Falanqeynta Dhiganaha Garbaduub W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid

Falanqeynta Dhiganaha Garbaduub!

Waa dhigane uu ku farayareystay Abwaan iyo Qoraa Cabdiraxiin Hillowle Galayr, mana ahan kiisii koowaad ee waxaa uga horreeyay dhigane kale oo magaciisu ahaa: Noloshii Sillooneyd, kaas oo haddii aad hore u akhrisay kugu qasbaya inaan kuwiisa dambana aysan ku dhaafin. Buugga Noloshii Sillooneyd ayaa ahaa mid xasuusta dhallaan badan oo Soomaaliyeed iyo waqtigii xumaa ee la soo maray dib kuugu celinaya, ubad waalid la’aan ah, cid ay u ciirsadaanna aysan jirin, haddana ku dhex sugan colaad, waxa ay mudan kareen amase ay wajaheen ayuu buuggaasi kuu kala dhigdhigayaa, tanoo runtii ahayd mid mudnayd in la xuso, abwaankuna ku guuleystay in uu sooyaalka raad uga dhigo, si dib loogu raaco dhallaankii Soomaaliyeed iyo musiibooyinkii ay muteen qaranjabkii ka gadaal.

Garbaduub ayaan isaguna ka fogeyn isla waayahaas dhacdooyinkii uurkutaallada lahaa ee la soo maray, waloow uu iftiiminayo xuddunta ama ilaha ay ka soo butaaceen fidnadii horseedka u ahayd qaranjabka. Waa dhigane marka aad baalashiisa horeba furtid dib kuugu celinaya xasuusta maalmahaagii dhallinyarada iyo ardeynimada, waxaa maskaxdaadu ku dhex joojinaysaa fasalkaad fadhiisan jirtay, saaxiibbadii wiilal iyo gabdho lahaa, sheekadii waqtiga la isku dhaafin jiray, jacaylkii iyo kalgacalkii curdunka ahaa ee ruxayay laabaha dhallintii hiyikaca guurku galay, wallow in ka mid ah ku guuleysan jireen in Eebbe calaf iskugu daro.

Buuggan oo la daabacay 2020, ayaa Abwaanku u hibbeeyay hooyadiis Faadumo Warmooge Maxamed oo horraantii sanadkaas xijaabatay, Alle ha u naxariistee. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee uu gacantiisa soo galo, isla sannadkaas, maalmo ayeyna igu qaadatay in aan ku dhammeeyo, mar labaad ayaan dib u akhriyay bishaan, taas oo igu qasabtay in aan idinla wadaago wixii aan ka bartay ama aan wax ka xuso si idinkuna faham uga haysataan wixii naga wada qaldamay.

Waa dhigane ka kooban 263-bog oo ay daabacday madbacadda Laashin. Sheekadu waxa ay ka soo falkameysaa xilligii dowladdii Kacaanka, ayadoo sida ay u soo jiitameyso kula soo galeysa waayihii Jabhadaha hubeysnaa ilaa ay ku dhaxalsiiso baaba’a aad filan kartid marka aad shaqo ka dhigato caddaaladdarro, una adeegsatid shaarka ama awooddii dowladnimada mid aad wax ku dulmisid.

Xiddiga sheekada ayaa qoruhu u doortay wiil la yiraahdo Guhaad. Guhaad ayaa ahaa curradka Aabbe Samatar iyo Hooyo Dhudi, oo ahaa qoys danyar ah, ayaga oo daris la ahaa qoyska reer Carraale Suudi oo ayaguna dhalay Ubax oo ah xidigta sheekada, ahaana qoys dhaqan. Ubax iyo Guhaad ayaa Rabbi calaf iskugu darayaa, halka Huruuse oo asna jacayl u qaaday Ubax uu ka hinnaasayo, awooddana saarayo sidii uu qoyskaas aqalka cusub yegleelay u kala dhantaali lahaa, ka gadaalna xilo uga dhigan lahaa Ubax. Guhaad oo ciidanka qortay, noqdayna mid ka mid ah kuwooda ugu kartida badan, kuna guuleystay billad geesiga ugu sarreysay ciidanka ayaa Huruuse iyo Taliyihii ciidanka ee deegaankaas Bile Dheere oo ahaa Huruuse adeerkiis, hooyadiisna qabay shirqool u maleegayaan, ay ku eedeynayaan in uu jabhaddihii hubeysnaa ee markaas billaabmay gacansaar la leeyahay, tanoo xabsi dhaxalsiisay Guhaad. Ubaxna bannaanka ugu soo saartay Huruuse in uu la aqalgalo, utunta halkaas ka billaabmata waxa ay soo dadajinaysaa qaran jabkii Soomaaliya.

Kiisaska noocaas ahaa iyo ku tumashada sharciga ayaa sida sheekadu bidhaaminayso waxa ay horseedaan guuldarooyinka ummadaha. Xabsiga uu galay Guhaad ayaa waxa asna lagula soo xirayaa odey Dirir oo mu’aammarad la mid ah tii Guhaad ay la soo eegteen rag uu ka hor istaagay hantidii shacab in daldashaan. Haddaad haddaba dib ugu laabatid waayaha sheekadaan ku qotonto waxaa kuu soo baxaya boqollaal dhacdo oo aan kuwaas waxba dhaamin, in ay ka soo darnaadaan ma ahane. Sababta ayaana ahayd in qof walba oo xil gacanta loo gashay uu sidii doono ugu xadgubayay, kii Eebbe solonsiiyay in uu xaqa iyo qaanuunka ilaasho ma ahane. Waxaa qoruhu iftiiminayaa in ayba aasasmeen kooxo uu gaashaanbuur u bixiyay oo dibindaabyadaas isku bahaystay.

Haddii cabashada shaatigii dowladnimada cid walba soo kartay waxaa la gaaray in ay xididdadii u baxaan qarannimadii booskeediina ay jabhadihii hubeysnaa buuxiyaan. Jabhadahaas oo qoraagu uu ku tilmaamay in ay iskugu jireen kooxo aragtiyo kala duwan huwanaa, balse yoolkoodu ahaa wax ha la baddelo, markii nidaamkii dowladnimada meesha ka baxayna ayagii la yimaadeen intii ay shalay diiddanaayeen, waxii ay ku doodayeen ee ahayd in caddaalad raadinayaana meeshii ka baxday.

Guhaad oo asagu badbaadada naftiisu la gashay in uu ka mid noqdo Jabhadaha ayaa qaadan kari waayay ficilladooda markii ay salka u dhigeen nidaamkii eedaha laga wada tirsanayay. Qoraagu sheekada waxa uu la soo marayaa waayo murugo iyo mahadhooyin badan xambaarsanaa, albaabba mid ka daran ayuu kaaga sii saarayaa, Huruuse iyo adeerkiis Bile Dheere iyo waxa ay muteen ama ay u soo jiidday dhagartay falkeen ayaa sheekada uga bogan doontaa, nabsiga iyo sida uusan meel bannaan ugu dhicin ayaa ayaduna ah nuxurka aad ka dheehan kartid sheekadaan. Maalmaha noloshaada inaad wanaag ku qaadatid ayeyna ku xasuusinaysaa.

Guhaad iyo geesiyo badan oo waddanku lahaa qaadanna waayay waxa ay u horseeday qarannimo la’aantu ayaad sheekadaan ku arki doontaa cidla ciirsilada ay ku qur bixi doonaan.

Runtii sheekadaan waxa ay kugu dhalinaysaa su’aalo badan oo u baahan in aad maanta is weydiisid, waayo! Waxaa kuu soo baaxaya qaladaadkii shalay in aan waxba laga baran, waana tan qoraagu iyo qorayaasha kale ee qalinka u qaatay si ay dhaxal ugu reebaan bulshadooda, si aanay godkii shalay laga qaniinay, maantana looga qaniinin, balse dhaqanka Soomaaliyeed ee waayadaan soo kordhay ayaa ah in aysan waxba iska weydiin wixii la soo maray si ay u saxaan qaladaadka ay maanta faraha kula jiraan.

Xiisaha iyo casharrada sheekadaan ku jirtaa waa mid aanan halkaan ku wada xusi karin, balse qofkii akhriya oo kaliya ayaa ka bogan kara. Dhinaca qoraalka iyo Af-Soomaaliga quruxda badan ee qoraagu sheekada ku soohay ayaa runtii ayaguna ah mid aad u macaansaneysid akhrinteeda, ayada oo ay dheertahay in aad ka baraneysid ereyo kugu cusub, kuwaas oo uusan kaaga tageyn qoraagu in aad isku wareertaan ama aad qaamuus la raadsato, ee uu erey walba macnihiisa bogga hoostiisa kuugu xusayo, tiro dhan 184 erey ayaadna ka heli doontaa.

Gabagabadii waa buug aan kugu gubaabin lahaa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan u akhrisid, waa haddii aad rabtid in qaladaadka maanta jira la saxo, sababtoo ah si aad wax u saxdid maanta waa in aad ogtahay wixii shalay dhacay iyo waxa laga dhaxlay oo ah waxa aan dugsanaynay in muddo ah taas oo ahayd dal iyo dowlad la’aan. Buuggaan dalka iyo dibaddaba waa laga helaa, waxaana lagala xiririn karaa Madbacadda LAASHIN.

W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid

Naga la soo xariir: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.