Falanqeyn-ta CAR-GARO W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow Shiribmaal

Falanqeyn-ta CAR-GARO

Nolosha ka jirta tiyaatarka daah-laawe, waa tilmaan, turxaan bixin, tusaale, toosin iyo talo ku beegan toobiyaha is beddelka nolosha cusub, waxayna tusmo hordhac ah u tahay, bandhig qaab masraxeed cusub oo ka tujumaaya dhaqanka wanaagsan ee barbaarinta nabadda.ā€¯

Dhiganaha Car-garo, waa sheeko-faneed, samataliso ah oo ka waayo warramaysa dhaqanka nabaddoonka ee tiyaatarkii ā€¯DAAH-LAAWEā€¯ dhibaatadii laga soo maray iyo sidii loo xalliyey. Haddaba muxuu ahaa tiyaatarkii daah-laawe?ā€¦Car-garo. Biisā€¦biisā€¦biis.. Biiska badan ee ka hadlaysa beesha isu ma talisada ahayd ee aan farriin waxtar leh u gudbineyn daawatada ayaa ka dhigtay mid aan dhammaad lahaynā€¦CAR-GARO [ā€¦]

Dhiganaha Car Garo, waxaa maankiisa ka shiilay qoraa sare: Maxamuud Cali Calasow ā€¯Jaani-Dheereā€¯ waa buug yare, ka kooban (106-bog). Waxa uu sidaa qiso il-biriqsiyo ku dhalatay isla il-biriqsigaasna ku dhammaatay. ā€¯Car-garoā€¯. Waa qiso bulshada u bidhaamineysa waayo nololeed oo meel aan u dheereyn lagu weeleynayo, haddana aan lagu naalloon_karin. ā€¯Car-garoā€¯. Sidoo kale, waa qiso dhabbaha u xaareysa nabad-waarta oo negaadi leh, balse, aan la garaneyn sida iyo habka lagu soo haaban karo. Waa nabad kuu dhaw oo haddana kaa dheer, waa nabad dhinacaaga taal, haddana aadan soo dhifan-karin/qaba karin. ā€¯Car-garoā€¯.

Waa sheeko lagu iidaamay suugaan-samatalis ah, sow anigii hore kuu soo iri: waa sheeko-faneed- haah! Waa sidaas oo aan barax lahayn. Waa sheeko hilaadisay in la helo bulsho caafimaad qabta isna cafisa. Haddii kale heeā€¦.Car Garo.

Habka farshaxanka leh ee qoraagu u haaneediyey qisada ayaa kaa dhigaya marka aad aqrineyso, ruux daawanaya oo tiyaatarkii daah-laaye dhexda uga jira. Baalashii aad rog-rogeysay ayaa isu beddelaya riwaayad aad daawaneyso, mararka qaarna waxaadba arkaysaa adiga oo dhinacyada iska fiirinaya. Hade ogoow kaligaa ayaad miis yar dul-fadhidaa ee cid aan qisada car garo aheyni ku lama joogto. Bal maxaa ku kacaamiyey oo kugu qasbay inaad reedaha iska daymooto?. Car Garoā€¦.

Qisada Car-garo si aad u garato halka ay u cija-jiideyso, aan dhexda kaa geeyo ee isha la sii raac sadarrada car-garo ku garan_siin doona, garaba maysid eā€¦ā€¦]

Kala dambeyn laā€™aantu waxay keentay inuu lumo xiriirkii dabiiciga ahaa. Qofku, wuxuu leeyahay hal carrab iyo laba dhegood oo dhegeysigoodu uu wanaagsan-yahay markii la aamuso, is maqalkii guud ayaa dhumay, markii ay qaldameen mowjadihiisii hawada, waxay noqotay in la dhageysto sammaacado fara badan oo fiilo xariirisa aan lahayn ee maqalkoodu uu yahay sidaad rabto u qaado.ā€¯ Dareenkii tasbashada waxaa hoggaaminaya ciriiriga qof tugumbo iyo feer u tafa-xeytay.

Taabasho ka dhowr ma ahan. Waxaa meesha ka baxay garsoorkii kala saari lahaa san-daarka urka iyo udgoonka, fayo dhowr laā€™aantu waa cudur oodda laga qaaday. Aragtida soo gaabatay, waxay ku tusaysaa xummaan ku hor-taalla iyo wanaag iska niyeyso ah.

Dhammaan xaaladahaas murugada leh iyo xiriirka kala goā€™ay ee carruurta habaabinaya, waayeelka wuxuu gaarsiiyey inay dhahaan, ā€¯Garasheey ku nacayā€¯ gudashaduna waxay noqotay alif macallin tiray. ā€¯wadar iyo waaxid yaa waalan?ā€¯ waxa lagu jawaabi jiray waaxidka ayaa waalan, balse, heer daah-laawe gadaal-gadaal ayey u aqriyeen. Meel wadartii miir-doorsoontay la yaab ma lahan, waaxidku inuu dhoho, ā€¯meel sideey u taal ayaa loola yaallaa.ā€¯ hayeeshee, markii la milicsado hab lagu heli karo wadar qumman, la yaab malaha in la taageero talada toosan ee waxtarka leh.

Inkastoo soomaalidu ay ku mahmaahdo ā€¯biyo intey ku soo gaarin ayaa layska moosaaā€¯. Tiyaatarka daah-laawe, wuxuu noqday mool aan maciin laheyn. Nasiib wanaag Deeqa-dejiso iyo dhallin-yaro fara_badan ayaa keenay hab biya lagu dhex-jiro la isaga moosi karo. Qorshihii ay dejiyeen ee la magac baxay: ā€¯Nus saac ku nooleynta tiyaatarka daah-laaweā€¯, wuxuu noqday mid guuleysta oo la mahadshay, kuna simay bulshada ilaa geeddiga seddaxaad oo laba mid noqon-doona; inay doortaan madax ku hoggaamisa, nabad iyo jacayl ama sidii kal hore inay noqdaan ā€¯Laxdii indhoolaha ahayd ee waraabaha megen-gashayā€¦

Qaab-dhismeedka qabyaalad
Xil haddii lagu qeybsho
Qabiilkaan ku qasaarnay
Waa u sii qawi yeelid
Qaran qabiil ku dhiskaanuse
Sow uun quusasho maaha?.

Tiyaatarka daah-laawe, gudihiisa waxaa qabsaday fannaan cod macaan oo qaadaya hees ku saabsan qabiilka, magaceedana la yiraahdo: ā€¯Qoolaan ku jirnaaā€¯. Daawatada intooda badan, waxay u noqotay hees ay fahmi karaan, waana tan keentay inay fannaanka ka daba jiibiyaan, erayadeeda waxaa ka mid ahaa:

“Qaddarinteyda abwaanka
Sooyaal guud qisadiisi
Haddaan sii amba qaado
Qab iyo iil la is raacshey
Sida ay u qormeyso
Sow qabiilkii maaha
Qabiil sow cadaw maaha
Qabku sow kibir maaha
Oo qeyrkaa ka har maaha.
ā€¯

Gunaanad

Dhiganaha CAR GARO, wuxuu xambaarsan-yahay tilmaamidda taraanturrooyin, laga baaqsan karo haddii lays-ku tashto, la islana tashto. Wuxuu daā€™ yarta u yahay dhabbe ay ku habjiqi karaan haddii ay yihiin, kuwa hiigsi iyo hammi sare leh, sidoo kale, duqowdana wuxuu u yahay dardaaran iyo isku duwid ay uga waaban karaan kala tag u horseeda kalinimo.

Shifo ku aqriso CAR GARO

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow Shiribmaal

SHEEKOOYIN