Faallaynta dhiganaha; ‘Garbaduub’ Diyaarin: Maryan Cilmi

Faallo;

Dhigane: Garbaduub
Qalin-maal: Cabdiraxiim H. Galayr
Madbacada: Laashin
Sanadka: 2021
Bog: 263

Dhiganaha Garbaduub waa dhacdo dhacday, balse loo maancuriyay si sheeko faneed ah. Qalinmaalka ayaa qalinka u qaatay isagoo erayo facweyn oo laga fiirsaday ku qaabiyey, hab-qoraalkooduna uu ebyan yahha oo buyuur maleh, akhriskeeduna baal ba baal ayuu kuu dhiibayaa adoo is leh halkee xaal ku danbayn doonaa?

Dhacdadaan waxay gudbinaysaa dhibkii iyo buburkii dalku uu galay, oo qoys walba saamaysay, markii iyadoo laysku milmay la yiri hala iskala miirmo, mid midna la isku ugaarsaday, dulmanaha iyo dulmiyuhuna is daydeen, duub iyo dumarna la gumaaday, dayrkii nabadda la dumiyay, colaadna talo laga ciirsaday, cadaaladna ay cagaha wax ka dayday, labo isjeclna jeelku kala irdheeyay, ubad iyo aabbihiina la kala ooday.

Inta aad akhrinayso sheekadaan waxaa niyadaada ku soo maaxanaysa heesta uu qaaday Xasan Aadan Samatar ee “Goranyooy gabbal kuu dhac” qoraaguna kama ilaawine wayba ku jirtaa;

“Caashaqani maxuu gabay
Labo guusha wada jecel
God maxuu ku kala riday
Labo guur isku ogaa
Geerida mid yidhi hoo!”

Waxaan ka bartay; ileen sheeko kastaa cashir baa ku dhex duugane, in haddii haybsooco quwadaysto ay dawladdu daciifayso, markii kan la dulmiyayna uu awood helo aarsasho aysan xal ahayn, oo ay dhib kale tahay. Maahmaah baa ahyd “dab munaafaq shidaa, muslimku ku gubtaa”, masaakiin aan wax galabsanna ay ku dhex dhintaan labo si qaran u kala aarsanaysay.

Takrifalka awoodda ayaa mar walba dadka sii kala fogeysa weliba marka ay tahay awood dadka ka dhaxaysa ayna ahayd in dadka si siman oo caddaalad ah loogu adeego.

Buuggan Garbaduub ayaa tusaale maskaxdaada aan ka go’in ka bixinaya xusuus iyo maqal dhacdana ku hor keenaya marqaati u noqonaya qoraagu sida uu xeeldheerida ugu aslay sheekada.

Haddii aadan akhriyin dhigahan waxaan cod dheer kugu leeyahay, bal soo dhugo oo soo dhuux, waan hubaa in aad murugo murti lagu tebinayo iyo aragtiyo maandhis ha ka heli doontee.

Mahdin badan ha kaa gaarto ammintii iyo eegistii aad u hurtay dhiganahaan.

Diyaarin: Maryan Cilmi

SHEEKOOYIN