FALANQEYNTA DHIGANAHA KAYMADOOW

Falanqeynta dhiganaha Kaymadoow

Dhiganaha Kaymadoow waxa falanqeyn si heersare ah loo soo agaasimay u qabatay xarunta LAASHIN, hoyga raadraaca, dhaqanka, hiddana iyo suugaanta soomaaliyeed. Dhiganaha Kaymadoow, waxaa daabacday: Madbacadda LAASHIN, hooyga raadraaca, dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta soomaaliyeed.

Haddaba, LAASHIN waa madal ay ku bahoobeen qorayaal soomaaliyeed oo isku aragti ka ah hormarinta iyo higaatinta afkeenna hooyo, isla markaana ku kala sugan daafaha carra-edeg, caalamka oo idil. Madasha LAASHIN waa: Kobciyaha qalinka, kaaliyaha qoraaga, kordhiyaha aqoonta, kor u qaadaha aqriska ee haddaba, kororso, kaasho oo kobci kaska iyo maankaaga ku xirnow, kana mid noqo LAASHIN. Waa madal u furan qof walba oo soomaaliyeed ee doonaya inuu wax qoro, wax aqristo, wax-barto. Waa madal garab iyo gerger u ah dhallinta soomaaliyeed ee qalin-qoyanta ah.

  1. Dhiganaha Kaymadoow waxa daabacday: LAASHIN
  2. Waxa qoray: Cabdullaahi Macallin Maxamuud ”Siyaasi”.
  3. Waxa la daabacay, dabshidkii: 2019-kii.
  4. Bogaggiisu waa: 186-bog.

Haddaba, falanqeynta, faalleynta, gorfeynta iyo baalalrogidda, dhiganaha Kaymadoow, waxa ka qeyb-qaatay; afar qoraa iyo qoraaga qoray buugga Kaymadoow. Qorayaashaas oo kala ahaa:

  1. Barbaariye Bashiir Cali Xuseen. Barbaariye Bashiir, waa qoraaga dhiganaha BIDHAAMIYE (Qobanaha afka hooyo) isla markaana waxa hadda mashiinnada ASLIDDA DHIGANAYAASHA (MADBACADDA LAASHIN) ku jira dhigane kale oo la magac baxay: Derejo iyo xil yaa mudan? Barbaariye Bashiir, wuxuu is dultaagay si mug iyo miisaan lehna u bidhaamiyey, magaca dhiganaha KAYMADOOW iyo waxa looga jeedo, sidoo kale, wuxuu tilmaamay, barbaariye Bashiir: abaartii Dabadheer iyo dhacdooyinkeeda buugga ku xusan.
  2. Qoraa Cali M. Diini. Qoraa Cali waa qoraaga dhiganaha WAAYIHII WARSAME, haddana waxa daabacaad suge ah dhigane kale oo la magac-baxay: XAKAME. Qoraa Diini waa aqoonyahan soomaaliyeed kuna nool dalka koofurta-fog ee jiraalka carra-edeg ku yaalla ee ISTUREELIYA. Qoraa Diini waa arday, wuxuuna dhigtaa, jaamacadda: MURDOCH UNIVERSITY. Wuxuuna ka bartaa: INTERNAIONAL AID AND DEVELOPMENT. Qoraa Diini wuxuu si dhammeystiran u falanqeeyay: Isku dhaca dhibaatada laba dhaqan oo si dadban iyo si toos ahba ugu xusan buugga Kaymadoow
  3. Qoraa, laashin, Cabdiraxiin Hilowle Galayr. Abwaan Galayr, xagga qoraalka waa seddex dhal, wuxuuna qoray seddaxda dhigane ee kala ah: Deelleyda qarniga iyo diiwaanka nabadda oo ay wada qoreen abwaan: Bashiir M. Xersi. Dhiganaha: Noloshii Sillooneyd iyo dhiganaha kale ee dabshidkaan 2021 ay ku af-billaabatay madbacadda LAASHIN. Lana yiraahdo: GARBADUUD. Haddana, inqaastu farihiisa kama engegin weli ee dhiganyaal kale ayuu nudid iyo nikaxid ku hayaa. Abwaan Galayr, wuxuu si togan uga faallooday: ”Sammafalka iyo bulshada xariirka ka dhaxeeya”.
  4. Qoraa Ibraahim Cismaan Afrax ”Ibraahim Nolosha”. Qoraaga da’da yar, qoraa ”Ibraahim Nolosha”. Waa xoghaayaha guud ee ururka LAASHIN, sidoo kalena, waa wakiilka guud ee LAASHIN waddankeenna hooyo ee soomaaliya. Waa farshaxameyste faraha looga gubtay. Waa naqshadeeyaha dhammaan jaldiyada dhiganayaasha ay madbcadda LAASHIN soo saarto ee indho-daraandarka ah. Xagga qoraalka wuxuu Ibraahim yare, ku fargooyey ama uu ku curtay dhiganaha: JAMASHADA HAWEENKA. Haddana waxa daabacaad suge ah dhigane kale oo la magac baxay: MIID. Qoraa Ibraahim Nolosha wuxuu is dultaagay: Farriinta uu gudbinayo dhiganaha KAYMADOOW, taas oo run ahaantii aad looga maqsuuday habka farshaxanka leh ee uu usoo bandhigay fikirkii uga baxay aqrinta dhiganaha Kaymadoow.
  5. Waxa kale oo madasha joogay, isla markaana falanqeynta daah-rogay, guddoomiyaha guud ee LAASHIN, Qoraa, barbaariye Xuseen M. Cabdulle ”Wadaaad. Qoraa Xuseen Wadaad, waa guddoomiya LAASHIN, sidoo kalena wuxuu macallin ka yahay dalka Iswiidhan, wuxuuna dugsiyada dadka waaweyn ee waddanka Iswiidhan ka dhigaa, dhaqanka, is-dhexgalka iyo cilmiga bulshada. Sidoo kale waa qoraa soo saaray laba dhigane. Labadaas dhigane oo la kala yiraahdo: GODOB IYO GALLAD, LAABTA KA SOCO (Dareen iyo Garasho) oo maalmaha soo aaddan soo bixidoona. Sidoo kale guddoomiye Wadaad sida xeerka LAASHIN uu dhigayo, madasha asiga ayaa soo xiray. Intaas dabadeed, waxa si aan hagrasho laheyn u dulmaray dhiganaha Kaymadoow, qoraaga dhigay buugga: Cabdullaahi Macallin Maxamuud ”Cabdullaahi Siyaasi”.

Waa kuma qoraa Cabdullaahi Macallin Maxamuud?

Qoraa Cabdullaahi Macallin Maxamuud ”Cabdullaahi Siyaasi”. Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, gugii la magac baxay; shin-koombe. 1956-dii. Qoraa Cabdullaahi waa waayo-arag usoo joogay is rogrogga dhacdooyinka waayihii soo maray dalka iyo dadka soomaaliyeed. Qoraa Cabdullaahi waxbarashadiisa hoose dhexe wuxuu ku soo qaatay, dugsiga hoose-dhexe ee Shibis. Waxbarashadiisa dugsiga sarena wuxuu ku qaatay dugsiga sare ee isgaarsiinta qaranka (National telecommunication institute) dabshidkii 1977-dii. Qoraa Cabdullaahi wuxuu isla dugsigaas ku qaatay tababbar laba sano ah uuna ku qaatay: Diplom semi-eng ama telecommunication technician.

