Falanqeynta Laabta ka soco W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Falanqeynta Laabta ka soco

Bariidin

waxa aan halkan ku soo bandhigayaa   falanqeynta, lafa gurka,  gorfeynta iyo baalal roga dhiganaha Laabta ka soco ee uu qoray Guddoomiyaha Hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta ee Laashin Mudane Xuseen Maxamed Cabdulle( Xuseen Wadaad). Waxaa soo saartay Aslida Laashin. Dhiganaha Laabta ka soco waa  19 Hormo, waxa uuna ka kooban yahay 150 bog ama 75 baal, intaasi waa warbixinta guud ee dhiganaha Laabta ka soco.

Marka aad minan ama guri timaad waxaa laga galaa, kadinka, irida ama Afaafka hore, guri walbaana waxaa uu leeyahay fool iyo muuqaal uu kaga duwan yahay kuwa kale,  haddaba inta aynaan gudaha u gelin dhiganaha, waxaa aan rabaa inaan ka billowno Afaafka hore si innaga oo hubna halka aan u socono aynu gudaha u galno.

Magaca iyo Galka dhiganaha

 Aan ka bilaabo dusha sare iyo dahaarka dhiganaha ama galkiisa. Waxaa ku aslan muuq muuinaya Cadceed soo bax amaba gabbaldhac iyo biyo.

Marka koowaad goobta muuqaalka sare lagu xardhay waa goobaha jiraalka iyo deegaanta cuddoon ee  dadka hal abuurka leh, wax curiya ay inta badan ugu jecel yihiin in ay ammin ku qaataan dareenkoodana ku xasiliyaan, marka ay maaminta iyo maamuurinta wadaan.

Geela ama noolaha aan dhaqano ayaa marka  sedkoodu go’ waa la ilaaliyaa, waayo waa fool baxsadaan, waxa ayna intooda badan jecel yihiin  meel cidla ah oo  aan laga dhaweyn, si rafashadooda iyo taahooda aan mindhaa loo maqan.

Dadka hal abuurka ahna, mararka qaarkood waxaa u dhaqan ah, kelinimada iyo in ay tagaan goobaaha deegaanka iyo muuqaalka wanaagsan si ay dareenkooda u xasiliyaan, si qotodheerna  hal abuurkooda ugu lafa guraan.

 Isla Dahaadhka ayaa muujinaya Iftiin ka imanaya libdhada oo soo baxaysa, waanna midka noolaha oo dhami sugo, si ay danahooda maalmeed u gutaan ama waa Gabbal sii dhacaya sii dhacaya waanna marka noolaha oo dhami isu diyaariyo nasiinada iyo bajiimada.

Iftiinku waa mid aadanuhu la’aantiis ay noloshiisu adag tahay, aysana ka marmaarmin hadh iyo habeen. Dhanka kale aqoonta ayaa lagu naanaysaa iftiin lagaga baxo mugdiga aqoondarrada iyo agnaanimada. Biyuhu iyaga oo dhan kasta nolosha ka saameeya ayay haddana yihiin kuwa qayb ka qaata kaalinta socdaalka nololeed oo bad, webi iyo laagba waa ku socdaalnaa waanna il dhaqaale. Marka galku waxa uu keligiis wataa farriimo badan oo u baahan in qofku  maan fayoow ku dheehdo si qummana ugu dhugto.

Halkudhega iyo magaca dhiganaha

Weli afaafkii hore ayaan joognaa, waxaa ay soomaalidu ku maahmaahdaa“ Aragiisa ku deeqa oontiisu ku deeqda”  Magacdhawga, dhigane, goob ganacsi, cashar ama halkudheg aqooneed, waa halka ugu horreysa ee aad ka helayso, dulucda iyo ogaalka waxaa la magac dhabay.Haddaba  qoraaga ayaa waxaa uu halkudhega koowaadba ka dhigay ” Laabta ka soco”  waxaa uuna ku ladhay “Dareen iyo garasho.

Laabta ka soco Waa eray xambaarsan farriin mug weyn, oo sidee laabta uga soconaa? Haddii aan is weydiino,Muxuuse ku doortey qoraagu laabta.Waxa uu qoraagu inoo raaciyey in qaab dareen leh, garashona ku lammaantahay  in aan laabta uga socono.

Dareenku waa jaadad badan yahay, waa tan la yidhaahdo” Ishu iyada oo aan arag waxa ku soo socda ayay isa sii qabataa, waanna dareenka awoodda leh ee Eebbe siiyey. Garashaduna waa mid Eebbe qofka deeq u siiyo inkastoo aan laga sineyn garaadka, haddana qof kasta oo xiskiisu joogo, garaad waa leeyahay, haddii uu adeegsadona hubaashi guul buu ka gaadha.

