Faallo Kooban: buugga Godob iyo Gallad | W/Q Shukri Fiican

Faallo Kooban: buugga Godob iyo Gallad 

W/Q Shukri Fiican

 

Waxaan rabaa in aan faallo yar ka bixiyo buugga uu qoray ustaad Hussein Wadaad ee uu ugu magac daray Godob iyo Gallad. Xaqiiqdii intii aan ku guda jirey aqrinta buuggan waxa ii sawirmayay dhibaatooyin bulshadeed ee berigaa (xiligii Kacaanka) jiray balse markii aan qoraaga dib u su,aalay in dhacdadan xaqiiq tahay, ii sheegay in uu isaga mala-awaalay.

Sideedaba waxa sheeko loo qoraa in ay dhacday (qiso dhab ah) ama ay dhici karto (mala-awaal). Waxa ay qisadan ka hadleysaa wiil ka yimi miyiga (Dalmar) 19 jir yimidna magaalada Mugdisho si uu nolol uga helo. Kaas oo la kulmay wiil kale oo ciyaalka xaafadda ah (Axmed) 19 jir ah. Hase ahaatee intii ay Dalmar is wareysanayeen Axmed si uu helo meel uu ku hirto ayaa isla markiiba askar ka kaxeysatay isla waddadii uu kula kulmay Axmed.

Axmed qoyskiisa oo ka kooban afar markii isaga lagu daro, aabbihis, hooyadiis iyo walaashiis ka yar ayaa murugo ku noqotay xariggiisa, halka wiilka kale ee reer miyiga ah (Dalmar) cid aan ILAAHAY aheyn oo maqan aysan jirin maadaama uu soo dhuuntay. Sababta loo xirey labada wiil ee jidka isku wareysanayay waa in la rabay in dusha loo saaro kufsi loo geystay gabar miskiin ah ee lagu magacaabo Tooshey 17 jir ah. Kufsigaas waxa geystay wiilal ka soo jeeda reero madax ah.

Axmed qoyskiisa waxa ay la kulmeen dhibaato dhan walba leh sida in aabbihiis waayo shaqa dowladeedkii uu sanado badan heystay, hooyadiis weysay dahabkeedii iyo sabarlooggii gurigooda kadib marki muragada qoyskaas la soo daristay abuurtay dayac dhan walba leh kaas oo keenay in tuugo maalin cad u dhacdo gurigoodii.

Ma rabo in aan qisada idanka hor dhaco balse waxa uu buuggan idin barayaa ku takrifalka awoodaha qaranka ama maalka, heerka uu gaarsiisan yahay. Sidoo kalena dulmiga maatida lagu hayo had iyo goorba uu jiri jirey jirina doono inta ay jirto awoodahaas aadmigu is badayo. Haddana aadunuhu uusan ku quusan kuwa wax dulmiyaa mar walba dunida lagu ciqaabo aakhiro horteed.

Guud ahaan buuggan waxa aan ka bartay habka sheeko curinta maxaa yeelay intii aan aqrinayay waxa uu i dhex mushaaxiyay xaafadihi Xamar gaar ahaan Kaaraan, Hawlwadaag iyo meel kale. Inkastoo uusan qoraagu xaafadahaa magac dhabin haddana maskaxdaada ayaa qiyaasaneysa goobaha aad is leedahay wey ka dhaceen arrimaha uu xusay ustaadka marka aad aqriso qisadan cajiibka ah. Sababta aan qiyaaligaas u sameystay adinka ayaa ila wadaagi doona marka aad aqrisaan buugga Godob iyo Gallad idanka ILAAHAY iina sheegi doona halkii u dambeysay wiilashii fal dambiyeedka galay iyo kuwii lagu nabayba.

Waxa kale oo aad ii anfacay ayaa ahaa in aan wax yar ka fahmo, sida ay u shaqeyn jireen ciidanka dambi baarista CID. Sida ay dadka u silcin jireen si ay u qirtaan dambi aysan gelin iwm. Sidoo kale waxa uu qoraagu si cajiib leh u soo koobay dhibaatooyinka qoys ee berigaa jirey iyo sida loo xallin jirey. Haddii ay ahaan laheyd hooyo ka carootay saygeeda kadibna dib ugu laabatay qoyskeeda iyo sida loo soo caro celin jirey. dhaqankii suubbanaa ee waalidkeen iyo walcankeenii lahaan jireen ayuu na barayaa buuggan.

Wax dhaliil qoraaleed ah waan ka waayay taasna waxa aan is leeyahay in ay sabab u tahay in qoraaga buuggan ahaan jirey raggii wax ku qori jirey joornaalkii Xiddigta Oktoobar. Hase ahaatee way jiraan dhaliilo yar yar oo aan is leeyahay waxaa sababay daabacaadda taas oo aan is leeyahay mid aniga igu kooban in ay tahay maxaa yeelay buggaagta waraaqda cad lagu daabaco ma jecli. Hase ahaatee waxaan qirayaa in buuggan mudan yahay in la aqriyo si loo fahmo noloshii beri hore.

SHEEKOOYIN