Falanqeynta buugga MAANA-FAAY

Falanqeynta buugga MAANA-FAAY

Hooyga Raadraaca Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee LAASHIN waxay xalay qabatay madal aqooneed lagu lafaguray dhiganaha caan baxay ee MAANA-FAAY oo uu qoray, qoraa: Maxamed Daahir Afrax (AUN).

Hoyga Raadraaca Dhaqanka iyo Suugaanta LAASHIN oo aqool wadaag iyo eray wadaagba la ah; xarumaha aqoonta iyo afka lagu kobciyo ee kala ah: Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Abwaan Faarax Shuuriye, Akadeeme-gobaleedka Af-Soomaaliga (AGA) Iyo Baraarug Library, waxay xalay isu keeneen aqoonyahanno kala joogaa daafaha caalamka, isla markaana isugu jiray aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo kuwa aan Soomaali aheyn, balse, afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed bartay, welina u dhuundaloola, sida, Borofaysar: Martin Orwin oo si qotodheer uga sheekeeyay buugga: MAANA-FAAY, aqoontii uu u lahaa Afrax iyo guud ahaan waxqabadkii Afrax ee afafka kale. Sidoo kale waxa madasha ka hadlay: Borofaysar: Joorje Baanti oo isna is dultaagay adeeggii bulsho ee Dr Afrax.

Waxa isna si mug iyo miisaan leh u lafaguray buugga MAANA-FAAY iyo howlihii kale ee marxuum Afrax borofaysar: Cali Jimcaale Axmed. Waxa kale oo ka hadlay madasha: aqoonyahan: Axmed Ismaacil Yuusuf oo afka Soomaaliga iyo afka ingiriisigaba wax ku qora, isla markaana buugga Maana-Faay u rogay afka Ingiriiska. Waxa isna ka hadlay: Sharciyaqaan, isla markaana ah; guddoomiyihii ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed aqoonyahan Salaad Cismaan.

Faalleynta waxa asna qeyb ka ahaa: Buuni Ruumi oo ah; aqoonyahan, cilmi baare ahna linquistic, horena u ahaa Bare jaamacadeed. Waxa kale oo gorfeynta ku jiray; Buuni Cabdirixmaan Abtidoon oo ay Afrax saaxibbo ahaayeen, sidoo kalena si mug leh u dul istaagay, muhiimadda sheeka tebintu u leedahay; ummadda. Guddoomiyaha LAASHIN Xuseen M. Cabdulle Wadaad ayaa isna ku dheeraaday howlqabadka Dr Afrax ee dhanka wax soo saarka dhigaaleed.

Guddoomiye Wadaad waxa uu ka mid ahaa aqoonyahannadii goobjoogga u ahaa markii buuggu soo baxayay: 1979 ilaa 1980-kii, isla markaana wuxuu daahfuray farriimo badan oo dahsoon isla markaana buuggu gudbinayay ama ka digayay. Culima afeedka ka hadlay oo aad u tiro badnaa, ka sokow waxa madasha dadkii soo xaadiray u mahadceliyay, gabar uu dhalay qoraa Maxamed Daahir Afrax (AUN) oo la yiraahdo: Muna Maxamed Daahir. Muno oo hadleysana waxay tiri:

My name is Muna Maxamed Dahir Afrah, I am the daughter of Maxamed Dahir Afrah, I have an English Literature and Creative Writing university degree and have had a passion for writing since childhood. I edited Maana Faay English translation and made sure that the book was published after he passed away and would like to continue my father’s work.

Muna waxay ballanqaadday inay hore usii wadi doonto howshii qaran ee abbaheed uu ka geeriyooday, isla markaana waxay tiri: “Buugga MAANA-FAAY, waxaan u rogi doonnaa afafka kala ah: Ingiriis iyo Carabi, sidoo kalena waxaan soo saaridoonaa daabacaad cusub oo Af-soomaali ah”.

Xiriirinta:

Madasha waxa si mug iyo muunad leh u daaddihiyay, qoraa: Cali M. Diini oo ah: xubin ka tirsan bahda afka iyo suugaanta ee LAASHIN, isla markaana qoraa Diini wuxuu dhigaaliyay dhowr buug.

Dhanka farsamada iyo isku xirka:

Dhanka farsamada iyo isku xirka waxa joogay, qoraa: Ibraahim Cismaan Afrax (Ibraahim Nolosha) oo si xilkasnimo leh howsha isugu dubbariday, isla markaana isugu xirayay. Idil ahaanteedba waxay aheyd howl wadareed aynan u kala harin LAASHIN iyo saaxibbadeedba.

Haddaba, Hoyga Raadraaca, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee LAASHIN wuxuu mar walba u taagan yahay; qabyo-tirka, turxaan-bixinta iyo hab-tebinta toolmoon ee afkeenna Hooyo. LAASHIN waa Hooy si iskaa wax u qabso ah isaga xilsaaray, tayeynta afkeenna iyo dhigaalkiisa, isla markaana saaxibbo badan shaqo wadaag la ah, sida AGA, Xarunta Shuuriye, Baraarug iyo naadiyaal kale oo badan. Hooyga LAASHIN wuxuu bishiiba laba goor ama seddax jeer bandhigyo u qabtaa dhiganayaasha ay qoreen qorayaasha Soomaaliyeed, iyaga oo uga dan leh inay nuxurka wanaagsan ee buuggu gudbinayo ay bulshada gaarsiiyaan.

Farriinta ugu dambeysa ee LAASHIN:

“Na weydii talo, tusaale, taageero iyo taabbagelin, wixii aad uga baahato daabacaadda LAASHIN ee daabacaad iyo qoraal ah”.

“Nala wadaag talo, tusaale, taageero iyo wixii aad na tari karto ee aan tilmaanteeda seegno”.

SHEEKOOYIN