FAA’IIDADA NAASNUUJINTA W/Q: Dr. Anfac Abdullahi Mohamed

FAA’IIDADA NAASNUUJINTA

 

Caanaha naasku waa caano laga soo saaro naaska (mammary glands) hooyada, si ay ugu quudiso ilmageeda dhashay, waana isha ugu horraysa ee cunuggu ka helo nafaqo (nutrition) dhammaystiran, marka uu dhasho ka dib ilaa iyo inta uu ka gaarayo xilliga cunna qaadashada uuna shiidi karo.

Xaannaanaynta ama haynta ilmaga yar, ee ay siiso hooyadu waa habka ugu fudud, ee cunuggu ku heli karo nuujin nadiif ah, maxaa yeelay, hooyadu waxay had iyo jeer la joogta cunuggii wayna u fududdahay, inay nuujiso, balse, hoodayada ay daruuftu ku keento inay ilmagii yar ka shaqa tagto la ma mid ah hooyooyinka kale. Waxaa laga yaabaa, in mararka qaar hooyadu u listo ilmaga yar naaska, inta aysan ka tagin ka hor, si loogu kaydiyo loona siiyo inta ay ka maqantahay, waxaana dhacda, in caanahaasi ay wasaq gaarto, sidaa darteedna uu ilmagii yaraa infection haleelo.

Nuujinta ilmaga yar waxay faa’iidooyin badan u leedahay cunugga, hooyada, qoyska, iyo degaanka. Baaritaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday, in haddii ilmaga yar sidii loogu talagalay loo siiyo caanaha hooyada, inay dheeraynayaan cimriga noloshiisa.

Faa’iidooyinka ay leeyihiin caanaha naaska ama nuujinta ilmaga yar waxaa ka mida:

 

Fa’iidada ay u leeyihiin cunugga:

 

  • Waxay cunugga siiyaan dhammaan nafaqada uu u baahan yahay, ayagoo daboola baahida ilmaha ka hooseeya lix bilood.
  • Waxay jirka ka difaacaan dhammaan infekshinnada waxayna kor u qaadaan difaaca jirka.
  • Waxay yareeyaan qatarta uu ilmagu ugu jiro dhimashada dagdaggaa (sudden infant death syndrome)
  • Waxay kordhiyeen garashada cunugga (child IQ)
  • Waxay ka hortagaan qataraha danbe, ee caafimadka cunugga ku imaan kara, sida cudurka macaanka Kansar dhiigga, neefta, infekshinka maqaarka iyo dhagaha, cudurada ilkaha, viruska hargabka iqk.
  • Waxay yareeyaan qatarta uu ilmagu ugu jiri karo phycological disorders.
  • Waxay hormariyaan koritaanka cunugga.

Fa’iidada ay u leeyihiin hooyada:

 

  • Nuujintu waxay kor u qaaddaa kalgacaylka ka dhexeeya hooyada iyo ilamaheeda.
  • Waxay ka yareeyaan caanaha naaska hooyada qatarta ay ugu jiri karto cudurrada qaar, sida nuuca labaad e macaanka, kansarka naasaha iyo sidoo kale kansarka ugxaansidaha.
  • Sidoo kale waxay ka caawinayaan inuu aruur sameeyo ilma galeenka xilliga umusha ay ku jirto hooyada iyo inay yaraato qatarka dhiig baxa.

Fa’iidada qoyska ay u leeyihiin waxaa ka mida:

 

  • Xagga dhaqaalaha, waxaa qoyska u baaqanaya waxii qarash uga bixi lahaa caano dibadda laga soo gado iyo sidoo kale agabkii lagu cabi lahaa sida masaasadda.
  • Waxay ilmaga yar ka yareeyaan kana ilaaliyaan, in hospitaal la geeyo.
  • Waa nadiif waana ka fiyowyihiin infectionka
  • Xilli kaste iyo mar kastuu ilmaga yar u baahdana waa la heli karaa

Degaanka: Caanaha naasku ma lahan waxyaabo wasaqaynaya degaanka, sidaa daraaddeed, degaanka ma saamaynayaan sida caanaha kale ee masaasadaha ilmaha lagu siiyo.

Suuragalnimada ay hooyadu ku noqon karto abaydin waa mid aad u yar, sidaa awgeed, haddii hooyada la siiyo cunto dheelli tiran iyo cabitaan badan waxaa badanaya caanaha, waxaana badanaya quudinta uu ilmaga yari helaayo. Cuntooyinka badin kara caanaha naaska haddii hooyadu isticmaasho waxaa ka mida cabitaanka miraha babayga, bariiska, maraqa hilibka, nuucyada kale ee mirageedka iyo cunidda basasha. Waxyaabaha yarayn kara caanaha naaska ee badanaa loo sababeeyo waxaa ka mida :

  • In qanjirrada naaska ee sameeya caanaha aysan soo daynaynin caano ku filan cunugga.
  • In uu jiro dhibaato xagga qanjirrada soo daaya dheecaanada ka qaybqaata samaysanka caanaha.
  • In qalliin hore hooyada looga sameeyay naasaha.
  • Inay hooyadu isticmalayso kaniinka ka hortaga uurka.
  • Iyo isticmaalka daawooyinka qaar, sida pseudoephredine, dawooyinka viruska hargabka iyo sidoo kale daawada bromcriptine.
  • Habeenkii oo aan la nuujin, sidoo kale, waxay yaraysaa caanaha naaska.

Haddaba, haddii hooyadu isticmaasho cunnooyinka aan kor ku soo sheegnay iskana ilaaliso dawooyinkaas sidoo kale aysan qabin cudurrada aan xusnay way yartahay ixtimaalka ay ku yaraanayaan caanaha hooyada. Hooyooyinkeenna ma qaataan cunto dheellitiran iskaba daa inay wax dheellitiran cunaane. Waxaa kuwa qaar ku adkaata, inay helaan biyo xitaa, taasna waxay keenaysaa, in hooyadii iyo cunugiiba ay nafaqadarri iskugu dul go’aan. Dhanka kale, waxaa jira hooyoyin heli kara, balse, ay ka maqantahay habkii la isagu dheellitiri lahaa, haddaba, waxay qoysaskeennu u baahanyihiin wacyigalin iyo tababbaro ku aaddan dhinacaas, oo si xooggan loo siiyo.

Caanaha naaska waa tallaalka ama dawada ugu horraysa ee ilmaga yar ka difaacda jirrada iyo infectionka sidoo kalena wa tallaal cunugga siinaya nafaqo joogta ah, oo dhammaystiran, haddaba, hooyo, si cunuggaagu kuugu caafimaadqabo ugana caqli iyo cudud waynado ilmaha kale isku day inaad si toosa oon qallooc lahayn aad u siiso caanaha naaska inta uu yaryahay.

 

W/Q: Dr. Anfac Abdullahi Mohamed

Afnaangeedi09@gmail.com

SHEEKOOYIN