Qoraa Cabdullaahi wuxuu ku hadlaa luqadaha Ingiriiska iyo carabiga. Wuxuu 1980-kii shaqo ka billaabay wasaaraddii boostada iyo isgaarsiinta qaranaka, isla sannadkaas 1980-ki qoraa Cabdullaahi waxaa shaqo loogu diray saldhigga dayax-gacmeedka ee degmada KAARAAN (KAARAAN 1 SATELLITE EARTH STATION), kuna yiillay xaafadda Arjatiin ee degmada KAARAAN. Qoraa Cabdullaahi waxa kale oo uu ahaa: garsoore kubadda kolayga sannadihii 1978-1981-dii. Qoraa Cabdullaahi wuxuu gugii 1981-dhammaadkeeda u guuray dalka Sacuudi Carabiya oo uu isla xilligaan ku noolyahay.

1986 ilaa 2012-dii wuxuu u shaqeynayay shirkadda: Consultancy and researching center, wuxuuna shirkaddaas ka ahaa: excutive retail auditor. 2012 ilaa 2016-dii wuxuu u shaqeynayay shirkad kale oo ka ganacsata tiknoolajiyada casriga ah, wuxuuna shirkaddaas u ahaa suuq-geeye. 2017 ilaa imminkaanna wuxuu ka shaqeeyaa warshad soo saarta TIMIRTA qeyb budo ah (bowder) kareem iyo malmalaaddo. Qoraa Cabdullaahi iyo qoyskiisuba waxay ku noolyihiin dalka Sacuudi Carabiya, gaar ahaan gobalka AL-QAASIM degmo ka mid ah lana yiraahdo: CUNAZAH. Qoraa Cabdullaahi Siyaasi, wuxuu qoray dhiganaha KAYMADOOW iyo dhigane kale oo maalmaha soo aaddan soo bixi-doona haddii Eebbe idmo, lana yiraahdo: ”FELEG IYO FAAL”. Qoraa Cabdullaahi, wuxuu si waadax ah u bidhaamiyay, sababihii ku dhaliyey dhigaalidda dhacdada Kaymadoow iyo farriimaha uu buuggu gaarsiinayo bulshada soomaaliyeed.

Madasha waxa xariirinayay qoraa Xasan Shiribmaal, isla markaana si milgo iyo maamuus leh u hoggaamiyey. Run ahaantii waxay aheyd falanqeyn si heersare ah loo soo agaasimay, si dhab ahna loogu lafoguray buugga Kaymadoow iyo qisada ku dhigan oo ah mid soo jiidasho gaar ahaaneed leh, isla markaana bulshada u gudbineysa farriimooyin tiro-beel ah. Sida: Felegga, faalka, sixirka, aaminaadda quraafaadka IWM.

Sidoo kale waxa madasha ka hadlay qorayaal tirobadan. Sida: Abwaan Bashiir M. Xersi, qoraa Boodhari Warsame, qoraa Muxyaddiin Xuseen Ciid, Qoraa Suldaan Geryare, laashin Xasan Abuukar Calasoow ”Abaaji” qoraa, siyaasi, Yaasiin Maaxi Macallin IKK.

Waxay aheyd madal ay bulshada soomaaliyeed ee joogtay ay ka kororsatay cilmi iyo aqoon-badan, isla markaana ay fikrad dhab ah ka qaateen dhiganaha Kaymadoow iyo farriimaha uu bulshada soomaaliyeed gaarsiinayo. Amaal Aadan oo ka mid aheyd dadka madasha ka hadlay ayaa tiri: ”Wax fikrad ah kama heysan dhiganha Kaymadoow, balse, hadda wixii ka dambeeya waxa uu ii yahay qabyo, maxaa yeelay, waxa aan si dhab ah uga bogtay farriimaha uu xambaarsan-yahay”.

Falanqeyntaas waxa qabatay bahda LAASHIN, isla markaana bahda LAASHIN oo isku duubani, waxay qof walba oo ka qeyb-qaadatay bandhiggaas uga mahadcelinaysaa waqtigi iyo cilmigii ay usoo hurtay, gaarsiinta bulshada soomaaliyeed.

W/D: LAASHIN, hoyga raadraaca, dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta Soomaaliyeed

NAGA LA SOO XARIIR:

Admin@laashin.com

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.