Qoraagu waxa uu yidhi” Laabta ka soco, ujeedka iyo dulucda halkudhiga koowaad ayaa ah mid ashqaraar leh. Maxaa yeelay Laabta iyo kashu waa hagaha ama jiheeyaha qofka,Laabtu waa halka qofku ka dareemo, Riyaaqa iyo obsiga,murugada,tiiraanyada, werwerka, cabsida ama baqdinta, kalgacalka, hilowga iwm.

Laabta waxa quraanka lagu xusay in ka badan Afartan meelood, waxaanna halkaas nooga cad in halka aadanaha laga hagaa tahay Laabta. Waa ta nebi Muxammadna NNKH Eebbe weynaaye ugu mano sheeganayo“ Alam nashrax laka sadrak. ألم نشرح لك صدرك

Dhanka kalena waa ka Nebi Muuse NNKH, isaguna Eebbe ka baryayo. رب اشرح لي صدري ويسر لي امري

Suugaantu maxay ka tidhi erayga Laabta

Dhanka suugaanta soomaaliyeed, waxa aad arkaysaa in laabtu tahay meesha aadanuhu dhammaan go’aamada ka qaato. Tusaale

Kal laxiiba baan leeyahiyo, Laabta xuunshada

(Abwaan Mxamed Nuur Fadal) Abwaanka ayaa waxaa  uu hummaag ka dhigtay xuunshada, laabteeda oo aad u dhaqdhaqaaq badan sida uu u laab jilicsan yahay una naxariis badan yahay .

Dhanka kale waa kii lahaa Abwaan Faarax Nuur oo tolkiis gubaabinayaa, dhiirigelin iyo dareen dhisna u sameynaya

” Lix halkaa ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada

Luquntana haddii laydin jaro lugaha meermeersha

Laqantooyo kaagama dartee laliya duulaanka

Laarrigana ha daynina wixii lumaya yeelkiiye” Abwaan Faarax Nuur”

 Heesta caan baxday ee Abwaan, Hoobal  Cabdullaahi Yuusuf (Hanuuniye) waa kii lahaa

Kaa doortey qayrkaa

Laabteydaan kugu qorey

Ila qaybso noloshoo

Kalgacaylka ila qabo.

Maahmaah Laabta ku saabsan haddaan hal iyo laba innaga xasuusiyona waxaa ka mid ah.

  1. Fal aan laabta jirin iyo furuhu waa is diidaan”
  2. Laabi laba u la’

Halqabsiyada muujinaya muga laabta ee aan maalinlaha u adeegsano waxaa ka mid ah           ” Laabla kac, Laabi ka jarid, Laab ku hayn, Laab doox, Laab ku qabasho, Laab gelin. IQB.

Haddaan intaas uga gudbo, magaca muga culus ee dhiganaha oo isaga keligiis haddii Jimmeeye la saaro aan laga gayooneyn.

Dhiganaha ayaa ah mid xambaarsan wacyi iyo jiraal badan oo lagu hogga tusmaynayo bulshada.Qoraaga ayaa waxa uu la hadlayaa qof iyo kooxba qaabkii iyo sida habboon ee nolosha iyo waayaheeda loo maamin lahaa.Dhiganaha ayaa qoraagu isku dul taagay, arrimo badan oo nolosha aadanaha lagama maarmaan u ah.Qoraaga ayaa si hufan waxa uu ugu saleeyay aragtidiisa, mid uu saldhig uga dhigay saddex arrimood.

Qaab aqooneysan oo ogaalka aadanaha iyo waayo aragnimo xambaarsan, waxa uuna marag fur uga dhigay, hab dhaqankeena bulsho, sheeko xariir iyo suugaan barraadka iyo garaadka si weyn u dhisaya.

Dhanka kale waxa uu marag fur uga dhigay qodob walba caddeymo, dhanka diinta ah oo uu cuskaday.Aqoon, dhaqan iyo diini waa saddex lagama maarmaan u ah nolosha.

Waa cutubyo isku xidhan oo mid weliba kuu tilmaamayo midka kale isaga oo kii horena farta kuugu fiiqaya kan ku xiga, kan xigaana u marag furayo kan ka horreeyey.Waa dhigane aqooneed oo dhan walba oo nolosha ah is dultaag ku sameeyey.

Cutubyada xiisaha leh, ee  aniga i soo jiitay waxaa ka mid ah

  1. Dad baahan iyo dal hodan ah
  2. Afka hooyo iyo dhulka Aabbe
  3. Raad Arooryaad

19ka Cutub mid  weliba xiisihiisa iyo xalladiisa ayuu leeyahay, waxaanna aad ka dhex dheehan kartaa,  waayo aragnimada qotoda dheer iyo bulsho aqoonka Qoraaga u leeyhaay dadkiisa iyo dalkiisa.

Mahadsanidiin.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN