Faallo akhris Tiirka Colaadda-Cabdulqaadir Aroma 2003 W/Q: Jaabbir Carab

Faallo akhris Tiirka Colaadda-Cabdulqaadir Aroma 2003

Tiirka Colaadda waxa uu ka kooban yahay shan cutub oo waawayn. Waxa uu si waafi ah u sharraxaaya sababihii keenay colaadda dabada dheeratay ee soomaaliya.

Cutubka koowaad waxa uu qoraagu si guud ugu warramaayaa dalka iyo dadka soomaaliyeed.  Dhanka dadka, waxa uu qoraagu u kala saaraya labo doodood oo is hirdinaya kuwaas oo ku salaysan isirka dhalasho ee Soomaalida ayaa muran badani ka taagan yahay, beelaha qaar waxa ay aminsan yihiin in faracoodu ka soo jeedo Ximaatiga bah wadaagta la ah Kushaatikada Bari. Qaar kalena waxay aaminsan yihiin in faracoodu ka soo jeedo Simaatiga bahwadaagta la ah qurayshta Carabta. Soomaalida oo ahayd dad xoolo dhaqato ah oo ku noola dhulalka ka fog xeebaha ee mandiqada geeska Afrika, muddo aad u fog waxay ka tirsanaan jirtay quruumaha halkaas ku noola, gaar ahaan kuwa waqooyi bari Afrika ee luuqaddooda laysku yiraahdo: “Eastern Cushitic.” Marka dib loo raadraaco tariikhdooda waxa yaqaannay Masaaridii hore oo booqan jiray dhulkaas iyagoo watay marakiib ay ku marayeen baddacas. Bartilmaameedka safarkoodu wuxuu ku jihaysnaa dhulkii ay u yiqiinneen dhulkii udugga oo ahaa dhulka baddacas ku teedsan ee hadda loo yaqaanno waqooyi bari Somaaliya.

Qoraagu isla cutubkan dhexdisa waxa uu innagu barayaa inay jireen dad la dhihi jiray Bobali oo ahaa dad reer Berbara ah oo aan cuni jirin raashinka ka soo baxa beeraha sida bariiska, haruurka, galleyda iwm. Balse ay cuni jireen hilibka iyo caanaha. Sida ay qoreen badmareennadu waxay kaloo dadkii berberiga “Bobali”cirbad ku mudi jireen xididdada xoolaha oo ay dhiigga inta ka soo nugaan caanaha ku qasan jireen isla markaasna dhami jireen.

Cutubka labaad: qoraagu wuxuu uga hadlaya eexdii gumeysiga oo wuxuu caddaynaya inay jireen qabiillo u adeegi jiray gumaysta walow ay jiraan qabiillo kale oo ka horyimid. Inkasta oo aan la ogeyn tirada dadka iyo taariikhda beel kasta haddana Soomalidu waxa ay aheyd gumeysigii ka hor dad ka midaysan difaacashada kheyraadka dalkooda iyo diintoodaba.

Shisheeyihii soo hiigsaday hodantinimada Soomalia waxaa ka dhashay xiriir ganacsi iyo isdhexgal bulsho. Soomalidii hore waxa ay xiriir facweyn la lahaayeen Hindida, Gariigga, Beershiya iyo Carabta si gaar ah Masaarida. Soo galistii gumeystayaasha reer yurub oo ku beegneyd qarnigii 19aad ilaa maanta waxaa isa soo taraya kutubo iyo maapyo been abuur ah kuwaas oo beelaha qaar la sara mariyey kuwa qaarna laga soo qaaday waxaan jirinba iyo kuwo Soomalida ku dhex dulman waana waxa nabiday dagaalka sokeeye.

