FARXADDA QOFKA. W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

 

FARXADDA QOFKA

Raadinta la raadiyo farxadda Waddoyin badan ayaa loo soo kala maray, qof walbana si ayuu u raadshay Farxadda, balse waxaa is wadyiin mudan, maxay tahay farxadda uu sidaa Qof walba u baadi goobayo fahamka laga qabo micnhiisana mala isku waafaqsan yahay?

Su’aalahaas oo dhan waa kuwa jawaabtooda laga rabo qof walba oo farxad doon ah, sida saxda ahna mar walba waa lagu kala duwan yahay qaabka loo goobayo farxadda, ama macna ahaan sida loo kala qeexayo.

Nolosha sideedaba waa mid ka kooban laba dhinac, waa xilli aad faraxsantahay iyo xilli aadan faraxsanayn, dadkuse Farxadda baadi goobkeeda ayay mar walba ku mashquulsan yihiin, waad arki karaysaa in uu qof walba farxad goobayo, balse waa yartahay amaba ma jirto ayaa la oran karaa qof goobaya wax aan farxad ahayn.

Qeexidda marka laga hadlayo farxadda Nolosha qofka, waa mid dhinacyo badan yeelan karta, taas oo lagu saleeyo kala duwanaanshiyaheena, sida aan u kala duwanahay ayuu u kala duwanaan karaa qaabka aan wax u raadinayno iyo qaabka aan u rabnaba.

Marka laga hadlayo Farxad, Dadka qaar ayaa u yaqaana ama ay u tahay  in uu qofku helo wax walba uu doonayo, ayaga oo muhiimadda saara dhinac Shahwada, taas oo aanan Khalad lagu tilmaami Karin, maadama shahwada ay ka mid tahay dhinac Farxadda.

Dadka qaar ayaa raadiya Daganaan Qalbi, ayaga oo aysan jirin wax gaar ah oo bartilmaameed u noqon kara gaaritaankooda ah sidii ay farxad ku heli lahaayeen, hadaba dadka nuucaas ah waa kuwa muhiimaddooda koowaad siiya sidii ay u heli lahaayeen Daganaan Nafsaani ah, ayagana kuma Khaldana ayaa la oran karaa dhankaas maadaama dhinac ay farxadda ka fahmeen ay tahay dhinacaas, waana Farxad ayaa la oran karaa sida runta ah.

Dhinacyo kale ayaa jira ayagana oo baadi goobkooda ku saleeya Dhaqaale, ayaga oo aaminsan mar haddii ay dhaqaala helaan in wax walba  ay heli karaan, balse su’aashu waxay tahay dhaqaalaha ma keenaa Farxad Nololeed? mise wuxuu sii kordhiyaa Hammiga baadi goobka loogu jiro Farxadda?

Sida saxda ah dhaqalaha qayb wuu ka noqon karaa farxadda la baadi goobaya waasa marka sida saxda ah ee aan ku salaysnayn Xadgudubka loo isticmaalo, balse haddii si ka baxsan Xaddhaaf loo isticmaalo, markaas waxaa la oran karaa waa isla dhaqaalaha midka sii dheereeya Jidka aad u mari lahayd helitaanka farxadda ama gaaritaankeeda.

Farxadda qofka waa mid runtii si sahlan aan lagu heli Karin haddii qofku uusan lahayn Shuruuc ama Hadaf uu tiigsanayo, iska baadi goobka aan lahayn meel loogu hagaago waa mid laga sii qaado sii lumitaan kale oo ay adkaan karto in hadhow uu dib u helo Qofka dariiqii uu mar labaad kasoo bilaabi lahaa safarkiisa ku aaddan baadi goobka Farxadda.

Hadaba, aniga naftayda oo qayb ka ah dadka baadi goobayo Farxadda Nolosha Qofka ayaan waxaan jelcaan lahaa in aan idinla wadaago 4 Qodob oo aan is leeyahay waa u saldhig qofka baadi goobayo farxadda, haddii uu ku guul daraysto in uu afartaas qodob haleelana uu noqonayo qofkaas, Qof gabi ahaanba aan waxba ka  helin Halganka loogu jiro raadinta Farxadda.

Hadaba afartaas qodob ayaa waxay kala yihiin JACAYL, DAACADNIMO, RUNTA, IYO XUSHMADDA, waa fikikrayga iyo sida ay aniga ila tahay, waxna waa lagu dari karaa waxna waa laga reebi karaa, balse, waa sida  aan cabir ahaan helay, markii aan muddo baadi goob u galay helitaanka waxa saldhig u noqon kara helidda farxadda, hadaba waxaan jeclaan lahaa in aan si faah faahsan u qaadi dhigo afartaas qodob ee aan idiin calaameeyay .

1 JACAYL: jacaylka waa qodobka ugu horeeya ee aan u doortay in uu noqdo saldhiga farxadda qofka, jacaylka sidiisaba macna ahana marka kor laga eego wuxuu daboolayaa wax badan oo ku aaddan Baahida Qofka, inkastoo macna ahaan dhinacya badan loo nisbayn karo, hadana jacaylka aan ka hadlayo waa midka la doonayo in uu qofku calooshiisa uga faarujiyo Xasadka iyo Cuqdadda ku kalifi karta in uu noqdo Qof mar walba aan naxariis lahayn.

Jacaylka nuuca uu doono ha noqdo waa md farxad keena, qofka haddii uusan haysan jacayl waxaa la oran karaa wax badan ayaa ka maqan, sababta aan u doortayna waxay tahay in dareenka qofka ee naxariistiisa uu qayb wayn ku leeyahay Jacaylka, dhinaca la rabo haloo nisbeeyo jacaylka, muhiimadda waa in qofku uu wax jeclaadaa ama la jecalaada, labadaas dhinacba waxay gacan ka gaystaan in qofku Raxmad helo ama uu u raxmado Dadka kale, sidaas darteed qofka haysta jacaylka wuxuu helay ayaa la oran karaa Waddada ugu horayso oo uu ku gaari lahaa Faraxadda Nolosha Qofka.

2 DAACADNIMADA:  daacad in naloo ahaado waanu wada jecelanahay, ma jeclin in nala meer meeriyo ama naloo sheego Been iyo wax kasta oo lugooyada Nolosha ah, hadaba daacadnimada waa u muhiim qaabkeena Nolosha, haddii uusan qofku waxba aamini Karin isagana kaligiis wax uu qaban karo ma jirto, maxaa yeelay, Nolosha Aadanaha ama Bulshada markaas wada nool waa mid isku xiran, haddii aysan is aaminaad jirin ma jirayso nolol horumar leh, sidaa darteed in qofku uu daacad u ahaado dadka uu ku dhex noolyahay ayagana sidoo kale ay daacad isku ahaadaan waa u mihiim qiimaha faraxadda aan ka hadlayno.

Qofka mar walba haddii uu la kulmayo lugooyo ama is daba mari, waxaa dhimanaya Hanka uu u qabo in uu Horumar ama farxad gaaro, maxaa yeelay wuxuu noqonaya qof aan wax aaminaad ah lahayn oo mar walba Shaki uun ku jiro, shaki qofka hadduu galena faraxad uma soo dhawa, maxaa yeelay wuxuuba ka shakisan yahay wax walba oo ku hareeraysan oo waa qof Difaac ku jira, qof difaac ku jirana  waa qof wax iska ilaalinaya.

Sidaa darteed qofka farxadda doonayo waa  in uu ka maran yahay wax walba oo Cabsi ama Murug galin kara naftiisa, maxaa yeelay baahida farxadda iyo wajihidda muragada ama fakarka ma ahan kuwa is qaadan kara, si marka waxaas oo dhibaata ah looga gaashaanto waa in la helaa daacadnimo, daacadnimadana waa in ay ka bilaabataa adiga doonaya farxadda, marka aad naftaada iyo dadka kalaba daacad u noqoto hubaal in aad helays qalbi dagan, oo ka maran Shaki, Cabsi, Murugo, iyo wax walba oo nafta u keena harsasho la’aan.

3 RUNTA: runta waa mid ka mid ah asbaabaha keena farxadda ama mid ka mid ah dariiqyada loo maro sidii lagu gaari lahaa farxad waarta, Qofka runta badan waa mid mar walba ka maran Cadaadis xaga Maskaxda ah, mar walba qalbigiisa wuu dagan yahay, maxaa yeelay been badan marka aad sheegtid waxaa kugu soo furmayo waddooyin badan oo kugu abuura Buuq xaga maskaxda ah, maxaa yeelay waxaad sheegtay wax aadan oo awooddooda lahayn ama aadan dhab u ahayn, sidaa darteed, Beenta asal kuma lahan horumarka nolosha, meel lagu amaanayna ma jirto.

Inta badan ma qarsoonto beenta, qofka sheegana waa mid mar walba lagu shabadeeyo Shabad aan wanaagsanayn oo dhinac uga riixda ku dhex noolaashaha Bulshada, sidaa darteed Runta sheegiddeeda in lagu dadaalo ayaa la oran karaa waaba Farxad.

Wali lama sheegin qof run sheegay oo ku dhamaaday Dariiq Xun, waa laga yaabaa in ay kusoo wajahaan Caqabada xun, maxaa yeelay dadka badankood ma ahan kuwa jecel ku dhaqanka ama maqalka Runta, oo waxaa jira Dad ku nool Beenta.

Runta waa mid u qaraar badan dadka aan jeclayn ku noolaanteeda, balse u sahlan una abuurta fudayd xaga qalbiga ah kuwa jecel in ay mar walba ku noolaadaan Dhabta, oo dhalanteedka aan jirin dhinac isaga riixa, hadaba Runta waa qodobka saddexaad ee aan u doortay tilmaanta aan ka bixinayo helitaana farxadda qofku doonayo.

Runta tilmaan ahaan waa mid u dhow ama la macna ah ayaa la oran karaa Daacadnimada, balse waxaan jeclaystay in aan kala saaro daacadnimada iyo runta maxaa yeelay daacad in aad ahaato iyo in aad runta ku dhaqanto mararka qaar aad ayay u kala duwan yihiin baa la oran karaa.

4 XUSHMADDA:  xushmadda waa waajib saran qof walba, maxaa yeelay xushamdda waxaa ina siiyay Abuuraheena waa Alle, isaga hadiiba uu na karaameeyay anaga oo mar walba u baahan, ma jirto wax diidaya in aan is karaamayno.

Xaqiiqda marka laga hadalna qof walba oo inaga mid ah in la xushmeeyo oo meel aan looga dhicin karaamadiisa wuu doonayaa, sidaas darteed xushmadda waxay ka bilaabataa qofka in uu marka hore naftiisa xushmeeyo, oo sidee qofku naftiisa u xushmeeyaa?

Waa laga yaabaa in aad su’aahaas kor ku xusan aad is waydiiso, qofka wuxuu naftiisa ku xushmayn karaa marka uu ka dahiro wax kasta oo Xumaan ama Xadgudub u noqon kara, waa in uu qofku  ku xirnaadaa mar walba Abuurihiisa, waana in uu ka taxaddaraa wax walba oo dadka dhaawici kara, intaas iyo in kale oo wanaag ahba haddii uu qofku sameeyo wuu xushmeeyay ayaa la oran karaa naftiisa, markaasna wuu heli karaa xushmadda Dadka kale.

Qaddarinta qofka uu doonayo mar walba waa in uu naftiisa ka bilaabaa, marka uu naftiisa ku tababaro edbintaas, ayaa la oran karaa wuu kasban karaa ama wuu heli karaa Xushmadda dadka kale, hadaba Saladhiga waxaan jeclaan lahaa in aan kusoo gunaanado qoraalkayga Oraahdan gaaban ee aan saldhiga uga dhigayo afarta qodob ee aan kor kusoo xusay.

Jacelow naftaada marka hore, kasbana in lagu jeclaado, adigana jeclow dadka.

Daacadnimadaada waxay horseeddda in qof walba uu kaa xishoodo, oo la waayo qof kugula soo dhiirada Xumaanta.

Runtaada oo badataa waa mid dhista Sharafkaaga Shaqsinimo, sharafkaaga shaqsinimo oo dhismaana, waa farxadda qalbigaada oo kororta.

Xushmadda waa mid ka bilaabta naftaada, Qofka haddii uusan naftiisa xushmayn ma samayn karo  xushmadda dadka kale, sidaa darteed, in qofku lahaado Xushmad, waxay ku xirantahay sida uu u xushmeeyo Dadka kale.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN