Faallada dhiganaha Garbaduub W/Q: Shaafici Macallin Axmed

Falanqaynta dhiganaha Garbaduub

Waa maxay sheeko faneed?

Sheeka curintu ama sheeko curintu waa dhigaal isugu jira tix iyo tiraab una badan tiraab waxaa na looga gol-leeyahay in lagu uruuriyo erayada mugga iyo tayade leh ee afka bulshada,hiddaha,dhaqanka iyo  habnololeedka bulshada,qoraaga sheekada ayaa qaab mala’ awaal farshshaxan ku dheehanyahay oo isugu jira maad iyo murug ku xiisa galiya usoo bandhiga.

Qeexidaan waxaa ku kulansan dhawr qodob oo sheeko faneedka lagama maarmaan u ah.Sheeko faneedku waa keyd afeed oo laga helo ereyo tayo leh  iyo dib u soo  noolaynta erayada salguuray,tayeeynta afka iyo sara u qaadistiisa.

Sheeko faneedku waa meesha kali ah marka laga soo tago dhigaalrogaha (qaamuuska) ee laga barto afka, waxaa laga helaa aqoon afeed mug leh oo aan laga helin goobaha waxbarashada sida dugsiyada,maxaa yeelay  goobaha waxbarashada waxaa laga helaa waa qoraallo kooban oo laga soo xulay dhigaanayaasha hore looga qoray sheeko faneedyada, suugaanta iyo sooyaalka, sidaas waa ay ka duwan yihiin, oo sheekada dhan ayaa ka kooban ama u badan erayo mug iyo muc leh iyo afka kiisa sarreeya ah.

Sheekada curintu waxa ay aruurisaa oo lagu soo bandhignaa hal-abuur,murti, waayo warran, wacaaltebin ,dharaaro nolaleed oo dhib iyo dheefba leh ayadoo loo soo bandhigayo  qaab farshaxan ah loo falkiyey, si toolmoon laysugu sidkay laysuguna soohay, si quman oo loo qaadaa dhigay, laguna dheehay oo lagu  falanqeeyey sheekooyin isugu jira maad iyo murugo.

Tayada sheeka faneedka waxa ay ku xirantahay qoraaga ma ahan wax qof kasta uu iska qori karo.qoruhu waa in uu leeyahay hal-abuur iyo curin sidoo kale waa in uu yahay afyaqaan leh aqoon ku filan ee suugaanta,hiddaha iyo dhaqanka bulshada.intaan waa salka (asaas) laga rabo curiyaha  sheeko faneedka,

Waxaa la is dheerayahay oo sheekada dhadhan iyo xiiso u yeelida waa qaabka farshaxanka ee loo quro sheekada, kama duwan qaabka  farshaxanka geeda qorowga ama muuqshaxanka sameeya  sida ay u kala farsamo wacan yihiin una kala falsan yihiin, ayaa qorayaasha  sheeko curinta u kala sarreeyaan.

Qoraaga curintiisa iyo maankiisu sarreeyo( واسع الخيال)  waxa uu awoodaa in uu dhex galo maanka aqristaha dhex jeexo dahnigiisa oo hadba dhan urrogo,mar ka qosliyo, ka farxiyo jeerna ka oohiyo. Sidoo kale qaabka jiliinka ee jilayaasha sheekada uu ula falgalo qoraagu una mutuhin karo, jilayaasha kala habdhaqanka duwan, kala shaqada duwan, kalana deegaanka iyo Af guriyada duwan ayaa iyaduna xiiso u yeelaysa sheekada.

Waxaa laga bartaa qaab qoraalka iyo isku xirka farta,qoraayaasha sheeko faneedyada waa ay ka qoraal fiicanyihiin qoraayaasha kale sida bahda saxaafadda,qoraaga farshaxankiisu sarreeyo waa ka deeqsiin ogyahay hadalka iyo qoraalka qoraayaasha kale ee aan hibo u helin qoraal farshaxan ku dheehanyahay.

Sheeko faneedku waa barta laga dheehdo qaab nololeedka bulshada iyo aragtida ay ku eegaan adduunka iyo bulshooyinka kale, ka biloow sheekada carruurta lagu maaweeliyo marka ay yar yihiin, ku xiji dad madax ah oo mala’awaal ah oo ay aamminsan yihiin,geesiyaal soo halgamay oo taariikh reebay,faanka iyo tookha ay isku tilmaamaan iyo waxyaalaha ay rumaysanyihiin in ay la gooni yihiin dadka kalana ay dheeryihiin.

Dhiganaha garbaduub

Garbaduub waa sheeko faneed farshaxankeedu aad usarreeyo waxaa qoray  abwaan cabdiraxiim hiloowle gallayr, oo ah hal abuur afyaqan suugaanyahan ah oo farashaxan iyo curin aad usarreeysa eebbe hibo usiiyay.

Sheekadaan garbaduub waa dhacdo dhab ah oo qoraagu uu qaab mala’awaal ah noogu soo bandhigayo waxa ay ka koobantahay 263 bog oo u qaybsan 10 hormo.

Jilaayaasha sheekada waa Guhaad oo ah haldoorka udubdhexaadka u ah sheekaduna ku wareegayso,waxaa la jilaya oday Dirir iyo Ubax waxaa dhanka kale ka soo jeeda oo ka mid ah jilayaasha sheekada laba sargaal oo kala ah taliye Bile dheere iyo wiilka uu adeerka u yahay ee Haruuse.

Sidaan kor ku sheegay sheekada waxaa laga qoray dhacdo dhab ah oo qaab sheeko faneed ah qoraagu noogu soo gudbinayo.

Dhacdada sheekada ay ku saabsantahay waxa ay dhacday xilligii dalka soomaaliya ay ciidanku ku amar ku taag leeynayay,waxa ayna muuqaal ka bixinaysaa sidii awoodda loogu tagrifaliyay, heer kasta uu joogo qofka  awoodda haystay, gabood falkuna kuma ekayn dadka awoodda sare haysta kali ah, dhan walba ayuu saameeyey oo bulshada ah, shaqaalaha dowladda ciidanka, madaxda sare iyo cid walba uu hannaankii kacaanku u arko in ay halis ku tahay ama ka soo horjeedo habdhaqankoodii gurracnaa.

Qof kasta oo waxgartay xilligaas waa sheeko uu iska dhex arki karo, haddii aysan adiga kugu dhicin waxa ay ku dhacday dhacdadaan mid la mid ah qof xigaalkaa ah ama qof aad garanaysid,qoraagu waxa uu ku qasbanaaday in uu baddalo magacyada dadka sheekadaan dhab ahaan ay ugu dhacday iyo goobihii ay ka dhacdayba, si aan loogu arkin dad gooni ah in uu bartilmaameedsanayo sababtoo ah soomaalida meel kasta oo la taabto waa meel boog ah oo bugta.

Sheekada oo kooban

Guuhaad waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah nolol caadi ah ku nool oo ka mid ah heerka dhexe ee bulshada, waxa uu marayaa heerarka waxbarashada, sidoo kale waxa uu qaadanayaa tobbabar ciidan asagoo meel sare k agaaraya heerka ciidanka dalka dibadiisana qayb tobbabarada ka mid ah ku soo qaadanaya,ka dib dalka  ayuu ka shaqa bilaabayaa, Guhaad asaga oo sii wata qorshaha nolashiisa ee asagu uu jeexday ayuu  u gogol fadhiisanayaa oo guursanayaa Ubax oo ah gabar ay isla soo koreen darisna ahaayeen waxbarashadii iskuulkana ay isla dhammeeyeen jacayl soo billowday yaraantoodiina uu ka dhaxeeyo.

Markii uu la aqal galo gabadha uu jeclaa ayaa hal mar wax is badalayaan nolashiisina isu baddalaysaa si uu san asagu qorshaysan, waxa uu u awood sheeganaya koox ka tirsan isla ciidankiisii oo si gurracan oo ka baxsan dadnimada iyo hannaanka dowladeed ugu u tagrifal awoodda iyo xilalka ay haystaan, waxaanna  Guhaad loo taxaabayaa  xabsiga halkaasuu ku mudanayo, jirdil iyo cadaadis ba’an  oo uusan ogayn waxa uu ku galabsaday aan ka ahayn kaa adki, kaanna awood badni.

Heer kale ayeey nolashiisu isu baddalaysaa oo waxa uu dhexda ka galayaa asagoon qorshaysan kooxaha dawladda ku kacsan oo loogu yeero fallaagada, halkaas waxa uu ugu tagayaa dhallinyaro iyo odayaal sidiisoo kale dulmanayaal u ah ku tagrifal awoodeed,halkaas waxaa oga billaabanaysa nolol odag oo uusan ku tala galaynin, uga danbayn Guhaad iyo kooxihii uu katirsanaa waxa ay ku guulaysanayaan in ay qoladii dadka dulminayay in ay dhibka dhadhimaan wax allaale wixii ay faleen oo kale in ayugna  arkaan, balse waxaa dhAcaysa wax aan lagu talagalaynin oo ah in wax walba burburaan oo qasaarihii iyo burburkii meel kasta  gaaro.

