Faallada Dhiganaha Garbaduub

 

Faallada dhiganaha Garbaduub

Dhiganaha Garbaduub waxa uu si farshaxanimo inoogu soo werinayaa dhacdooyin qadhaadh iyo dharaaro murugo oo aynu soo marnay waxa uu hab sheeko ah inoo dhex gaynayaa bahalnimadii, dadnimo xumadii iyo damiir la’aantii dadkii ay awoodda waddanku gacanta ugu jirtay waqtiyadaas waxa uu ina dhexgaynayaa sawir taariikheed muhiima ahna inaga barayaa halka uu ka soo bilaabmay gurracnaanta iyo burburka dawladnimo ee aynu ilaa maanta deris la nahay  welina la dhutineyno aafadiisa hadaynu soomali nahay.

Garbaduub waa dhigane aan odhan karo waa baalal ka mida taariikh aynu soo marnay ilaa maantana saamayntedii la noolnahay garbaduub waxa aad ka dhex dheehanaysaa hababkii nacabnimada lahaa ee kooxihii qawlaysatada ahaa ee awoodda aanay u qalmin helay ay dadka u shirqooli jireen  qofkana dambi uusan galina ciqaabtiisa u marsiin jireen taas oo sabab u noqotay in askar iyo aqoonyahanno daacad u ahaa dalkooda ay noqdaan duurgal iyo fallaago jabhad ah oo ma naxayaal ah. Maahmaah soomaaliyeed baa tidhaahda” Alif barashadii kaa qalloocataa albaqra ayey qar kaa tuurtaa” ama alif kaa gedmaday bilowga albaqra kuuma tooso”S

idaa si la mida jabhadihii la dagaallamay dawladii dhexe in kastoo ay ka dagaallameen dulmi ayaga laftoodu inay dulmi kale faleen qallooc qabyaaladi ku dheehan tahayna ay dhexdoodii iyo shacabkiiba baabiyeen” Waxaa dulucda qoraagu ku koobay in ciidamadii dirirey ee dalka iyo dadka ku dhex dirirey, oo ku soo koobay” Col ku dhac oo tuuggo kuu ciidamisay”.

Waxa aan u mahadcelinayaa qoraaga buugan qiimaha badan Qoraa Cabdiraxiim Hilowle Galayr

 

  1. W/Q:Amuun Axmed

SHEEKOOYIN