Buuggu wuxuu si kooban u dul maraya Awdal Empire iyo qabiilka Ajuuran. Qabiilka Ajuuraan ay sabenkii hore ahaayeen beesha ugu awoodda roon beelaha marka laga eego xagga tirada iyo tayada. Waxa la rumaysan yahay tariikhda boqortooyadii Ajuraan inay ahayd silsilad taxan ilaa 400 oo sano. Boqortooyadii Ajuuran iyo awooddii ay lahaan jirtay. Boqortooyada Ajuuraan waxa ay laheyd talis iyo tiirar adag oo ku taagan laba habdhaqan oo kala ah: wadaad isku darsaday fidinta diinta muqaddaska ah iyo maamul guud iyo waranle difaaca danaha boqortooyada hoggamiyihii ugu dambeeyey ee boqortooyada waxa uu ahaa imaam Cumar Ciise Tukul oo lagu dilay rugta ceelcawl oo ka tirsan tuulada Meseggawaay ee degmada Ceeldheer 1680tm.

Qarnigii 7aad oo ku beegan sebenkii diinta islaamku soo gaartay carriga Soomaaliya. Buuggu wuxuu cutubkaan ku xusaya inay jireen badmareenno carbeed oo safar ku yimid xeebaha Soomaaliya ayaa qoralladooda ku xusay jiritaanka Soomaalida. Waxaana ka mid ahaa sahmiyihii caanka ahaa Ibnu Batuta buuggiisa “Rixla.”

Qoraagu wuxuu si taariikhaysan u soo bandhigaaya jabkii iyo guuldarradii uu kala kulmay Talyaanigu, magaaloyinka Warsheekh iyo Marka caddey. Talyaanigu wuxuu saddex jeer, dagaal toos ah ku soo qaaday labadaas magaalo. Gunaanadka cutubkaan qoraagu wuxuu furaya dood uu leeyahay Ogaadeen mise Oogga-degeen. Xaggee qabiilka Ogadeen ka soo jeeda asalkiisu? Magaca xoolo dhaqatada waa Oogga-degeen iyadoo nuxurkeedu yahay raacatada dusha sare degta.

Dabayaaqadii qarnigii 17-aad jabkii boqortoyadii Ajuraan, waxa lala kulmay tafaraaruq loo kala milmay jufo jufo, dhibaatadas ka dib waxa soo if baxay hindise cusub, maxa yeelay, magacii Oogga-degeen wuxu isu beddelay Ogaadeen Absame Darood. Waxaana la hirgaliyey magaca Ogaadeen waxana la dhalan rogay oo la nasakhay magacii asalka ahaa ee loo yaqiinnay beelaha kale ama magacii Oogga-degeen ee kulmin jiray beelaha oo dhan.

Cutubka 3-aad ee buugga qoraagu wuxuu ku lafa gurayaa madaxda Afrika. lixdameeyadii waxa lagu xasuustaa oo dunida looga yaqaanna, sannadihii dabaysha xoriyadda qaaradda Afrika. sababtoo ah waddamo badan oo qaaradda madoow ku yaal ayaa gobonnimo maqaar saar ah ka qaatay gumeystayaashii reer Yurub. Sababihii suurto galiyey hindisihii dabaysha xoriyadda ayaa loo aneeya inay ka dhalatay, waayo aragnimadii laga dhaxlay dagaalkii 2-aad ee dunida ka dhacay.

Dhiganaahaan wuxuu bandhigaaya in nidaamkii gumeysiga tooska  ahaa in lagu beddelay hannaan cusub kaas oo loogu magac daray: “New-coloniasim” 1990 wuxuu isu beddelay nidaamka cusub ee dunida “New World Order” waa nidaam uu Maraykanku u dajiyey in adduunwaynaha hab dacay ku hoggaamin ah looga maamulo aqalka cad ee Waashintoon. Mamulka kaligii talisnimo ee Waashintoon ka socda wuxuu dhibaato culus ku hayaa adduunyada labadaraale Waashintoon waxay cadaadis iyo cabburin dul dhigtay waddama Islaamka waxana loo allifay magac kale oo muslimiinta loogu yeero kaas oo ah: Argagixiso.

Calanka Soomaaliya yaa sammeeyey?