Intaas waa sheekada dhiganaha oo kooban, marka aad aqrinaysid sadaradaas maskaxdaada iyo qalbigaaga marba meel ayeey aadayaan sababtuna waxa ay tahay sarraynta qaab qoraalka sheekada iyo curinta qoraha, nolasha Guhaad waxa ay ku bilaabanaysaa jacay l iyo farxad qoraagu waxa uu na galinayaa xaalad nolaleed oo farxad ku dhisan oo ka maran shirqool iyo lugooyo, waxa aan ku talmaami karaa xaaladda caruurnimada oo anan lahayn uur ku ku qaad iyo nacabnimo, balse hal mar ayuu xaaladaas naga bixinayaa waxa uu na galinayaa xaalad kale oo uur ku taallo iyo dulmi ku dheehan, sidaas taa ugu jirno ayuu naga bixinayaa magaaladii iyo nolashii dawladda ee aan ku dhex jirnay waxa uu nageeynayaa nolol kale oo ka jirta kaynta iyo dawlad kale oo ay hoggaamiyaan koox dulmanayaal isbahaystay ah oo lagu magacaabo falaago, intaas waxaa samayn kara qoraa allifkiisu sareeyo ( واسع الخيال) oo kali ah,Waxaan rabaa in aan aqristayaasha u daayo oo faahfaahinteeda ayagu ay ka bogtaan.

Tayada erayada sheekada

Sheekada dhignaha Garbaduub waxa ay ku qorantahay afsoomaali erayadiisa iyo isku xirkooduba aad u sarreeyo oo ay usii dheertahay farshaxan hibo leh oo aan laga daalaynin.

Sidaan kor kusheegnayba sheeko faneedka waxaa lagama maarmaan u ah oo laga bartaa erayada tayada leh ee afka sidoo kale qoraagaana waa in uu lahaada aqoon afeed oo ku filan, haddaba dhiganahaan waxaa ka dheehan kartaa afsoomaali tayadiisu aad usarreeyso bog kasta ah waxaa kaaga kordhaya eray cusub,qoraagu waxa uu kudadaalayaa in uu sameeyo eray bixin erayada uu isleeyahay dadka qaarkiis waa ka qarsoomi karaan waxa uuna ku eray bixinayaa qaybta hoose dhiganaha .

Waxaan rumaysanahay qof kasta oo aqriyaa dhiganahaan in ka heli doono erayo mug leh oo uu afsoomaaligiisa ku xoojiyo .Bulshada inta aqriska jecel waxaan ugu baaqayaa in ay dhiganahaan la saaxiibaan oo ay ka dhragaan aqoonta iyo ujeedada uu xanbaarsanyahay.

Farriinta dhiganaha

Qoraal kasta waxa uu xanbaarsanyahay farriin iyo ujeeddu uu qoraa kastaahi kalleeyahay.haddaba farriinta uu ku soo gudbinayo qoraagu sheekadaan waa in lagu tusaalo qaato maalmihii madoobaa ee na soo maray dhacdooyinkii murugada iyo uurkutaalada lahaana aan dib loo soo celin, qof kastaa waa in uu ku waana qaataa in awoodda dawladda oo lagu tagrifalaahi cid walba galaafanayso sababtoo ah xilku ma ahan mid lagu waarayo qof kasta oo awood dowladeed wax ku dilmiyaana asaga ayeey hadhaw kusoo laabanaysaa waxaana tusaale noogu filan dhacdada sheekadaan ay ku saabsantahay.

Ugu danbeyn waxaa aan soo jeedinayaa in sheekadaan loo badalo filim sababtoo ah waa dhacdo lama huraan u ah in ay bulshada aad ugaarto si inta aanan aqrisku u fududeyn ay muuqaal ahaan u daawatto,marka aan leeyahay waa in filim loo badalaa waxaan dareensanahay in ay kulansatay sheekadaan wax yaalo aad usarreeya oo aanan ku arag sheeko faneedyada aan horay u aqriyay sidoo  kale marka aad aqrinayso waxaad dareemaysaa oo ku hor imaanaya dhacdadaan oo dhab ah sidii in aad muuqaal ahaan u daawanaysid.

Guntii iyo gabangabadii aqristoow ila arag oo ila dhuux waxa aan ku arkay sheekadaan qiimaha iyo qaayada badan .

 

W/Q: Shaafici Macallin Axmed

SHEEKOOYIN