FALANQEYNTA BUUGGA ARXAN-GOYS| W/Q: Abwaan Maxamed Cabdi Nuur

FALANQEYNTA BUUGGA ARXAN-GOYS

  1. Magaca buugga: ARXAN-GOYS (Hindhisadii Sheydaanka)
  2. Tirada bogagga: 155 BOG
  3. Sannadka: 2022
  4. Daabacaaddii koobaad
  5. Madbacadda: LAASHIN
  6. Qoraaga buugga laashin: Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal)

Waxaan nasiib u yeeshay in aan helo nuqul ka mid ah buugga cusub ee “Arxan-goys” oo aan weli la soo bandhigin. Buuggan waxaa ii hibeeyey saaxiibkay, ahna qoraaga buugga Laashin Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal). Waxaan u helay kansho iyo bay’ad fiican oo aan ku akhriyo buuggan, wuxuuna ku soo beegmay maalmihii aan qaatay fasaxii xagaaga, inkastoo aan safar galay haddana wuxuu noqday mid aan ku billaabo akhrintiisa Sweden kuna dhammeeyo London iyo carro Ingiriis. Waqti fiican ayaan u helay, waxaana ii suurogashay in aan si qoto dheer u akhriyo. Akhrin ka dib waxaan jeclaysay in aan idin la wadaago falanqeyn kooban oo ku saabsan buugga ARXAN-GOYS.

Qoraaga buuggu waxaa uu horay u soo saaray labo buug oo kala ah: ”GACAL IYO GAYAAN” iyo ”GARDAADIYE” sidaa darteed buuggan waxaa uu noqonayaa dhiganahii saddexaad ee uu Laashin Xasan ifka keeno. Haddaba, qoraagu waxaa uu buugga u dooray hab sheeko tabinta qofka koobaad, [first person] oo isaga ayaa ah jilaaga buugga (qofka hadlaya). Waxaa qaybta hore ee buugga ku sheekaysanaya isaga iyo naftiisa, qaybta damba na wuxuu kula doodayaa duraygan dunida halakeeyey ee COVID-19.

Dadka kale ee sheekada ku jira waxaa ka mid ah Cali oo ah dhibbane uu arxan-goysku salfaday Aabbihiis. Marka la eego jilaayaasha sheekadu waa saddex qof iyo labo hummaag. Haddaba habka sheeko gudbin ee uu qoraagu doortay, waxay akhristaha u fududaynaysaa in uu si sahal ah ula socdo sheekada taxan ee uu qoraagu isugu soohay sida farxannimada leh. Bay’adda sheekada lagu jilaayo waa safar dunida oo dhan lagu marayo, dalal, magaalooyin iyo gobollo, sidoo kale mar baad isbitaalka, masaajidka, goobaha gacansiga, garoomada haawanaya iyo shirkado kacay oo albaabbada la isugu dhuftay dul tageysaa. Shaybaarro iyo goobo ilimaqabtada lagu baaro ama lagu kaydiyo ayaad xilliyada qaar dul istaagaysaa.

Sheekada waxaa ku jiro taariikho iyo dhacdooyin cudurro safmar ah oo xilliyo kala duwan dunida soo maray. Tusaale ahaan ”Spanish flu 1918 ilaa 1920” Hargabkaas oo galaaftay dad ka badan 50 malyan, kuna dhacay 500 oo malyan dad gaaraya. Sidoo kale qoraagu wuxuu noogu soo gudbiyey buuggan qisooyin diini ah, sida qisadii Nabi Muuse (CS) iyo Muuse Saamiri oo dhinacya badan ay iska shabbahaan dabeecadaha Rixingoyska, tusaale ahaan kala fogaanshaha iyo istaabasho ka caagganaanta oo ah ciqaab ka dhalatay carada Eebbe, ka dib markii ay addoomuhu xadgudbeen.

Qoraagu wuxuu kaa tusayaa cudurkan dhinacyo kala duwan oo haddana kala durugsan, Inta aad sheekada aqriyeyso waxaad xiran doontaa ookiyaaleyaal kala jaad ah, kuwaas oo fududaynayo in aad ku eegto cudurkan indho siyaasi, kuwo bini’aadannimo, wadaadnimo iyo kuwo ganacsi intaba.

Buuggu wuxuu ku qoran yahay Af-soomaali barax la’ oo si aftahamo iyo af aqoonimo leh loo adeegsanayo. Intii aan buugga aqrinayey waxa aan ka helay labo erey oo af-qalaad ah oo aan is iri waa laga baaqsan karay, “karantiil” oo go’doomin ama weel duwid lagu beddeli karo iyo “soft” oo iyaduna “aftir” loo isticmaali karo. Qoraaga buuggu waxa uu soo xiganayaa suugaan hore oo cuddoon, fahamkaagana in badan wax ka taraysa, wuxuu sidoo kale ku soo afmeerayaa sheekada maanso dheer oo uu curiyey laashinku.

Qoraagu waxa uu adeegsaday ereyo cusub oo uu ku soo kordhiyey erey bixinta afka hooyo, waxaa ka mid ah “Arxan-goys” oo uu COVID-19 ugu walqalay. Waxa kale oo uu qoraagu ku qeexay in cudurkani yahay: ”Hindhiso Sheydhaan” waa magac dulucdiisu aad u dheer tahay oo sawir guud kaa siinaya duraygan garan waaga ah ee mar qura ku faafay bari iyo ilaa bugux.

Sheekadan waxay toosh ku ifinaysaa sida, aadanahu isugu mindiyo lisanayo, iyo sida la isugu hub urursanayo, oo uu mid ba midka kale dhagarta ugu maleegayo. Qoraagu waxaa uu ku xusayaa buuggan in dhibta looga gudbi karo wadajir, iskaashi iyo midnimo.

Buuggaan Arxan-goys waa buug kooban, balse, xambaarsan xog iyo aqoon ballaaran, waxaan hubaa in uu raad uga tagi doono maskaxdaada, hab fikirkaaga na uu wax badan ku soo kordhin doono. Buuggaani wuxuu ku habboon yahay dhammaan dad waynaha akhriska jecel, dadka doonaya in ay wax ka ogaadaan doodaha ku xeeran duraygan COVID-19 iyo sida uu u saameeyay ugu na dhex faafay aadanaha. Sidoo kale ardayda iyo dhallinyarada ay maskaxdoodu curdanka tahay wax badan ayey ka dheefayaan akhrinta buuggan Arxan-goys. Waxaa noo ballan ah bandhigga buuggan Arxan-goys oo dhammaadka bishan August lagu soo bandhigi doono magaalada Eskilstuna. Xogta oo faahfaahsan dib ayaan idin kala wadaagi doonnaa, haddii uu Eebbe idmo.

W/Q: Abwaan Maxamed Cabdi Nuur

SHEEKOOYIN