iyo miiskaan. Miisaankeyga jidheed waa Afar iyo Toddobaatan, se miiskaankeyga afkaarreed ayaa ka badan intaas. Fikrado iyo xusuuso ayaan la tiicayaa, daal nafeed oo aad u xajmi weynna waan dareemayaa.

Kuraasta culeyskeyga jidheed ayey xamili kari la’yihiin. Waxaan ugu sii darayaa culeyskeyga fikradeed. Dhammaan dadka waxaan kala soo fogaaday culeyskeyga fikradeed iyo waayaheyga adduun. Meydkeyga ayey duuganayaan se dhayi maayaan dhaawaceyga nafsaanniyadeed. Aniga oo isxambaarsan ayaan halkaan soo fadhiistaa, haddana aniga oo sidii kasii culeys badan ayaan ka faaruqaa xilli danbe maqaaxida.

Galab kasta maqaaxidaan ayaan imaadaa, kofee ayaan qululubsadaa, habeenkiina waxaan ugu danbeeyaa dadka. Aniga oo fikrado badan i gubayaan ayaan halkaan imaadaa, kursi ayaan salka la helaa. Neef qoto dheer inta aan isa dhaafiyo ayaan dib u gocdaa waayo duugmay se gudaheyga ku dhex nool.

Waxaan u muuqdaa mid kaligiisa ah, haddana waxaan ahay mid ay gudihiisu ku kulmeen tagtooyin tiro dhaaf ah. Waxaan u muuqdaa mid madhan, haddana waxaan ahay mid ay buux dhaafiyeen waayo baas. Waxaan u muuqdaa mid nool, haddana waxaaan ahay mid sakaraad la ah waayo nololleed. Waxaan u muuqdaa mid maqaaxida joogo, haddana waxaan ahay mid maqan oo nool waayo tagay.

Qof walba dantiisa ayuu raacday, anigana maqaaxidaan ayaan kali kula ahaaday fikradaheyga. Hadduu jidhi lahaa miisaan aan saaro waayaheyga nololleed, dhabtii miisaankaasi waxa uu la jabi lahaa culeys daran. Markaan billaabo inaan ismoogeysiiyo, iyaguna waxey billaabaan fatahaad aanan xamili karin. Waayuhu wey yimaadaan, weyna tagaan bal se waxey innooga tagaan raad innagu reebo gocasho.

Markey imaanayaan innagu ma ogin waxyaabaha ay la imaan doonnaan, bal se kolka ay yimaadaan waxey innoo billaabaan sadarro cusub. Sadarradaasi waxey innagu noqdaan xujooyin ina jahawareeriyo. Innaga oo la yaabban sadarradii hore ayey innoo timaaddaa maalin cusub, haddana innagu reebtaa qiic cusub.

Dhammaan saaxiibbadey waxey la gooni ahaadeen waayahooda, aniguna waxaan la gooni ahaaday cidlo. Maqaaxida qof kasta oo yimaado, waxa uu ka faaruqaa aniga oo kaligeyga fadhiyo. Aniga oo kali ah ayey yimaadaan, isla aniga oo kaligeyga ahaaday, fikradana la tiicaayo ayey ka faaruqaan maqaaxida.

Xusuus qorkeyga ayaan la soo baxay, waxaan u dhaqaaqay sadarro inaan u baddelo erayada culus ee gudaheyga dhex ahaaday. Eray walba oo aan qoro, waxa uu ka dhignaa miisaan aan ka ridaayay maskaxdeyda. Eray walba waxaan ku xidhay eray kale, isbiirsigoodana waxaa ka soo baxay sadarro aan nafis ku dareemay. Qalinka waxaa kaso burqaday erayo kasoo burqan waayay bushimahayga.

Bushimaheyga waxey ahaadeen kuwa aamusni la engagay, se qalinku wuxuu si aan kala joogsi laheyn u dhigay erayadii i af-duubtay. Dadka aan dad wadaagta nahay ma nihin dhaawac wadaag, oo dhammaantooda waxey innoo didaan kansho ay innagu dhageystaan. Baallashaani waxey ii muujiyeen dhageysi, waxeyna i siiyeen kansho aan ku nafiso.

Maqaaxidii ayaan eegay, mise waa madhantahay oo aniga iyo culeysyadeyda ayaa gooni ku dhex ahaaday. Kursaatii ayaan eegay, misana waan la yaabay dulqaadkooda. Haa, dhammaan dadka waxey halkaan yimaadaan iyaga oo Labo bogleyn badan. Halkaan ayaan imaannaa innagoo fikrado la tiiceyno, haddana waxaan kursaata dushooda yeelnaa salkeena ballaadhan. Culeyskeena jidheed waxaan ugu darnaa midkeena nololleed iyo fikradaheena baas.

Kuraastaannow waxaad tihiin kuwa dulqaad badan, haddana ku xabbisan maqaaxidaan. Innagu xorriyad ayaan heysannaa haddana waxey waayuhu innagu reebaan tagtooyin baas. Innagoo fikrado la tiic-tiiceyno ayaan maqaaxidaan idin kugu nimaannaa haddana waad na aqbashaan. Dhammaan tagtooyinkeena ayaan dushiina kusoo xusuusannaa, idinkuna waxaad baaqi ku ahaataan halkiinnii.

Dadka waa bartay, weyna tageen. Nafteyduna kali ayey ku dhex ahaatay kalinimo. Waan sii korayaa, haddana waxaan la sii korayaa kali ahaansho dheeraatay. Dhamman dadka aan la kulmo waxey durbaba billaabaan ka hadlidda siyaadadda, dhaqaalaha iyo arrimaha guud. Bal se halkaan waa maqaaxi, waxaan kaga soo dhuuntaa buuqa bulshada, se iyagu halkaan ayey iiga daba keenaan.

Maalinta cusub waxaan ka sugayaa rajo cusub, haddana waxey igu sii reebtaa aamusnaan qoto dheer. Sugashada miyaa ah cudur, mise waayaha ayaanan mudaneyn kuwa la sugto!

Markasta Kofee ayaan sii dalbanayaa, dadkuna wey kasii faaruqayaan maqaaxida, aniguna kalinimo dheeraatay ayaan wehel la ahaaday.

Dhammaad.

SHEEKOOYIN