Falanqeynta Dhiganaha Noloshii Sillooneyd W/Q: Dr Zedra Sheekh

 

Buuggan ama dhiganahan magaciisu yahay NOLOSHII SILLOONAYD, waa buug koobsanaya dareemo fara badan iyo waayaha nolosha oo dhan, kuwaasoo ka dhasha duruufaha iyo dhacdooyinka aadamaha soo mara.

Waa buug sawir buuxa kaa siinaya dhibaatooyin la soo maray oo marag iyo markhaatiba laga yahay, kuwaasoo intii goob jooga u ahayd xasuustooda dib u carinaysa, sidoo kalena muuqaal iyo aragtina ka siinaya qof kasta oo sheeko ku maqlay hallaagii iyo habqankii laga dhaxlay colaadihii iyo burburkii dawladnimada.

Buuggani wuxuu xanbaarsan yahay xog ka ballaadhan inta la malayn karo, waxaanna  laga dheehan farshaxanimo afeed iyo hab qoraal miisaaman oo xanaf iyo turxaanba laga ilaaliyay, kaa soo jiilka cusub dhaxal waara u ah una jihaynaya weelaynta iyo fahanka ereyo facooda ku aroora oo ay si fudud u fahmi karaan una adeegsan karaan si la jaaqaadaysa waayahooda curineed.

Marka laga tago falanqaynta iyo sida buuggan looga faallooday ee ay qaybo ka mid ah qalinlayda la majeerto inoogusoo gudbiyeen dulucda ay gorfeeyeen, haddana waxa xusid mudan inay jirto kaalin hore loo gabay oo uu ku dhiiraday qoraaga buuggani taasoo ah inaan hore looga qorin buug ku suntan dhacdooyinka gaar u iftiiminaya nolosha qarsoon ee darbijiifka oo ah xaalad ilaa hadda jirta oo bulsho badani la nooshahay inta badana ay indhaha ka laliyeen qorayaasha soomaaliyeed.

Buuggan sheekooyinka ku jira iyo magaciisa markaad isu eegto wuxuu noqonayaa mid si habboon laysula helay oo isku quman isuna qeexay si aan qallooc iyo qawad toona lahayn.

Qormooyinka miisaanka leh ee buuggan dhex qotoma markaad ka qiyaas qaadato cabirka farriimaha ay xanbaarsan yihiin waxaad si qudh iyo maan ah ugu qancaysaa inuu yahay buug culayskiisa leh oo bulshada ku wacyi gelinaya ka fogaanshaha naxariis darrada iyo tudhaale la’aanta si loo baajiyo quusta iyo dhaqanada kala qoqobnaanta dhaliya.

Si guud markaynu u falanqayno buuggan waxa aynu la kulmi doonaa hawaale kala duwan iyo dhacdooyin  isku maran oo hirar kala fog oo isku lammaan hummaag ahaan, dareen ahaana la falgala maankeena. Si gaar ah buuggu wuxu u taabanayaa dhibaatada ay leedahay nolosha silloon ee darbijiifnimada, waalid la’aanta iyo dheeliga nololeed ee ay la kulmaan dhallaanka aan helin naxariis bulsheed taas oo ay ku lammaantahay gabboodfalo waawayn oo ay keenaan doorasho la’aanta qasabka ah ee lagula kaco xoriyada qofku wax dooran karo waxna ku diidi karo.

Samatar yare waa mid ka mida dhibanayaasha buuggu sida aadka ugu talaxtegay waxa aanu waalidkii iyo walaaladiiba ku waayay dagaalladii iyo colaadihi sokeeye dalka ka dhacay horaantii sagaashaneeyadii, wuxuu soo arkay mugdiga iyo murugada waalid la’aanta, waxa uuna ku dhashay tuulada GEED GAAB xilli naanaystiisu ahay xiligii DANBAR DHIIG. saddex jir ayuu ahaa markii uu dagaal, qax agoonimo iyo rajaynimaba la kulmay, dhimashadii ayaydii ka dibna isagoon dhar wadan ayuu magaalada galay. Shan sano ayuu jiray markii uu bulshadiisa ka waayay cid u gargaarta ee uu darbijiifka noqday, sidaasay weliba dad badani ku digan jireen marka la arko isagoo meelaha cuntada lagu daadiyo iyo maqaaxiyaha reeb reebkooda leef leefaya.

Samatar yare oo qudha maaha inta sidan oo kale ku noole ee waxa jira boqolaal kale oo la jaal iyo jeesba ah, oo aan weligood arag farxad iyo yididiilo aqoonna aan u lahayn hilowga iyo kalgacaylka waalidnimo.

Markale buuggu wuxu ina tusayaa xad gudubyada soo jireenka ah ee ay haweenku qabaan iyo sida ay nolosha hooyadu noqoto burburka qoyska ka bacdi.
Hooyo Dheeg waa hooyo haysata wiil yar oo aabbihii dhalay ku dayacay haddana ku furay oo ay dantu biday inay ka dhaqaaqdo gurigii ay deganayd shan iyo toban sannadood una socdaashay dhankii uu ka xigay xigaalkeed, iyada oo aanu jirin wax ay kala timid gurigii lagu qabay ama looba oggolayn inay wax ka qaadato isla markaana aanu jirin wax kale oo kaga sii horreeya meesha ay ku socoto ama usii diyaarsani. Dhaqanka caynkan ahi waa  hagardaamooyin dhaqan bulsho ee qoraaga  buuggu bulshada  ka wacyigelinayo, si loogu  baraarugana farta ku godayo.

Hooyo Dheeg oo illaahay xaalkeeda ogyahay ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee Samatar yare dhibkiisa dareentay daqiiqadihii koobnaa ee ay wada kulmeen. Arrintani waxa ay caddayn buuxda u tahay in dadka dhibaataysan uu jiro dareen mideeya oo ay si fudud isu fahmi karaan dhibanayaashu, taaso macnaheedu yahay in dadka duruufaysani ka naxariis badan yihiin kuwa ladan balse aanay hayn tamar ay wax ku caawiyaan, waa sababta ay Hooyo Dheeg Samatar yare qalbiga uga tidhi“haddaan deganaan lahaa waxbaan kuu qaban lahaa balse maanta waxba kuuma qaban karee illaahay ha ku siiyo cid kuu beddesha Hooyadaa iyo waalidkaa”. Hooyo Dheeg waxay ka naxariis badnayd Eedo Waris oo Samatar yare Ayeeydii caanaha u keeni jirtay oo markii uu la kulmay isagoo darbijiif ah ee uu ugu dhawaaqay magaceeda si gacaltooyo ah, iyaduna ugu jawaabtay“ Maantay iigu darnayd oo ay gudaafadlayaashii iyo dibjirtiina magacayga barteen
Buugu waxa kale oo uu ina fahansiinayaa inaanu qofna dooran nolol silic ah oo uu ku faraxsanyahay inuu gudaafad, qashin ama  dhexdii hoy gabaad ka dhigto ee ay duruuftu halkaa gaysay sidaana uu ku waynaaday oo kula qabsaday noloshaa qalafsan ee lagu caayayo, tani waa mid uu ku mutaystay qadar alle iyo garab la’aan macnaheeduna maaha in aanu dareen lahayn ee waxa dhacda in dadka caynkaas ahi ka fiicnaan karaan kuwo la koolkooliyo guryo ladan kasoo toosa.

Buuggu wuxu si qoto dheer inoo barayaa habdhaqanka liita iyo fikirka qaldan ee laga aaminsanyahay dad ay dantu ciishay oo waayay taageero bulsheed halkii laga soo dhawayn lahaana la fogeeyay, oo daryeel xumo iyo baahiyo gaara la nool balse aan lagu baraarugsanayn dhibaatooyinka ka iman karta markay koraan ee ay qalooca ku ababaan

Markale buugu wuxuu inoo tilmaamayaa siyaabaha wanaagsan ee loo jiheeyo dhalaanka waalid la’aanta ah ee looga caawiyo dhinacyada kala duwan ee nolosha.

Jilayaasha sheekada ku jira oo ah kuwo ay midaysay xaalado isu dhawdhaw oo waalid la’aantu ugu horayso ayuu buugu farta inoogu tilmaamayaa siyaabihii ay ku midoobeen ee ay wehelka ku noqdeen, marka laga tago Samatar yare oo aynu kor kusoo xusnay Hanad, Dooli, iyo Dalmarba waa dhallinta ku koray derbiyada ee dhaxanta iyo qabowga aan meel kale ka gelin ee dooxyada iyo meelaha daran gaajada la seexda.

Ilbir, caasha kayf iyo sareedo maaha sida kuwa aynu soo sheegnay ee gaajada iyo qadoodiga la nool balse noloshaa si kale u ciishay oo dhibane ka dhigtay waana meelaha ugu dulucda fog ee uu qoraaga buuggu xooga saaray.

Buuggu wuxu si toolmoon inoo barayaa waxyaaba aan qalbiga u fiicnay iyo magacyada bahdilka ah ee lagula kaco qof ay bulshadiisu hagratay inay yihiin sifo aan la mahadin oo ay tahay in ficil iyo wanaag lagu toosiyo halkii lasii beeri lahaa hagardaamo kale oo jiilaalka danbe aafaysa.

Buuggu wuxu taabanayaa jiha kasta oo ka mida deegaanadii colaadaha sokeeye iyo dagaaladu hadheeyeen isagoon cidna farta ku godayn balse inoo kor xaadinaya taariikhdii la soo maray ee ay dad badani xasuustaan.

Hab qoraalka buugga waxa ka muuqata gobonnimo inteeda le`eg oo ka madhan qabiil weerar iyo qolo sheeg intaba waana mid badhaxtiran oo aan qof iyo cid gooniya toona lagu magac dhabin, balse ah farshaxan aslan oo jiliinkiisu maangal yahay kaa soo cid kasta oo akhrida u noqonaya iftiimin iyo ogaal aqooni uga kordhayso.

Buuggani wuxu si guud iyo si gaar ahba u anfacayaa faca cusub ee hadda nool, waxa aanu falsafad ahaan ka caawinayaa fahanka erey dhismeedka iyo isku soohida hummaagyada curintu ku aroorto.

Ugu danbayn waxaan u mahadcelinayaa qoraaga buugan oo xil wayn iska saaray hirgelintiisa iyo soo gudbintiisaba waxaanan ku dhiiragelinayaa qalinlayda kale inay sidan oo kale ugu dhiiradaan meelaha dihin ee u baahan in waaya waran bulsheed laga alifo.

W/Q: Dr Zedra Sheikh

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.