ERAYGA SUUBBAN! W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

ERAYGA SUUBBAN!

Erayga suubbani wuxuu ka milgo iyo maamuus badan yahay saddaqada, sida uu Eebbe noogu sheegay qur’aanka. Saddaqada oo aan oganahay in qof kasta oo islaam ah la faray, haddana siraadka looga gudbo ayaa waxa ka sii qeyr badan hadalka san iyo erayga suubban!. Hadalku marka uu yahay waano iyo wacdi, toosin iyo talo-siin ayuu noqdaa mid Eebbe agtiisa qiimo ku leh. Haddaba, aan idin la wadaago dhowr aayadood iyo dhowr xaddiis oo saxiix ah, isla markaana tilmaamaya erayga suubban! Eebbe (SWT) wuxuu yiri:

قَوْلٌ مَعْرُوفٌ وَمَغْفِرَةٌ خَيْرٌ مِنْ صَدَقَةٍ

“Qowlka (hadalka) wanaagsani wuxuu ka kheyr badan yahay; Saddaqada”. Suuradda labaad ee qur’aanka, Al-baqra, aayadda: 263-AAD.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَقُولُواْ قَوْلًا سَدِيدًا

“Dadka Alle iyo Rasuulka rumeeyayow! Alle ka cabsada, waxaadna ku hadashaan hadal wanaagsan!” Suuradda: Al-axsaab, aayadda: 70-AAD.

اُولٰٓٮِٕكَ الَّذِيۡنَ يَعۡلَمُ اللّٰهُ مَا فِىۡ قُلُوۡبِهِمۡ فَاَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَعِظۡهُمۡ وَقُلْ لَّهُمۡ فِىۡۤ اَنۡفُسِهِمۡ قَوۡلًاۢ بَلِيۡغًا

“Nabi Suubbanow! Kuwaasi waa kuwa uu Alle ogyahay quluubtooda ee adigu ka jeeso, dabadeedna waani waxaadna u tiraahdaa naftooda: Hadal xeeldheer oo wanaagsan”. Suuradda Al-nisaa, aayadda: 63-AAD.

Qowl macruuf ah (hadal wanaagsan) marka aan tilmaamona qur’aanka gudihiisa wuxuu kusoo arooray: “Afar jeer”. Cajiib! Bal aayadahaan fiiriya:

وَلَٰكِن لَّا تُوَاعِدُوهُنَّ سِرًّا إِلَّا أَن تَقُولُوا قَوْلًا مَّعْرُوفًا ۚ

Suuradda Al-baqra, aayadda: 235AAD.

وَقُوۡلُوۡا لَهُمۡ قَوۡلًا مَّعۡرُوۡفًا‏

Suuradda Al-nisaa, aayadda: 5-AAD.

وَقُوۡلُوۡا لَهُمۡ قَوۡلًا مَّعۡرُوۡفًا

Suuradda Al-nisaa, aayadda 8-AAD.

فَيَـطۡمَعَ الَّذِىۡ فِىۡ قَلۡبِهٖ مَرَضٌ وَّقُلۡنَ قَوۡلًا مَّعۡرُوۡفًا

Suuradda Al-axsaab, aayadda: 33-AAD.

Nabiyullaahi Muuse (CS) markii loo diray boqortooyadii reer Qibdi ee Waliid bin Muscab (Fircoon) uu afarta boqol ee sano waayeelka u ahaa, waxaa Eebbe ku yiri: Muuse marka aad u tagto hadal debacsan ku dheh, waxa laga yaabaa inuu soo debco e. Eebbe oo nooga warramaya dhacdadaas waxa uu yiri:

قَوْلًا لَّيِّنًا لَّعَلَّهُ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَىٰ

“U dheh hadal debacsan waxa laga yaabaa inuu waansamo oo uu cabsado e”. Suuradda Dahaa, aayadda: 44-AAD.

Mar kale wuxuu Eebbe leeyahay, weliba markaan farid iyo amar isugu jira wuxuu yiri:

وَقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْنًا

“U dheh dadka hadal wanaagsan”. Suuradda Al-baqra, aayadda: 83-AAD.

