Farxaddii ka dambaysay faqriga! W.Q: Ramla Gobdon

qormo

Farxaddii ka dambaysay faqriga!

Ma ahan wax fudud in lagu nolaado nolol sabool ah. Cali waa wiil dhallinyaro ah, da’diisuna ay tahay 20. Waxa uu aabbihiis kula noolyahay guri aad u yar oo ku yaalla Soomaaliya. Labadiisa waalid waxay kala tageen asaga oo aad u yar, hooyadiisa waxa ay daggantahay magaalada bannaankeeda, oo waxa ay la nooshahay Cali walaalihiis oo ay u dhashay nin kale.

Cali waxa uu arday ka yahay mid ka mid ah jaamacadaha dalka ka jira. Waxa uu bartaa Ganacsiga iyo Maamulka, waana sanadkiisa labaad ee jaamacadda. Waxbarashada Soomaaliya ma ahan mid bilaash ah. Cali waa inuu bixiyaa lacagta jaamacadda, balse, waxa uu heystaa labo fursad oo uu ku bixin karo lacagta, 3-dii bilood hal mar ayuu bixin karaa ama 6-dii bilood hal mar. Waa sabool oo lacag badan mahaysto, haddane, waa mid ku mahadsan, sababtoo ah ma bixiyo lacagta bil kasto.

Aabbaha dhalay Cali waa mid aad ugu naxriista wiilkiisa. Si adag ayuu u shaqeeyaa si uu u dabbaro qarashka ku baxa waxbarashada wiilkiisa. Inta uusan jaamacadda aadin Cali, waxa uu aqriyaa subax kasto wargaysyada soo baxa, waxa uuna ka raadiyaa shaqo, sababtoo ah, waxa uu rabaa inuu caawiyo aabbihiisa, isla markaana uu bixiyo lacagta ku baxda waxbarashadiisa iyo cuntadaba.

Galabti waxa uu fariistaa bannaanka guriga, oo uu ku aqristaa cashiradiisa, halkaas, waxaa u yaalla dhagax oo u ah kursi. Waa inuu dhammeeyaa aqriska cashirkiisa inta aanay qorraxdu madoobaan, sababtoo ah, gurigooda kuma jiro nal! Shan bil ayaa sii gabogabo ah, maalmo kadib, waxa ay ku beegantahay xilligii la bixinaayay lacagta jaamacadda. Cali waa mid aad u murugaysan oo ma bixin karo kolkaan, sababtoo ah, aabbihiisa wuu xanuunsanayaa. Waxa uu dhabarkiisa ku qaaday waxyaabo aad u culus, oo dhaawacay. Cali ma uusan aadin jaamacadda dhowr tododobaad, waxa uu ilaalinaayay oo uu u kaalmaynaayay aabbihiisa, cashirro badanna way dhaafeen, ugu dambayntiina wuu ka tagay waxbarashadiisa oo ma uusan bixin lacagtii laga rabay.

Haddii uu lacag heysan lahaa aabbihiisa ma dhaawacmi laheyn! Haddii uu lacag heysan lahaa ma uusan ka tagi laheyn waxbarshadiisa. Lacag darteed waxaa uu ku waayay, caafimaadka aabbihiisa iyo mustaqbalkiisa oo uu ku fekerayo! Sidii caadiga eheydba, waxa uu weli raadiyaa shaqo bannaan, waraaqado badan ayuu u qoray xafiisyo shaqo oo kala duwan, balse, wax jawaab ah kama helin. Wuu niyad jabsanyahay mar kasto, aadna wuu u murugoodaa, haddane, waxa uu sameeyaa wixii karaankiisa ah, si uu u helo lacag oo uu ugu noolaado riyadiisa.

Subax subaxyada ka mid ah, wuxa uu helay farriin kaga timid shirkad soo saarta badeecada, waxa ay u sheegeen inay u baahanyihiin shaqaale, markii ay arkeen codsigiisa shaqo waxay u oggolaadeen in uu la shaqeeyo, waxay u eheyd maalin aad u wanaagsan, dareemihiisa way ka duwanaayeen siday ahaan jireen. Sida ugu dhaqsiyaha badan waxa uu billaabi doonaa shaqadiisa cusub, waxa uuna qorsheenaayaa inuu ku laabto waxbarashadiisa mar kale.

W:Q: Ramla Gobdon

 

SHEEKOOYIN