Falanqeynta dhiganaha: Garoob iyo Godob rageed .

Falanqeynta  dhiganaha: Garoob iyo godob Rageed

 

 

 

 

 

 

 

Dhiganaha Garoob iyo Gadoob rageed

Qaybta koowaad. 146 bog/73 baal

Qaybta labaad. 135 bog/68baal.

Qoraayad: Nimco Nuur.

Madbacadda:Ileys publischers

Dhigane walba iyo qoraal walba oo aad  aqridaa, haddii uusan maankaaga dareen iyo raad ku reebin, waxaa uu la mid yahay, roob ammin dheer hoorayey, balse aad dad iyo deegaan iyo duunyoba ku doogsan, waa in qoraalka qofka qorayaa ku talogalaa saameyntiisa, sidoo kale midka aqrisanayaana waa inuu helaa dulucda iyo ujeedka qoraagu qalinka ugu qaatay qoraalkaas.Waa hubaal in marka aad nin tahay ee aad aragto halkudhega buugga ee GAROOB IYO GODOB RAGEED, haddii aad nin tahay waxaad gelaysaa feejignaan adiga oo is leh, mindhaa kuwii rag waxba looma reeban, haddaad gabadh tahayna waxa aad is odhan bal ragga iyo godobtooda ka war doon, waxase aad gudaha buugga ugu tegaysa, lafagur iyo  falanqayn labada dhan ah oo hufan si qurux badan oo hagar la’ loo haaneeday loona kala dhigay.

Dhiganaha ayaa ah sheeko maancuris, balse ka timid dhacdooyin si dhab ah u dhacay oo qoraayad Nimco dhalanrogtey iyada oo isugu sidigtey iskuna soohday si farshaxannimo ku dheehantahay. Waa dhigane marka aad aqriskiisa bilowdo, bog weliba waxaa uu ku farayaa inaad kan ku xiga si mug u leh u aqrinayo ugana bogano.

Dhiganaha ayaa si qotodheer oo xeeldheerannimo iyo waayo aragnimo ku jirto isu dul taaga arrimaha qoyska iyo habdhaqankeenna bulsho, dhanka taban iyo dhanka toganba.

Hubaashii waxa aad ka dhex arkaysaa halkaa sida muga leh ee ay ugu dhuun daloosho arrimaha bulshada qoraayad Nimco Nuur, qofka marka uu arrin wax ka qorayo waa lama huraan in ay jirto saddex arrimood, inuu aqoon u leeyahay oo bartey, si wanaagsanna u baadhay, inuu ogaal u leeyahay oo xog badan ka hayo arrinkaas, inuu waayo aragnimo u leeyahay oo arrimahaasi yihiin kuwa uu wax badan u soo joogay aqoontii iyo ogaalkii bay waayo aragnimadu xoojinaysaa.

Haddaba qoraayad Nimco Nuur dhiganahan, mar waxa ay noqonaysaa la taliye oo rag iyo dumarba waxa ay farta ugu fiiqaysaa xilka saaran iyo gudashadiisa, marna waa garyaqaan oo dhacdooyinkii dhacay ee gurracnaa, qalloocnaa ee rag iyo dumarba saameeyey ayay ka hadlaysaa sidii loo hagaajin lahaa xalna loogu heli lahaa ayay loogana digtoonaan lahaa, marna waa Afhayeen oo iyada ayaaba dooda soo bandhigaysa oo weliba si weyn u qaadaa dhigaysa iyada oo ka digaysa arrimahaa sirgacan.

Hab qoraalka sheekada sida loo falkiyey ayaa ah mid xiiso badan oo haddana aad adigu marar badan ka dhex arkayso, naftaada, deriskaaga, xigtadaada, widaayada iyo jaalayaashada arrimo ka dhex dhacay oo aad goob joog ka ahayd ama maqalkoodu ku soo gaadhay.

Dhanka kale waxa ay ku dhiiratay qoraayad Nimco arrimo loo baahnaa in laga hadlo lagana faalloodo kuwaasoo dhaqanka bulshada soomaaliyeed ku badan, waanna tacadiga iyo dhaqanka diinteenna iyo kan dadnimoba aan ku wanaagsaneyn ee ah, ku xadgudubka haweenka, quudhsiga iyo awood sheeshada ay la kulmaan marar badan, sidoo kale kala sarreysiinta waxyaabaha diin iyo dhaqanba loo simanyahay, in haweenka lagu dhaleeceeyo waxyaabo rag iyo dumarba ku ah dhaleeco iyo dhaqanxumo,  guurka lagu jujuubo iyada oo aan la xeerin oggolaanshiiyahooda, in la liido iyada oo aynu wada qirsanahay in ay yihiin, lafdhabarta iyo udub dhexaadka nolosha  in mar walba laga doorbido wiilasha oo gabdhaha la reebo iwm.

Nimco waxa ay si weyn uga noqotay dhexdhexaad ragga iyo dumarka, waayo waa u dhigtay sidii ugu mudnayd uguna habbooneyd ee arrimaha qoyska, weliba goddaloolooyinka waa ay qaybisay sida ay qolo weliba kaalin ugu leedahay habdhaqannada xunxun ee bulshadeenna ragaadiyey.

Hagardaamada Geedi iyo hantaaqada Ambiyo kun jeer ayaan marag ka ahayn dhacdooyin la mid ah, balse qoraayad Nimco Nuur ayaa u qalab qaadatay in ay noo suureyso noona faahfaahiso, halka ay isaseega lammaanuhu aan is xulan ka yimaadaan.

Isku soo wada duub, waxyaabaha xiisaha leh ayaa ah, qaabka sarreeya ee ay isu saartey sheekada qoraayad Nimco oo ah mid soo jiidasho leh, xulashada haldoorada sheekada iyo magacyadooda, oo aan anigu aad u taageeray Xadiyo oo ah la taliye waayo arag oo si weyn isu garab taageysa Ambiyo milayo adag iyo maalmo madoow oo nolosheeda saameyey.

Gunnaanadka iyo gebagebada waxa aan odhan lahaa qofka aan arag, haddaad ammin hesho aqri oo ka bogo, isna dultaag bal dhiganaha Garoob iyo Godob Rageed.Waxa kale oo  aan aad boggaadinayaa Marwo Nimco Nuur ugama mahadcelinayaa qalinkeeda quman iyo sheeko curinteeda toolmoon.

W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

SHEEKOOYIN