Farriin ku socota Qubuuraha!! (Sheeko curis ah)

10672300_634722843313928_1169928553380477306_n

 

Farriin ku socota Qubuuraha!! (Sheeko curis ah)

 

Sida caadada ii ahaydba markuu waagii soo dillaacay ayaan gurigeyga kasoo tallaab qaaday anigoo usoo gucleynaya goobtii Shaqadeyda .

 

Maalintu waxbana iigama duwana maalmaha kale, waa un sidii xaalku horaba iigu ahaa. Waxaan joogaa Geyi ay laba cadaawo oo arxan laawayaal ahi had iyo goorba dadka u gaatamayaan si ay gacanta ugusoo dhigaan, dadkuna ay geestooda baxsad ka yihiin labadaas cadaawo.

 

Labada cadaawo waa Gaajo iyo Guluf halkan aynu degannahay saldhigyo waa wayn ku leh. Ninkaan cago uu kaga cararo lahayn, cudud uu isaga celiyana lahayn, waa ciil-qabe aan cadkiisa dhacsan karin, calafkiisuna waa calaacal iyo inuu abidkiis cabaado.

 

Intaas anigoo maanka ku haya ayaan carar bilaabay si la mid ah sida aan subax kastaba yeelo. Dhabbaha markii aan cagta soo saaray oo aan in cabbaar ah socdo ayaa waxaa geeskeyga kasoo yeeray dhawaaq cod dheer ku baxaya oo igu leh “War hooy joogso. War hooy joogso!!”.

 

Halkan aan joogo kama sahlana in qof gadaal kaaga yeeray loo joogsado, oo dhaaxeey dad badani sidaas naftooda ku seegeen. Waayo meel kasta iyo mar kastaba waxaa dhulka meereystay dad geerida gacanta ku wada oo dad kale la goobaya, kuwaas bayna suurtagal tahay inay kuu yeeraan si ay kuu galaaftaan. Intaas anigooy iga dhaadhacsantahay ayaan dhagaha fureystay oo isaga aaamusay dhawaaqii isoo gaarayay. Hadana markaan tallaabo dhowr ah qaaday oo aanan wali fogaan ayuu mar kale isla dhawaaqii ii yeeray.

 

“Toloow Geeri kuu yeeran meyso intaasoo dhan oo iyadaaba kaa carar badanoo deg deg kugusoo gaari kartaye, bal eeg cidda kuu dhawaaqeyso, baleey qof wax kuu roon haya noqotaaye!!” sidaas ayaan nafteyda kula hadlay, durbana waxaan u jeestay halkii dhawaqa ka imaanayay, mise waa meel maran!!

 

Intaan xoogaa yar indhaha leex leexiyay oo dhinacyada eeg-eegay ayaa markaan qof ii muuqda waayay dib usoo qooraansaday halkii aan horayba ugu jiheysnaa ee aan u socday, anoonse tallaaba qaadin ayaa mar kale la dhawaaqay “Anigaa kula hadlay. Waa aniga. Soo eeg Gaariga jajaban ee dhinacaaga yaala. Gaarigaas ayaan ahaye ila hadal!!”. Markaan saa u eegay waaba Gaari kuwa dagaalka ah oo illaa iyo yaraanteyda yiilay halkan aan hadda taaganahay oo Wadada gurigeyga tagta ay ku taal.

 

Gaarigan waxaan xusuustaa innagoo ciyaal ah inaan ku dul dheeli jirnay. Waxaan xusuustaa inaan marka aanay dheeshu inoo wacneyn ee aan sheeko iyo nasasho rabno dushiisa ku fariisan jirnay oo halkaas ku sheekeysan jirnay. Waa mid ka mida muuqaalada aan Xaafaddan ku aqaan ee tilmaantaba u ahaa halkan. Qofkii aan Xaafadda deganayn ee loosoo tilmaamaya waxaa lagu oran jiray “Gaariga Kaaraha jajabay ah halka uu yaal imow!!”.

 

Waa aduunyo geddoon!! Sidaas bay dad badani dhahaan marka ay wax lala yaabo arkaan. Hadda waa geddiiye, gaari baa ila hadlaya oo waliba ii dhawaaqaya anigoo wadada maraya!! Muxuu iigu dhawaaqay oo uusan dadka kale ula hadlin. Ma aniguu gaar ii aqoonsaday maadaama aan sanado badan is arkeynay waaba hadduu wax arkayee? Mase qof kaloo wadada mareysuu arki waayay? Intaasba maskaxdeydaa is waydiisay intaanan jawaab siin ama war kale ka maqal Gaariga hadlaya.

Sidaas anigoo wali isula hadlaya ayuu mar kale yiri “Su’aal baan ku waydinayaa ee ma iiga jawaabi kartaa?”.

Eeen Walaal, Eeen maya Gaari haa I waydii haa!! Ayaan iri anigoo hadalka isku dardaraya oo cabsiduna i hareysay, dhididna jirkeyga kasoo wada faafay.

 

“Maantay maxay uga duwantahay maalmaha kale?” Gaarigii ayaa su’aashaas i waydiiyay.

 

Ma garan karo waxay uga duwantahay Maanta maalmihii kale. Abidkeyna maalin tu kale ka duwanba imasoo marin. Xaalkeyguna wuxuu intaan noolaaba u ekaa Filim qaab qura ku socda oo aan dhammaad lahayn, bilowgiisiina lasoo dhaafay. Gaajo dhac lagu daweeyo, Xaqdarro dulmi lagu daweeyo, Qilaaf dil lagu daweeyo, iyo wax kasta oo xumaan ah ayeey nolosheenu ku saleysneyd. Kaligey ayaan is waydiiyay bal waxa maanta ku duwantahay, jawaabtiisa igasoo daahday. Wuxuu daqiiqado ka dib Gaarigii hadlayay ogaaday inaan Jawaab heyn, markaasuu yiri:

 

“Maanta waa 21-ka Oktoober. Ma garanaysaa Maanta waxa ay tahay iyo wixii ay ahaan jirtay?”. Waa su’aal tii horaba kasii daran. Waxaanse ku ceyntay inaan Maalintaas horay u aqiinay oo taariikhdeeda sheekooyin ay Waalidka iyo waayeeladu isoo gaarsiiyeen aan ku helay. Haa, waan aqiinay oo dad hilow u qaba ayaa Sanad kastaba markii iyadoo kale ay timaado ka sheekeynteeda un qalbiga ku qabowsan jiray. Gaarigu wuu i xusuusiyay maalintan, intaanan aniga jawaabinna wuxuu raacsaday.

 

“Wallee Maanta halkan ma ooleen aniga haddii ay 21-ka Oktoober tii la yaqiin tahay”. Inta is dhiiriyay ayaan su’aal ku boobay “Oo sideed ahayd markaas, anugu adigoo sidan ka duwanba kuma arage?”.

 

Intaan qosol cod dheer oo dhulkoo dhan gilgilay maqlay oo aan naxay ayuu hadana yiri “Maxaad iga taqaanaa dee, ma inaan Gaariga jajaban ee aad ku dul dheel dheeli jirtay un ahaa abidkey ayaad mooddaa? War waxaan ahaa Cududdii dalkan cadawga ka dhicin jirtay. Waxaan ahaa tii maanta oo kale Aduunyada loogusoo bandhigi jiray jiritaanka iyo sareynta Soomaalinimada. Waxaan ahaa ta lagu cabsi galin jiray shisheeyaha soo damaaciya burburinta iyo ku tumashada qarankeenna. Bal maanta igu dul ciyaar adiga, ee wixii aan kuu qaban jiray cid kuu qabata soo sheeg?”.

 

Waan aamusay. Oo shisheeyaha sow kuwa hadda Gaarigan oo kale iyagoo leh na dhinac qaad qaada maaha? Sow kuwa Gaarigan oo halkan ku dac-dareysan kuwo isaga asaagiisa ah la dhinac mara maaha?. Malaha hadduu isagu soconayo oo dhulka ay iyagu marayaan marayo maanta mid kale looma baahdeen!! Malaha wax badanoo iyaga socodkoodu ku dheelay kuma dheelmeen haddii kan an innagu naqaan halkaas uu joogo!! Intaasba aniga maskaxdeyda ayeey ka dhex guuxeen mar qura!!

 

“Waayahayee Gaariyoow yaa halkan ku keenay hadaadan halkan ooli jirin?” ayaan su’aal caruurnimo iyo cilmi la’aani ka buuxdo ku waydiiyay mar kale.

 

“Waxaa i keenay mid Macawiis iyo Surwaal daba-gaaban wata oo aan wadisteyda aqoon u lahayn. Maalintii ugu horeysay ee uu Tuuladiisii uu abidkiis ku noolaa iyo Geeliisa kasoo dhaqaaqay ayuu Qasrigii aan anigu boqorka ku dhex ahaa soo galay, wuxuuna dan mooday inuu isoo kaxeeyo isagoon I geyin. Waana kan halka uu Qasrigaan qiimaha ku lahaa iigu bedelay, waa isaga iyo garashadiisa”.

 

Mar kaluu Gaarigii oo xusuus ciil iyo gocasho badan galay yiri “Isagii halkan I dhigay maanta anigaa dhaama oo wali raadkeygu dambeeya naf aan ku hadlana igu jirtaa. Isaga Saaka Dhulkan dusha ka saaranahay buu hoosta ugaga jiraa. Waa meyd. Waxbana meel ma dhigan”.

 

Indho iyo af toona ma leh oo waa Gaari. Waxaanse markan maqlay oohin xoog badan oo dhawaaq dheer. Waan ogaaday inuu ooynayo Gaariga. Waxaan ogaaday inuu xusuusta uu galay la ilmeynayo. Intaan aayar usoo dhawaaday ayaan hadal qalbi qaboojis ah ku iri “Gaariyoow wax kasta way hagaagi doonaane niyadda qayr u sheeg”.

 

Intuu yar aamusay ayuu yiri “Waxbana ma hagaagayaan anigaa hubo taas. Ee adigaa lugo aad ku socoto lehe, hadaad awood u leedahay ood Farriin qubuuraha xagooda iga gaarsiin karto, waxaad Jaalle Siyaad iyo intii la safneyd ee kuwii silacan I baday ay iyagana naftooda sababsadeen iga gaarsiisaa laba erey un..” halkaas markuu marinayo hadalka ayuu hakaday, wuxuuna cod dheer oo intii hore ka dheer, walibana iskusoo noqnoqonaya sidii hadal Cod-baahiye lagula qayliyay ku yiri:

1. Waa leydin dulmay ku dheh 2. Waana la idiin darsaday ku dheh!

 

Hadalkii baa joogsaday, goobtiina aamusnaan baa hareysay, intaan dhinacyada eeg eegay ayaan si degan u iri “Maxaa kugu dhacay ood la aamustay?”. Mase jawaabba ma leh. halkii ayaan isagasoo dhaqaaqay oo aan socodkeygii aduunyo raadinta ahaa kusii amba-qaaday.

Mahadsanidiin

 

Mohamed Abdullahi Abubakar (Dhaaley)

Mogadishu-Somalia

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

SHEEKOOYIN