FALANQAYN BUUGGA LAABTA KA SOCO (W/Q. Muxuddiin Xuseen Ciid)

FALANQAYNTA BUUGGA LAABTA KA SOCO
Buugga Laabta Ka Soco, ee uu qoray Dr. Xuseen Cabdulle “Wadaad”, oo ah qoraa iyo madaxa Madbacadda Laashin, ayaa runtii ah buug mudan in la akhriyo, dhowr sababood ayaana u leeyahay si aad u aragtid muhiimadda uu xambaarsan yahay:
Waa buug isla doodaya, Kula doodaya,Nalana doodaya
Si aad u fahamtid waa in aad ku celcelisid akhrintiisa, haddii aadan ahayn qof-qof ka tagey. Sadarrada kuu muuqda ama ereyada sida qurxoon uu kuugu falkiyay qoraagu waa ka gundheer yahay buuggu. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 150, bog, oo uu ku soo ururshay 19 cutub iyo xigashada oo ay raacdo falanqeyn ay buugga ku qaadaa dhigayaan labo qoraa waa Ustaad Bashiir Cali Xuseen iyo Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”.
Qoraagu waxa uu cashar ahaan noo barayaa sida loo furfuro maskaxda asagoo su’aal galinaya waxyaabo badan oo laga yaabo in aadan hore ugu fiirsan oo sidii ay kugu soo gaareen aad u qaadatay. Buugga gudihiisa ayaad ku arkeysaa in uu isla doodsiinayo aragtiyo iyo fikrado, kuwaas oo haddana adiga ku soo galinayo dooda asagoo uga sii gudbiya in uu dhaafiyo dooda buugga iyo adi, soona galinaya cid walba.
Buugga marka aad fiirisid hab-qoraalka aragtida salka u ah buuggaan ayuu waxa uu ku soo xasuusinayaa waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Critical Thinking”, oo noqonaya hab fakar muhiim u ah nolosha. Waa hayaan loo marayo dib-u-eegis, baaritaan qoto dheer, iyo go’aan-gaaritaan xog-ogaalnimo ku saleysan iyadoo la adeegsanayo su’aalo, xog-ururin, iyo lafagurka fikrado kala duwan, si maxsuul tayo leh kuugu arooriso taas oo go’aanadaada ka dhigaya kuwo biyo-kama-dhibcaan ah.
Dr Xuseen, sida uu ugu dooray buuggaan magaca Laabta Ka Soco, una dabadhigay halkudhegga “Dareen iyo Garasho” ayaa daliil u ah in uu na xasuusinayo qiimaha iyo faa’iidada ay noo leedahay in ay na hoggaamiyaan dareenka iyo garashadu annaga oo aan ka duulin laablakac iyo caadifad. Tani buugga waxa uu ku sheegayaa in ay tahay waxa nooluhu ku horumaro haddii uu adeegsado.
Iskama imaanayso in fahamka buuggaan aad hore kala soo baxdid, qoraagu waxa uu madaxa kuu galinayaa suugaan, dhaqan, caado, diin, iyo siyaasad, si uu xulashada waxa wanaagsan kuugu fududeeyo ama uu fikirkaaga sare uga qaado halka uu hadda taagan yahay haddii uusan kuba xasuusinayn wax aad isweydiinaysay meel aad u qaadana aad la’ayd.
Qoraagu aragtiyo, fikrado iyo caadooyin aad sida miraha berdaha duuduub igu liqi jirtay ayuu ku leeyahay “Hubsiino hal baa la siistaa”. Caqliga iyo taxliilinta aragtiyaha ayuu diiradda saarayaa si qofku uusan u noqon dameeri dhaan raacday, waana tan nuxurka u yeelaysa akhrinta buuggaan.
Waxa uu ku kala barayaa ruuxda ama nafsada iyo halganka ka dhaxeeya maskaxda iyo fikirka toolmoon. Caadifadda iyo u hoggaansanaanta waxa naftu rabto ayuu ku tusayaa jidka ay kugu aroorinayso in ay tahay dhabbe ku dhammaan doonta shallaay iyo ka qoomamayn waxa aad Laabta uga socon weyday.
Gabagabada buugga ayaa waxa ku xusan labo erey oo qiimo muhiim ah ugu fadhiya aadmiga, buuggoo dhanna waxa loo qoray xambaarsan, kuwaas oo ah “Caqli iyo cindi lahow”, asagoo dabadhigay “Waxaa qumman in aa ahaano kuwo laabtoodu ka xalan tahay ‘Xiqdi, xaasidnimo, anaaninnimo iyo xumaan’ maskaxdooduna tahay mid u horseedda garasho, xisaabtan, kala miirid iyo saadaal quman”.
Bal intaas kore hoos u fiiri, dhadhanso oo dhuux mucda ooraaheed ee garashada iyo garaadka dareenka hufan wata ka soo burqanaya. Taasi ma iman karto haddaadan laabta ka socon. Waana sababtu uu qoraagu buuggan ugu magacdaray LAABTA KA SOCO.
Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa qoraaga buuggaan waqtiga uu gashay iyo hannaanka quruxda badan ee uu adeegsaday si uu meeldheer wax nooga tuso, soona koobo mowduuc aad u weyn oo huwan dareenka iyo garashada aadanaha.
By Muxyadiin Ciid Libaax-barkade

SHEEKOOYIN