Waxa cajiib leh sida cibaarada loo gedgeddiyay ee Eebbuhu u leehay: ”MACRUUF, SADDIID, LAYIN, XUSNAN iyo BALIIG”. Halkaas qofka hanuunsani wuxuu guntayaa inuu mar walba hadalkiisa waanaajiyo. Soomaalida ayaa tiraahda: ”Hadal xuni nabadna waa kaa kaxeeyaa, colaadna wax kaagama taro”. Waa dhab maxaa yeelay, marka ay gacan ka hadal gaarto hadalku waxba kuma yaal ee gacan geesi ah ayaa loo baahan yahay, haddaba mar walba erayga suubbani wuxuu ka saameyn ogyahay midka qalloocan.

DHEX-DHEXAADNIMADA:

Dhex-dhexaadnimadu waa waxa la faray isla markaana lagu amaanay ummadda aan ka tirsanahay ee Nabi Muxamed (SCW) Suubbanuhuna wuxuu xaddiis ku yiri:

“Arrin waxa u wanaagsan tan dhex-dhexaadka ah”.

Suubbanuhu (SCW) wuxuu yiri:

لا تَحقِرَنَّ مِنَ المَعْرُوف شَيْئًا، وَلَو أنْ تَلقَى أخَاكَ بوجهٍ طليقٍ

“Shey wanaag ah ha xaqirin, walow aad walaalkaa wajigiisaba kula kulantide”. W/W: Muslim.

Haddaba dhex-dhexaadnimada iyo hadalka wanaagsani waa waxa ummad isku xira isla markaana unugga hoose ee ummadda hagaajiya. Erayga suubbani maadaama uu saddaqada oo aan ognahay heerka ay ka joogto diinteenna suubban iyo dhaqankeenna sugan, dhanka kalena, saddaqada iyo sekadu waa isku mid, haddana shanta tiir ee islaamka sekadu waa tiirka seddaxdaad. Haddaba salaadda oo ah: ”Tiirka labaad” waxa ka waxtar badan saddaqada ama sekada. Tusaale: Salaaddu qofka oo kaliya ayey wax u tartaa adduun iyo aakhiro. Saddaqada ama sekaduse waa xariirin oo dadka oo idil ayey isusoo dhaweysaa, haddana saddaqada heerkaas joogta ayaa Eebbuhu nagu leeyahay: ”Waxa ka sii kheyr badan erayga suubban!”

Sh. Axmed Wacdiyoow (AUN) oo tilmaamaya erayga suubbanna wuxuu yiri:

Axad haddow yahay ruux la aamino
Afka inuu daboosho ayaa astaahila
Inuu ahaado abeeso faaftoo
Addinka gooyo qofkii ag joogsada
Uruga waaye Islaamku diidyee
Afkaaga suubso adduun dhib waaye
Ifka qofjoogana haysku eedayn
Aaqiradaadana hayska aafeyn
Rabbi addeec ajashaa dambeysee
Iilkaa tageyso abuur u sii dhigo
Asxan sameey amar waaye diinte
Ha na illoobin iqlaasya towxiid!.

Haddaba, erayga SUUBBANI inuu siismo Eebbe yahay ka sokoow, haddana waa kii Suubbanuhu (SCW) lahaa:

مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ فَلْيَقُلْ خَيْرًا أَوْ لِيَصْمُتْ

“Qofka Alle iyo aakhiro rumeysanoow! Hadal san ku hadal (Kheyr sheeg) ama iska aamus”. W.W/B.M.

Laashin: Xasan Abaaji oo xaddiiskaan suugaan ku cabbirayana waxa uu yiri:

Shib inaad tiraahdiyo inaad, sheegto wixi kheur ah
Lagu sheeg nusuustee mid uun, sheedda ka ilaasho
Sharta iyo wanaaggana dhexdood, lee shubhaa badane
Sheydaanka how noqon rakuub, uu shixnada saarto.

Adeegso Erayga Suubban!

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN