Farxaddii Luntey Q4AAD
Warqad furan
Ka: Gacalisada oo ku jecel
Ku: Nuurkii indhaheyga ..
Waxaan hawada kuu soo marinayaa salaan ka soo go’day kashka iyo laabta, salaan kaddib. Waxaan kuu rajeynayaa caafimaad qab cimri dheer iyo cibaaddo suubban.
Gacaliye waxaan rabaa in aan kuu sheego arrin muhiim ah, maalintaan is baranay iyo maalinkaan la joogo ma jiro qof aan dunida kugu doorsanaayo haddaan adiga ku waayana nin kaa danbeeyo ma guursan doono ma dhici doonto, nolosha waa macaan iyo qaraar meel ku wada yaal waana harka labadiisa galin, anaga haddaan bini-Aadam nahay waan iska tashaneynaa tii Rabbi waa gooni, kaddib markii aan dhib iyo rafaad aan ku billaabanay aayaha mustaqbalkiina, haddana muddo aan yareyn laga joogo oo ku dhaw hal sanno wax ka dhiman ayaaba iska yar waxaan qaatay go’aan kama danbeys ah waxaan kaa filayaa inaad iga ogolaan doonto.
Ka hor inta aan kuu sheegin go’aanka aan qaatay waxaan rabaa in aan ku yara xasuusiyo waayihii macaanaa ee na soo maray iyo sidii aan isku baranay, iyo rajadii aan ka qabnay mustaqbalka reerkeena iyo sida uu hal hal habeen u noqday gudcur lama daggaan ah waase iska xaal adduunyo oo xumo iyo samo lagama waayo, waa kuwo mar walba hareerahaaga socda. Si kastaba arrinku ha ahaadee dhammaan waa taariikh ku keydsan qalbigeyga muhiimna ay inoo tahay in aan is dul taagno, aniga iyo adigaba.
Waxey galab jimco ah, casir liiqii waxaan isku diyaarinayay la kulankaaga saddaxdii maalin ee lasoo dhaafay, niyadeyda waxaa ka dhax guuxayay oo dareemayay inaan hammuun badan kuu qabo kuna hanan doono maalin uun, muddo ayaan kor kaa ilaashanayay, balse ma awoodin inaan danteyda kuu sheegto ama igu diid ama iga yeel, nasiib wanaag gabarta habaryartey ay dhashay Xaawo iyo saaxibkaa liibaan oo xiriir fiican ka dhaxeeyay qabanqaabada guurkooda ku jiray, ayaa ii suura galisay in aan kula kulmo adiga oo aan ogeyn dareenka hammi ee igu jira. waxaan maalin walba u soo bixi jiray inaan ku arko haddana inta badan kuma dhicin inaan kula hadlo iska daaye xataa inaan ku salaamo, mar walba nafteyda ayaan canaan dusha ugu tuuri jiray, anigoo daraaddaa u soo baxay, maalinba maalinta ka danbeysa, aragtidaadu waxey ii aheyd abshir, maalinka aan ku arki waayo waxey ii aheyd maalin madoow oo murugo ma hurdi jirin habeenkaa. Muddo badan ayaan la noolaa jaceyl aan la ii ogeyn.
Nasiib wannaag toddobbaad ka hor ayaa si lama filaan ah, ugu sheegtay Xaawo inaan aawadaa u il daranahay aad aan u daneynayo mar kaliya inaan kula kulmo oo codsigeyga kuu sheegto adigana aad aqbasho. Waxey igu tiri: “Wixii aad waayahaan qarineysay waan ogaa in caashaq ku haayo mase ogeyn halka aad ishaaratay in ka badan dhowr jeer ayaan kor iyo hoos kuu weydiiyay ilaa aad igu dhibsato, anigana aan kaa daayo, waayo mar waxaad tahay walaasheey marna saaxiibtey haddiiba wiilka aad sidaan dhan ugu murugsan tahay gacanta kaa soo saari waayo maradaan ku jiro naag kuma jirto ee iga war dhawr, haddana maalinta khamiista habeenka jimcaha soo galaayo u diyaar garoow, inta ka horreysana aragtidaada ha ku diimo jidkaan aad horay iyo gadaal dan la’aanta ugu socotana jooji. Waxaan u sheegay inaan jooji karin iguna adag tahay inaan joojiyo balse aan isku dayayo inaan yareeyo.
Waxaa la gaaray habeenkaan sugaayay, habeenkaas oo habeennada kale iiga duwanaa, waxaan dareemayay farxad xad dhaaf ah oo aan garaneyn ilaa iyo hadda wax ku macneeyo ama aan ku tilmaamo, waxa kaliya oo aan ogaa ayaa aheyd inaan ku jeclahay ayna iga go’neyd inaan ku helo, midda iigu yaabka badan ayaa aheyd inaan is kaa siiyay anigoon cidna kala tashan adigana aadba war iyo wacaal u heynin.
Mar walba waxaan ku rajo weynaa inaad iga ogolaan doonto codsigeyga, laakiin caqabada ugu weyn ama culeyska ugu weyn ee i heystay ayaa ahaa halkii aan hadalka ka billaabi lahaa.
Markii aad soo muuqateen adiga iyo saaxiibkaa waxey aheyd markii ay iigu darneyd waxaan ku sigtay inaan suuxo, lugaha iyo gacmaha ayaan ka jareeyay, naxdin awgeed, guriga ayaan ku cararay walaashey xaawo oo i leh joog wiilashii aan sugeynay waa yimaadeen halkeed ku socotaa? Uma jawaabin qolkeyga ayaan galay, waxaa maskaxdeyda ka dhax guuxaayay heestii Khadro daahir
- Ugubnimo xishood leh
- Il nugeyl la waabtoo
- Afka kama caddeyn karo
- Ergana uma diran karo
- Caaasgaqo ogeysiis
- ma leeyahay.
Wixii bannaanka ka dhacay war uma heyn Xaawo ayaa qolka iugu timid anigoo sahwiyayoo niyaddu ay si kale tahay, sawirkaadiibaa horteydii la soo suray, in cabbaar markii ay ii caqli celisay ayaan soo raacay, runtii ma aan dooneyn inaan ku arki waayo saas ay tahay ma awoodin in aan ku arko, nasiib wanaag markii aan idiin soo laabtay salaan ka dib waxaa i caawiyay sheekadii talantaaliga aheyd ee saddaxdiina aad isku jiibineyseen ilaa aan ka ilaaway walwalkii i haayay oo dhaxda ka soo galay.
Habeenkaas markii aad naga tagteen ooyin ayaan afka furtay, sababtoo ah waxaan rabay inaan danteyda kuu sheegto meel gooniya ama igu yeel ama igu diid, inaan kaa soo dabo baxo ayaan damcay laakiin Xaawo ayaa igu tiri intii aad gudaha ku maqneyd ayaan ka wada hadalnay arrintaada waana uu ogolaaday oo asagaaba jid uu kuu soo mari weysanaa ee is daji beriba waa maalin kale oo sharteeda iyo kheyrkeeda wadato haddaad calaf isku leedihiin cidna kaama hor istaagi karto.
Inkastoo ay walaasheey ii qalbi qaboojisay waan jeclaa in aan mar uun wax iska meel dhigno, habeekaas guushii aan filaayay anigaa goolka dhallin waayay, waa adduun iyo xaalkiis fursaddii labaad waxey aheyd maalin sadaxaadkii anigoo suuqa bakaaraha kasoo adeegtay aad si kadis ah aan iskaga soo hor baxnay……
La soco qeybaha xiga
Abdulle Abdikariim (Jallaato)