FAALLEYNTA LAABTA KA SOCO! W/Q: Maryan Cilmi

  1. Dhigane; Laabta Ka Soco
  2. Qoraha: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”
  3. Bogagga:150
  4. Madbacadda: LAASHIN
  5. Sannadka: 2021

Buugaagta waan kala jeclahay oo buugga i hagaan u sii jeclahay; Laabta Ka Soco wuxuu i soo xasuusiyay eray ay hooyaday i dhihi jirtay yaraanteydii oo ay igu korinaysay, in aan si dareen iyo garasho leh aan wax u dhugto; “Yareey aashaa soco” markaas baan dareemi jiray inaan dhiifoonaado dhugmadayduna sida gorgorka eegmadiisu noqoto. Barbaarinta hooyaday weli kama korin oo weli layli baan ahay sharaf iyo karaamo korkaaga ha ahaato hooyo macaan.

Xasuustayda markaan ka soo laabto, buugga Laabta Ka Soco aniga ahaan wax badan ayuu igu kordhiyay sida; in aan dib isugu laabto oo aan su’aalo badan jawaabahooda doondoono, is-ahaanshiyahayga qofnimo, waaqiciga aan joogo iyo xeeladaynta xaaladaha adag.

Dhanka kale, waa waano waayeel iyo hadal waxgarad waayo arag ah ka soo burqaday, hadal xikmadeysan oo xadantaynaya laabta aan ka socdo. Farriimo falsafadeysan oo buuggu ii siday ayaan fiiro dheer ku aqriyay ka sokow, ayaa dhugmo garasho kaga dhergay.

Maahmaahyada ayaa ugu badan murtida uu buuggani xoogga saarayo. Si haleelidda hadalka nuxurka loo helo fahamkuna u dheeraado oo aad fasirto dhumucda murti ee ku xusan maahmaahdaas iyadoo dhawr albaab hal mar kugu furaysa halkii ay doontana kula aadi karta. Midba tan kale waa ka miisaan culus tahay, mawduuc kasta oo madow inooga jirana waad dhex maquuranaysaa intaad baalashiisa dhex mushaaxayso.

Si aad wax badan uga sii ogaato, daawo muuqaalka uu Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’ ku faallaynayo dhiganahan ee ku saabsan isku xirka iyo qotodheerida maahmaahyada ku jira Laabta Ka Soco.

Dhanka murtiyeynta waxaa xuskeeda leh hordhaca buuni Cali Jimcaale Axmad uu buugga Laabta Ka Soco u qoray oo dhab ahaantii aqooneyn ka sokow kuu furaya ablo’ablayn cusub oo buugga ku saabsan oo la’aanteed ay dahsoonaa lahayd.

Buuggani waa qiyaasta inta aad laabta ka socoto ee akhri oo bal ogoow laab ka socoshadaadu heerka ay gaarsiisantahay, dareenkaagu sida uu u dhiifoonyhay. Adaan kuu daayay akhristaha iiga dambeeyoow iyo waxa aad ka hesho oo aan hubo haddii aad maskax deggan ku aqriso in aad wax badan ka kororsan doonto.

Garaadka iyo garashada Alle ha kuu barakeeyo, abaal baan kaaga hayaa amminta aad ku bixisay ababinta wanaagsan ee uu ubad ka helo waalidkiis.

W/Q: Maryan Cilmi

SHEEKOOYIN