Faallo kooban: Heesta ‘Hayga dudine soo noqo’ W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud “Masxaf”

Faallo kooban: Heesta ‘Hayga dudine soo noqo’

Dudmo waa xaalad dareen oo ay la kulmaan haweenku. Dudmadu badanaaba waxa ay la xidhiidhaa arrin tabasho oo dhinaca gabadha ah. Dareenka ay heestu ka hadlayso ayaa daaran nin ay gabadhiisa dudmo kaga maqan tahay. Dudmada intii ay kaga maqneyd sida uu xaalkiisu noqday iyo waxa uu la kulmey ayuu ka warramayaa. Waxa uu tilmaamayaa in ay u ahayd kartidii iyo awoodii hankiisa nololeed ku lammaaneyd. Waxa uu tibaaxayaa in uu tebay dhiirrigelisadiisii nolosha. Ka fogaansheedu in uu darxumo iyo kala daadsanaan nololeed kala kulmay ayuu carrabaayayaa. Waxa uu u sheegayaa wanaag iyo farxad badan oo ay nolosha wada qaadan doonaan in uu u danbeeyo. Sida oo kale waxa uu u sheegayaa ruux ay nolosha la wadaagtey oo ay nolosha rafiiq ku soo ahaayeen in uu raalligelintani u soo direy. Waxa uu yidhi:

  • Karti laygu darayey
  • Han dedaal yidhaahdiyo
  • Dardar galisadeydii
  • Durba tabaye meeday?!
  • Sidaad iiga durugtaan
  • U dayeysanahayoo
  • Dayac tira daryeelaay
  • Farxad lagu dalxiisiyo
  • Wanaag ba dambeeyoo
  • Qalbi aad la daristaa
  • Raalligelinta soo diray.

Bani’aadamku in uu wax isku qabto oo si wax ugu kala aragti duwanaado waa u abuur Rabbi. Iyada oo ay taasi jirto haddana, kolka labada qof ay yihiin nolol-wadaag waa muhiim in uu dhexdooda jiro isku soo dhawaansho iyo isku tanaasul. Waxa uu yidhi:

  • Laba dani dhextaallaa
  • Marmar inay is diidaan
  • Daa’iniyo ilaa abid
  • Waa dabeecad aadmiye
  • Hayga dudine soo noqo.

Soomaalida ayaa murti u tidhi: “Carrab iyo labadiisa daan baa iskugu dhaw oo iyana waa isqaniinaan”. Kolka dhallinyaro la yahayna wax badan oo waayeelka agtooda macno buuran ka lahayn ayaa lagu kala tagaa.

  • Da’yartii is xulatee
  • Dookh laysku raaciyo
  • Dareen uu mideeyaa
  • Kolkol hadal ka duulaa.

Wadajirka, isku duubnaanta iyo isku soo dhawaanshuhu waa xal ka mid ah waxyaabaha labada ruux isku soo jiidi kara. Soomaalida ayaa hore u tidhi: “Haddii aan la kala roonaan roob ma da’o”. Labada ruux haddii aanu midkood roonaan oo dulqaad, isfahan iyo garasho dheeri ah la iman; dhismaha qoyskaasi ma sii jiro, soo noqoshana hadalkeeda ba ha sheegin. Waxa uu yidhi:

  • Haddaan laysku duubnaan
  • Ma ogtahay daleediyo
  • Qof ba daraf hadduu jiro
  • Dugsi kama helaayee?!
  • Sirtu waa dulqaadkiyo
  • Isku durugga garashada
  • Dabcintiyo isfahankee
  • Laba dani dhextaallaa
  • Marmar inay is diidaan
  • Daa’iniyo ilaa abid
  • Waa dabeecad aadmiye
  • Ha iga dudine soo noqo.

F.G: Heestani oo dhawaan soo baxday waxa ereyadeeda curiyey abwaan Cabdiraxmaan Abees. Codkiisa qiimiga badanna waxa inoogu soo gudbiyey fannaanka Axmed-Aarshe.

W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud “Masxaf

Muqdisho, Soomaaliya.

SHEEKOOYIN