Falanqeyn dhiganaha GARDAADIYE W/Q: Yuusuf Cumar Nuur

Falanqeyn dhiganaha “Gardaadiye”

Qoraaga buugga: Laashin, qoraa sare: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Bogagga buugga: 140-bog

Maalintii khamiista aheyd taariikhduna ku beegneyd 22 bishii July 2021 waxaa aheyd maalin qurux badan,  waxaan  nasiib u yeeshay in aan ka qeyb galo oo aan marqaati ka noqdo bandhigga buugga {Gardaadiye } ee uu qoray Laashin sare dhiirregaliye qoraa sare, macallin sare qof  bulshada agteeda qiima weyn ugu fadhiyo ustaad Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal) Dhabtii shaqsiyadda iyo aqoonta qoraaga halkan kuma soo koobi karo, waxaan uga hadli doonaa qoraallo kale iyo meelo kale, maxa yeelay, wuxuu mudan yahay buug kaligiis ah in laga diyaariyo taariikhna laga reebo waana mid ka mid ah dadka aan ku faano waxa uu horumariyaa afkeenna, wuuna u hiilliya, bandhigga buuggaas iyo la kulanka qoraa shiribmaal wuu iiga duwanaa bandhigyada kale iyo buugaagta kale ee aan ka qeyb gali jiray, maxaa yeelay, waa qoraa Rabbi ku galladay habqoraal wanaagsan oo aan marnaba laga xiiso dhigeyn kuna caajiseen qoraakladiisa iyo marka uu hadlaayo waa qoraa Ilaahay uu hiba sare ku mannaystay, waa qalinmaal rug caddaa ah, waa dhiirrigeliye, waa barbaariye aan ka daalin toosinta iyo tayeynta erayga qoran. Intaan ka arkay caalimiinta la filka ah ee aan aqaan waa ninka ugu akhriska badan waana qoraa aan aad u xiiseeyo qoraalladiisa iyo waxyaabaha uu soo dhigo faceboogga, inta kadib ka qeyb galka bandhigga iyo hadallo meesha laga jeediyey kadib waxaa nasiib u yeeshay in aan iibsado buugga: “Gardaadiye” waxan tagay xaafadda aniga oo xiiso dheeraad ah u qabo aqrinta buugga, habeenkaas ma noqon in aan aqriyo buugga mashquul jirey awgiis iyo daal ihaayay.

Buuggaan waxa la galiyey maskax, maal iyo waqti aan yareyn, buugga ‘Gardaadiye’ waa dhaxal reeb suubban. Buugga GARDAADIYE oo ah dhigane lagu soo uruurshay in ka badan 20 sheeko-xariiro oo ah sheeko dhaqameedkii xulka ahaa, qoraalku waa xirfad aan cid walba yeelan karin, macaanka, qiimaha iyo xiisaha qoraalku waxay ku xeran tahay hadba sida loo qurxiyo iyo inta uu la eg yahay juhdiga la galiyo.Waa lagu kala hodonsan yahay xirfadda wax qorista, qorayaasha qaarkood hibo ayey u leeyihiin fanka qoraalka, xaqiiqdii qeybo ka mid ah hal-abuurka qoran marnaba lagama dhargayo, waana buug sheeko oo  malabkiisa wato.

Inta aanan u guda gelin faaqidaadda buugga iyo ka hadalkiisa waxaan marka hore ammaan, bogaadin iyo mahadcelinba u jeedinayaa aqoonyhan dhaqanyahan, laashin sare, qoraa sare, barbaariye, dhiirragaliye, macallin Xasan Cabdulle Calsow oo loo yaqaanno Shiribmaal oo ah taabbageliyaha dhiganahaan, waxa aan uga mahadcelinayaa dadaalkii dheeraa ee uu ku bixiyey iyo waqtigii faraha badnaa uu u hurey. Sidii uu  uga miradhalin lahaa hadafkiisa oo ahaa in uu keyd qoraal sooyaaleed u taabbageliyo jiilalka dambe ee dhalan doona iyo kuwa hadda jooga intaba.