Si loo helo wayddiintaan waa in waa in dib loo milicsadaa taariikhda iyo meesha asal ahaan uu kasoo jeedo calanka Soomaliya. Oktoobar 1935-kii gulufkii dagaalka ee uu hoggaminayey jeneral rodolfo cududda ugu badan ee ciidanku waxa ay ahaayeen Soomali waxa ayna horseedeen in june 1936-kii Addis laga taago Calanka Talyaniga.

Somalidu dagaaalkaas waxa ay ku heshay magac iyo mamus uu u sammeeyay Talyaanigu. Waddamadii bariga Afrika ee ku hoos jiray gumeysiga Talyaanigu waxa uu qeybiyey lix dowladood oo maamul guud ka dhexeeyo kuwaas oo kala ahaa: Amxaara, Galla-sidaamo, Shawo, Harar, Eriteriya iyo Soomaliya.

Maxmiyad kasta waxa uu u sammeeyey calan gaar u ah, sidaas darteed, Talyaanigu Soomaaliya waxa uu u hindisay calan ka kooban maro buluug ah oo cirka u eg dhexdana ku laheyd xidig cad oo shan gees leh iyo Shabeel. Calanka astamahaas leh oo Talyaanigu allifay waa astaanta qaranka Soomaliya ilaa maanta loo yaqaanno.

Innagoo sidaas og haddana buug walba school walba iyo meelkastaba waxaa noogu qoran in calanka buluugga ah uu allifay Maxamed Cawaale Liibaan waliba uu howl iyo dhib badan kasoo maray hindisida calanka. Lixda maxmiyadood oo mid kasta lahayd maamul gaar ah, guud ahaan waxaa lagu magacaabi jiray: “Italian East Africa Empire” waxaayna hoos tagi jireen wasaaradda gumeysiga ee Rooma, isla markaana maxmiyad kasta waxaa loo soo magacaabay barasaab loo xulay hirgelinta siyaasadda fashiistanimada.

Maxmiyad kasta maamul gaarka ah ee loo qorsheeyey, waxaa loo raaciyey iyadoo loo hindisay calan lagu jaangooyay astaan maxmiyad kasta gaar u ah, kaas oo lagu saleeyay summmadda baadi soocda iyo hiddaha dal kasta caan ku yahay. Sidaas darteed, Talyaanigu wuxuu Soomaliya u hindisey calan astaamihiisu ka koobnaayeen maro baluug ah oo cirka u eg oo dhaxda ku lahayd xiddig cad oo shan gees leh iyo Shabeel. Calanka astamahaas leh ee Talyaanigu allifay waa summada qaranka Soomaaliya ila maanta loo yaqaanno. (Tixraac buuga Gli annaali dell’ Afrika Italian anno II numero 3-1939, XVII Roma, arag fiiri calanka ku sawiran isla buugggaas xaashida u dhaxeyso bogagga no 32/33).

Cutubka 4-aad: Waxa uu qoraagu ku billaabay yaa halgamaa ah? Isla dhiganaha ayaa kaga warcelinaayo oo wuxuu soo qadanaya halgankii daraawiishta socday: 1899—1921-kii iyo halgankii koonfurta ee socday: 1890—1925tii. Ummad kasta waxa ay leedahay taariikh iyo halgamaa, haddaba waa kuma halgamaha Soomaliya? Soomaalida waxa ay qirsantahay in Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Axmed Gureey in halgankooda buun-buuniya oo  maamuus darteed waxaa la isugu daray run iyo been iyadoo manaahijta waxbarashada dalka dugsi hoose ilaa jamacad lagu daray taariikhda darawishta, ayado la adeegsanayo awoodda dowladda ee kacaanka luggooyada ahaa. Isla sidaas oo kale aan waxbo laga soo qaadin halgankii koonfurta ee Talyaaniga lagula galay. Qoraagu waxa uu cutubkaan kusoo koobay in ka badan toban maamuus oo lagu xasuusanayo halgankii Sayidka oo ay ugu horreeyaan: waxaa sayidka sawirkiisa lagu daabacay shilinka Soomaliga. Waxaa loo dhisay sayidka taallo loo ekaysiiyey muuqiisii iyo faraskiisii dhoodimeer. Halgankii daraawiishta 1899-1920kii-1899-kii sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa gobollada waqooyi ka abaabulay kifaaxii darawishta ee gumeysiga ingiriiska lagu diiddanaa. Isla cutubkaan ayuu qoraagu ku soo qaadanay kala fadalidda halgamayasha aan si caddaalad ah waxa looga wada qorin wuxuuna arrinkaas qaab suugaan u caddeyna maansadan hoose.

KALA FADALIDDA HALGAMEYAASHA:

  • Barri bogox in laga dhigo 
  • Been-abuur run laga dhigo 
  • Badow caalim laga dhigo 
  • Buurtuna bannaan tahay
  • Beerna biixi leeyahay 
  • Burcad boobay geel beri 
  • Baalxaafkii lala helay 
  • Billad geesi loo qoray 
  • Halgan been ah oon jirin 
  • Barta oo aqoonsada 
  • Dantu waa ku baddaa!.

           *****

  • Baydad geesi lag dhigay 
  • Birjeexiinna fulay yahay 
  • Beentii la qoray beri 
  • Bulsho maanka laga xaday
  • Intay sheeko baraley 
  • Buubaa rumeeyaan 
  • Bigil iyo durbaan tuma 
  • Baroordiiqda ka xishoo 
  • Baaskana ku naalloo 
  • Halgan been ah oon jirin 
  • Barta oo aqoonsada 
  • Dantu waa ku baddaa.

     *******

  • Ninkii beledka aan weli 
  • Kala baran dariiqyada 
  • Caga boorihii yimid 
  • Barakiciyo madaniga 
  • Dhulka meesha bilicda leh 
  • Beeraleyda ku habboon 
  • Miruhuna-na ka baxayaan 
  • Markuu baawar qaran iyo
  • Awood uu la beegsado 
  • Baraarihii dalka oo idil 
  • Qoys inuu bushuuqsado 
  • Bushimaahoo ku xiran iyo
  • Ishooda balac ku sii 
  • Dantu waa ku baddaa.

Cutubka 5-aad ee buugga qoraagu wuxuu ugu magac daray: ”Laba Canlayn”. Keyga anigaa iska leh kaagana kula lihi, rag baa ku kala tegay. Qoraagu wuxuu si kooban u dul maraya in adduunka ay ka jirtay afar hab dhaqan dhaqaale, “Socio-economic” oo taxane ah ayaa soo maray sooyaalka socodka tariikhda kuwa ugu muhiimsan oo qoraallada laga sameyey waxa ka mid ah: Bidaa’iga “Primitive”  habkii addoonsiga. “Slavery”  habkii dhulgoosiga “Feudalism” habka hantigoosiga ”Capitalism” iyo habka hantiwadaagga “Socialism” oo hadda la moodo in gabbalkisii uu dhacay. Hadaba iyadoo lagu xifdiyo kutubta taariikhda dunida lagu xusay waxaa shantaas hab dhaqan dhaqaale iyo nidaamka islaamka oo kaliya. Waxaa la yaab leh in Soomaaliya uu ka jiro hab lixaad “kayga anigaa iska leh kaagana kula lihi”. Waa nidaam cusub oo ku dhisan xukun qarqoosh iyo qabyaalad awood dowladnimo la isugu itaal sheegtay. iyada oo shantaas hab dhaqan dhaqaale iyo nidaamka islaamku dunida soo maray haddana soomaalidu waxa ay la imaadeen mid lixaad oo aan horay loo arag oo ku dhisan qurun iyo qabyaalad kaas oo ah kayga anigaa leh kaaga kula lihi waana hab dowladnimada la isugu awood sheeganayo.

Gunaanadka buugga Tiirka Colaadda waa dhigane furaya doodo culus oo ku saabsan colaadda soomaaliya ilaa wakhtigaan ka tagan iyo qabiillada dalka dega qaar ka mid ah halka ay ka soo jeedaan. Sido kale waa bug xogo iyo taariikho badan aad ka faa’idi doonto akhrintiisa.

W/Q: Jaabbir Carab

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.