FAALLEYNTA GARBADUUB! W/Q: Amal Maxmed Aadan

FAALLEYNTA GARBADUUB! W/Q: Amal Maxmed Aadan

Ugu horreyn Ilaaheey baa mahad iska leh oo ii suura galiyay inaan caafimaad iyo caqli dhammeystiran ku aqristo buugga: ”GARBADUUB” ee uu qoray: Abwaan, qoraa; Cabdiraxiin H. Galayr. Aqrinta dhiganaha Garbaduub, waxa aan u helay kansho/fursad, maxaa yeelay, waxa aan isku helay meel deggan iyo maalin deggan! Waa Alle mahaddiis, sababta oo ah, intaasba bulsho badan oo aan heysan ayaa jira. Waa aan u hammuun qabay aqrintiisa maxaa yeelay, magaciisa ayaa i deegay inta aanan baalashiisa kala rogin. Waa aan filayey inaan sheeko muc iyo miid ah dhiganaha dhexdiisa ugu tegi-doono, run ahaantii filashadeydiina waa ay rummowday. Waa sheeko maancuris ah, balse, anigu aan u qaatay mid si dhab ah u dhacday. Waxa ay isoo xasuusiyay waxyaabo badan oo aan qaarna maqlay qaarna goob-joog u ahaa. Run ahaantii qoraa Galayr waxa aan dhihi karaa waa sheeko yaqaan yaab leh!

Anigu ma ihi falanqeeye ama faalleeya buugaagta, balse, waxa aan ahay aqriste wanaagsan, waxaanna qabaa inay jiraan aqoonyahanno, qoraayaal iyo arday iiga dhiifoon aqrinta iyo falanqeynta buugaagta, balse, milgaha buugga Garbaduub iyo farriinta dareenka leh ee uu bulshada u sido ayaan ka aamusi waayey!.

  1. Magaca buugga: GARBADUUB!
  2. Magaca qoraha: Cabdiraxiin H. Galayr.
  3. Daabacadda buugga: Waxaa daabacay madbacadda LAASHIN.
  4. Waqtiga la daabacay: Sannadkaan: 2021.
  5. bogagga buugga: 275-bog.

Dhab ahaantii dhiganaha GARBADUUB waa sheeko faneed isagu jirta maancuris iyo dhacdooyin dhab ah oo la maldahay. Sida qoraagu sheegay, sheekadan ma jirto qolo ama koox si gooni ah loogu beegsanayo, balse, waa sheeko si guud uga waayo warrameysa sida loo garbaduubay qarankii soomaaliyeed, taas oo aan loo kala harin. Waa sheeko dhallinta aan goobjoogga u aheyn wixii ka dhacay dalkeenna hooyo si dhib yar u bareysa. Sheekada Garbaduub waxa aad si sahlan uga dheehanaysaa halka ay ka soo billaabatay dhibaatada baaxadda leh ee dalkeenna ka dhacday iyo burburka sababihii keenay. Waa sheeko aad ka helayso sidii bulshadu u nooleyd burburka ka hor iyo sidii burburku u saameeyey, bugcad walba oo ka mid aheyd nolosha bulshada soomaaliyeed.

Sheekada garbaduub waxa aad ka baraneysaa sida ay ahayd bulshadeennu waayihii lixdamaadkii, todobaatameeyadii, agaalladii xabashida, gaboodfalladii dadweynaha, darxumadii waayeelka, gardarradii maatida, gargaar bidistii shisheeyaha, beela-beeleysigii soomaalida iyo Garbaduubka nololeed ee ilaa iyo maanta aan qormadaan qorayo taagan!.

Waxaaba taas ka sii cajiibsan qaabka eray furka ee baalkasta ee aad rogtaba aad uga baraneyso erayo Af-soomaali ah oo lagama maarmaan u ah qof walba oo doonaya barashada afkiisa hooyo. Billowga buugga boggiisa 2-aad ba waxa aad ku xasuusaneysaa geerida, baarinnada iyo muhiimadda ubadka wanaagsan uu leeyahay oo ah in aad u duceyso, xasuusato waalidkaa haddii uu dhintay, haddii uu noolyahayna aad Eebbe ku mahadiso.

Waxa aan ku bogaadinayaa qoraaga buugga oo aan buuggiisii hore ee Noloshii Sillooneydna aqriyey, in uusan ka daalin joogteynta qoraalka iyo wacyigelinta bulshada. Eebbe ha u bulaaliyo gacanta iyo garaadkaba, qalinkaaguna ha waaro, maxaa yeelay, waxaad u reebtay dadkaaga waayo warran ay bulshada soomaaliyeed kugu xasuusan doonto iyo dhaxal wanaagsan oo aayo leh.

Gebagebadii waxaan idin kula dardaarmayaa ina aad maanka ku heysaan ina aad buuggan heshaan oo aad mar uun aqrisataan, sababta oo ah waa xaqiiq inaad wax ka faa’iideyso oo ay wax kaaga kordhayaan. Mowduuca uu qoraagu u doortay ayaa ah mowduuc run ahaantii u baahan in qalinka loo qaato. Waayaha laga soo gudbay waxa loo weeleeyaa in wax looga qaato waayaha dhiman, waana taas sababta aan u leeyahay waa inuu aqriyaa qof walba oo soomaaliyeed, sidii uu doonaba ha ku helo e. Sidoo kale, aqriska badani waxa u keenaa qofka ogaal badan, ogaalkuna waxa uu kabaa aragtida iyo waayaha nololeed ee qofka. Qofba intuu aqriyuu ogyahay ee ballanteennu waa aqriska buugaagta iyo waraabinta maanka.

MAHADCELIN:

Maamulka iyo howl wadeennada MADBACADA LAASHIN waxaan uga hambalyeynayaa daabacaadda buugaagta tayada sare leh ee maan koriska iyo maaweelada leh, murtidana xambaarsan. Mahadsanidiin bahda LAASHIN

W/Q: Amal Maxamed Adan ”Amaal Baaloow”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

 

SHEEKOOYIN