FALSAMADA QORAAGA W/Q: Caliqeyr M. Nuur

FALSAMADA QORAAGA W/Q: Caliqeyr M. Nuur

Danta qormadan gaabani waa in ay kormarto ujeedka erayada qoraal iyo far. Dhanka kale waxay ka tilmaamaysaa tiirarka aasaaska u ah qoraalka wanaagsan.

Salka erayada qoraa iyo qoraal waa ‘qor’ isaga ayeyna ka tarmaan magacyada iyo falalka la xiriira oo dhan sida qori, qormo, qoraal, qorid, qoraar iwm. Billowgii hore ‘qoraal’ wuxuu ku koobnaa qormada geedaha iyo dhagaxa ee laga dhigayo walax, weel ama astaan farriin gudbinayso.

Dadyowgii hore, sida reer Saamir (Sumerian), Reer Akad, Reer Fircoon iyo weliba awoowayaashii Soomaalida ayaa badankoodu xogta ku gudbin jiray qormada dhirta iyo dhagaxa. Eraygani wuxuu kulminayaa qormada weelasha, muuqaallada noolaha, qalabka iyo astaamaha farriinta ah ee hadalka u taagan.

Marka uu arrinku yahay war lagu muujinayo dhul ama geedka dushiisa waa la feraa meeshaas. Feritaanku waa god ama jeexdin laga qodo oogo siman. Soomaalida degta dhulka waqooyiga ka xiga gobalka Hiiraan waxay yiraahdaan ‘far’ halka kuwa koofur ka xiga ay yiraahdaan ‘fer’. Meesha feran wixii sii fera waa feranfer (feran-fer), afguriga waqooyigana wuxuu ku noqonayaa ‘faranfar’. Kaasi waa magaca ay labada deegaan u kala yaqaannaan noole doolliga ku bah ah oo dhulka fera. Sidoo kale erayga ‘far’ marka uu yahay mid ka mid ah shanta xubnood (fardhaxo, faryaro iwm) ee calaacasha ka baxa waxaa loola jeedaa in xubnahaasi yihiin kuwa wax lagu fero, dhulka faro looga jeexo ama lagu farto wax meel ku jira. Sidaas awgeed, wax kasta ee la qoraba waa in la faraa ama la feraa waana sababta aan si isku dhow ugu adeegsanno erayada ‘qoraal’ iyo ‘far’ marka aan sheegeyno xog lagu gudbinayo astaan muuqata.

Astaamaha lagu muujiyo midabka waxay Soomaalida miyigu tiraa ‘adeen.’ Ma aha adeentu far la jeexay ama dillaacyo la qoray balse waa midab xog gudbinaya oo lagu dhigay meel; waa sida warka buugta lagu dhigo oo kale, balse, haddii loo laabto ujeedkii hore, saddexdaan eray (far, qor iyo adeen) mid kastaba wuxuu tilmaamayaa hab ay Soomaalidu xogta iskugu gudbin jirtay. Haa, waa la oran karaa ‘adeen’ ayaa ah erayga sheegaya habka aan maanta isku weydaarsanno xogta qalinka lagu dhigo. Waxaase mudnaan leh hadba erayga la isku raacsan yahay ee la wada yaqaan.

Qofka dhirta iyo dhagaxa qora waxaa la yiraa sarmale. Qofka adeenta (xarfaha erayga u taagan) xardhana waa adeenti. Haddaba, sarmalaha iyo adeentiga wanaagsan arrimaha falkooda qurxiya waxaa ugu horreeya waaya-aragnimada. Waa qof keni hawshan isu diyaarinayey, tamar iyo waayo badanna geliyey. Ogaal ayuu u yeeshay arrimaha sida dadban ama tooska ah ula xiriira waxa uu qabanayo. Sidaas darteed, waa uu ka fal qurxan yahay cid kasta oo iska soo gasha goobta iyada oo aan xirfad taransan.

Danaynta aadka ah ayaa iyaduna qurxisa dhurta qoraaga. Waa qof xilkas ah, dan wanaagsanna ka leh xogta uu baahinayo. Markii hore ayuuba toosnaa oo maba galo hawl aanay dani ugu jirin isaga iyo uumanka kale. Wuxuu u hedladaa oo qura in uu wax san soo kordhinayo, in uu wax jiray sii wanaajinayo ama in uu wax xun reebayo.

Xiriirka ugu wanaagsan ee dadku waa hadalka tooska ah, maqalka iyo muuqaalka. Astaamaha qoraalka ahina waxay iskugu tegayaan heer ka liita hadalka codka ah balse way ka raagi og yihiin. Sidaas darteed, mar kastaba habkaan dambe waxaa lama-huraan u ah kabitaan dheeri ah si loola simo tayada hadalka tooska ah. Si uu qoraagu u hagaajiyo liidnimadaas xiriirka qoraalka ku salaysan wuxuu kaashadaa waaya-aragnimo, danayn, aqoon iyo xilkasnimo. Afartaas qodobi waxay iinta ka dhowraan falsamada qoraaga.

Erayfur

Fer –id (f). Jeexdimo lagu dhigo geedaha iyo oogada dhulka. Falka feridda ama far-jeexa ah.

Qor –id (f). Qoritaan geed ama dhagax laga samaynayo shay ama astaan farriin gudbinaysa.

Adeen –ti (m/f) Astaamo farriin ah oo midab lagu muujiyo. Wax kasta oo khad ama midab lagu dhigo balse ay ujeeddo ka dambayso.

W/Q: Caliqeyr M. Nuur

Caliqeeyr@gmail.com

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN