FALANQEYNTA DHIGANAHA GARBADUUB W/Q: Drs:Farax Sheekh Cabdirisaaq ” Zedra Sheekh”

FALANQEYNTA DHIGANAHA GARBADUUB

Sheeka faneedka buugga Garbaduub waa dhiganihii ugu  mugga cuslaa uguna xiisaha badnaa ee la curiyo waayahan aynu joogno inuu yahay waxa sida caddo needhi ah kuu tusaysa cufnaanta iyo cuddoonaanta ereyada maangalka ah ee ay dhaayuhu cosobsanayaan akhrintiisa taasoo garaadku cokoni ka dhaxlayo.Dhumucda iyo qaraha farshaxanka buugani koobsaday waxa bilidiisa iyo bogaadintiisaba leh qoraaga dhiganaha  iba furay  ee dul dhigay qalinka dhugashadiisa lala dhakafaarayo marka si qotodheer loo dhex mushaaxo sooyaalka dhacdooyinka uu gudbinayo.

Garbaduub maaha oo keliya magaca buugan waase mid duluc iyo ujeed ahaan ka baaxad sarreeya inta ay badhkeen malayn karaan,waxaanna marag kuugu filan inta jeer ee la falkin karo ereyga garbaduub iyadoon xayndaabka sheeko faneedka laga baxayn.

Garbaduub waa saddex erey oo isu gayntoodu xaalad culus ka turjumayso. Waa GAR iyo xaajo rag kulmisay, waa BAD lagu dhaco oo biimaheeda wadata iyo UUB laysu qodayo oo shirqool ahaan loo maleegay waana inta uu buuggu horaysa iyo danbaysaba ku biyo shubanayo.

Dhanka kale, waxaa magacani kuu muujinaya, marka aad dhiganaha dhex gasho,  sida loo garbaduubey ee loo xanibay, garsoorkii, sida loo garbaduubay wanaagii,  sida loo garbaduubay xeerkii iyo hannaankii dowladnimo, sida loo garbaduubay dadnimadii. Keliya maaha inuu qoraagu inooga sheekaynayo,  Xariga iyo  shirqoolka ku dhacay jilayaasha buugga ee waxaa uu dhanka kale inaga tusayaa in dhammaan waxii bulshadu ku dhisnayd ay koox qawlaysato ahi garbaduubatay.

Dareen ahaan iyo damiir ahaanba buugani wuu u taabanayaa qof kasta oo taariikhdii hore iyo tagtadii la soo dhaafay dib u milicsada. Sidoo kale wuxuu si taban iyo si toganba inoo tusayaa tawsta ka dhalata tub kasta oo qalloocan oo tacadiga bulshadu tiir dhexaad u yahay.

Muuqaallada argagaxa leh ee hummaaga akhriska buugan laga dhex helayo waxa ay ku qotomaan xaqiiqooyin dhaba oo ina soo maray balse qoraagu si dul ka xaadis ah i noola wadaagay isagoon cid gaara durayn gabboodaladii jirayna ina mihiibsiinaya.

Marka laga tago xumaanta loo gaystay halyeeyo qaran oo in la milgeeyo lana muuneeyo mudnaa iyo ummula dooxa maati in la la dhawra sugaysay oo birta laga aslay haddana inaan la quusan oo heeryada nacabka layska tuuro ayaynu ka baran karnaa qisada guud ee buugga Garbaduub.

Meelaha yaabka iyo amakaaga leh ee sheekadan ku jira waxa ka mida damiir xumida ku talisay adna raran ku istaag umMadana ragaadi rayigaaguna ha ku siiyo nimaad qabirtay oo aad dambiile aragtida lagu toogto ka dhigtay haddana ooridiisi la gurigal weliba iyadoo qaaday hangal iyo asay aan lagu lahayn. Waxa kale oo iyana xajiin wayn ah nidaamkii is muquuninta iyo isir nacaybka ku dhisnaa ee deegaano badan lagu halaagay.

Ugu danbayn waxaan u mahad naqayaa dhamMaan intii suuragelisay in buugani hirgalo gaar ahaan Qoraa Cabdiraxiin Hilowle  Galayr oo tacabkiisa lahaa.Bahda akhriska iyo bulshadana waxaan leeyahay:

Garbaduub haddii aad hesheen, Waa gob dhaqankeede
Gelin qudha qofkii soo akhriya, Wuu gadbaxayaaye
Taariikh gu’waynbaa ku qoran, Oon la garanayne
Gudihiisa sheekada ku taal waa, La gamayaaye
Murti baa gadhoodhoo gimgiman, Gaawayaal badane
Maankiyo garaadkii dayaa, Wuu godlanayaaye
Inagoo isgaadhsiinaynoo, Guul ka curinayna
Diiwaano gaariyo ka dhiga, Dhaxal la goobaayo
Guryihiina soo wada dhigtoo, Gacal ku maamuusa

W/Q: Drs: Farax Sheekh Cabdirisaaq “ Zedra Sheikh

SHEEKOOYIN