GARDAADIYE waa buug sheeko carruureed ah oo aan marnaba laga xiiso dhigeyn qofkii aqriya halmar waxa uu jeclaanaya in uu mar walba akhriyo wehel iyo walaalna uu ka dhigto  waana buug qiimahiisa wato wuxuu caawinaya carruurta yaryar, kuwa da’ dhexaadka ah, kuwa waaweyn iyo waaliddiinta intaba,  waxa uuna kaa dabageynaya sheekooyin dhaqanka iyo miyiga ku saabsanaa iyo kuwa magaaladda oo si aad ah loo qurxiyey loona macaaneeyey. Bugga Gardadiye kaliya carruurta uma uusan soo saarin qoraaggu ee waxa uu usoo saarey qof walba oo jecel in ay carruur dhasho ama uu carruur dhalo marka ay waalid noqoto/noqdo si berri ilmahiisa uusan ugu waayin sheekoyin macaan oo qurux oo aan marnaba laga xiiso dhigeyn ee uu uga sheekeyo carruurtiisa, waxa uu si gooni ah u kaabaya hooyooyinka oo ah macallinka koowaad ee aan kasoo aflaxno  waxa uu ka kaabaya in ay gutaan waajibaadkooda xagga afbaridda, isku xirka hadallada iyo sheeko baridda carruurta. Buuggan waxa uu si gooni ah u anfacaya carruurta qurbaha joogo oo aan garanen dhaqanka iyo sheekoyinkii horey ee asalka ahaay.

Waxa aan aad ula dhacay markii uu faahfaahinayay ee uu ka hadlayay ereyga gargaadin oo uu ku macneeyey abaabinta carruurta lagu tababbaro, si loogu carbiyo nolosha qaraarka iyo macaankaba leh ee kusoo foolka leh haddii Eebbe tabargaliyo. Qoraa Shiribmaal Gardaadin waxaa uu u qeybiyey afar qeyb oo kala duwan, afartaas qeyb waa ay kala muhiimsan yahiin, balse, afartoodaba waa habab ay ku gardaadin jireen waalidku carruurtooda. Waxayna kala yahiin:

  1. Balleys ama Billaabid: waxa uu dhahay midda ugu horreyso, canuggu marka uu dhasho ee xuddunta hooyadiisa laga jaro qofka ugu horreeyo ee arka ayuu dhahay balleys ama billaabid, taas oo ah qofka ugu horreeyo ee arka canugga, soomaalidu waxa ay dhahdey qofka ugu horreeyo ee la kulma marka uu caloosha hooyadiis kasoo baxo canuggaas in uu wax uun ka hiddo raacaayo hab dhaqanka qofkaas.
  2. Anqaris: Waxa uu ku sheegay canuggu marka uu dhasho ee naaska hooyada caanaha ugu horreeyo ee dambarka ah afka loogu liso ama loo nuujiyo kadib ayaa waxaa la siiya caano loo yaqaano: “Anqaris”  kuwaas oo ah in canugga loo caana kabboodo haddii uu wiil yahay waxa u caana kabboonaya nin haddii ay gabar tahayna gabar ayaa u caana kabbooneyso.
  3. Barbaxis: waxa uu qoraaggu ku sheegay halka ugu horreeyo ee ay Gardaadinta rasmiga ahi ka billaabato, canugga marka hooyadiis ka baxdo afartanka maalmood ee umusha waxay u raadisaa qof wanaag iyo sammaan u saaxib ah dadkana aan dulmin geesi ah.

Qoragga buugga GARDAADIYE Ereyga  barbaxis waxa uu kuso koobay tixyar oo sidaan u dhaceyso:

  1. Saan yeelo yeel
  2. Saanteyda qaad
  3. Suubbane ahaaw
  4. Samma nabad ku joog
  5. Rabbi saad habboon
  6. Ha ku siiyo nolol
  7. Anna waa sidaan
  8. Kuu socodiyee
  9. Suubbane ahaaw
  10. Saanteyda qaad.

Gunaanad:

Waxaan u ducaynayaa qoraaga buuggan oo dhaxal rasmi ah uga tagay mar walbana uga tago bulshada soomaaliyeed, inkastoon aan aqriyey buugaag badan, haddana waxa uu noqdey buuggii iigu saameynta badnaa iiguna horreeyey ee aan akhriyo marka laga hadlayo sheekooyinka carruurta. Buuggaan  intaan kuma koobna ee waan soo koobay somalida oo aan jecleyn qoraalka dheer awgeed, qof walba oo jecel buugga  Sheekada xariireedka GARDAADIYE  in uu wax badan ka ogaado waxan kula dar daarmi lahaa in uu akhriyo buuggaan. Anigu waxan aqriyey in ka badan 3-mar welina kama xiisa dhigin aqrinta buugga Gardaadiye waxan ka dhigtey wehel iyo walaal waxan u mahad celinaa qoraagga buugga oo ah masuul u taagan u hiillinta Afka Hooyo.

Alle ayaa mahad iska leh.

W/Q: Yuusuf Cumar Nuur (Caaddil)

Muqdisho-Soomaaliya

SHEEKOOYIN