Farxaddu iib maaha Q8AAD W/Q: Cabdulle Cabdikariim(Jallaato)

Farxaddu iib maaha Q8AAD

Ninkii ayaa hadalkiisa ku furfurtay aw Raage kuguma imaan inaan ku dhibaateeyo, dhibkase waa iga soo horreeyay, iminkana waxaan rabaa in dawo loo helo. Raage oo aan waxba ka fahmin ninka waxa uu ka hadlayo ayaa ku yiri sug bal adeer magacaaga ii sheeg? Ninkii ayaa yiri: “Magaceygu waa Dhiblaawe magac laga miskiin maaha maalna Mowlaan u qabaa, aan si fiican isku kaa baree aad ii dhageyso, waxaan ku dhashay Baadiyo anigoo carruur ah ayaan magaalo soo galay oo aan waalidkeey kasoo dhuuntay, Oday Adeerkey ah oo Koofi la yiraahdo oo barigaan baadiyo joognay, Sonkor iyo caleen shaah noo soo dhiibi jirray,  ayaan soo heybsaday, nasiib wanaag Oday Koofi waa helay aadna waa la ii doo dhaweeyay, maalmo kaddib ayuu igu yiri diyaar noqo baabuur baxaayo ayaan kugu daraa, Hooyadaa iyo Aabbahaa ayaan kuu celinaa, talo soo jeedinta arrinkaa waa ii cuntami waayay oo Balad waxaan u imid inaan wax barto,  aqoon diin iyo aqoon maadiyaba, laakiin Odaygii adeerkey ahaa waa iga diiday, anna waxaan go’aansadsy gurigiisa inaan iskaga tago.

Lix Billood iyo bar kadib anigoo darbi jiif noqday, dariskaa kuma caddeeyo kumana madoobeeyo siduu yahay ayuu kaa dhigaa, koola dhuuqyo wehel ii noqdeen maalinkiina aan lufluka maqaayadaha iyo waxaan soo xadno ku nool,  ayuu Adeerkeey Koofi gacanta dhab iga dhahay, maba fiirin waxaan u heystay Askari waxaan isku dayay inaan ka baxsado markaas ayuu igu yiri Dhiblaawe adeer waa aniga ee raali ahaaw ma mudneyn inaan ku dayaco, ee soo bax i soo raac, maalinkaa sidaan u ooyay ilaa iyo maanta waan xasuustaa.

Waxaa ii billaabatay nolol cusub nasiib darro iskool iyo dugsi waa la i geeyay laakiin waa la qabsan waayay,  ugu danbeyntii markii waxbarasho la igala quustay, Garaash baabuurta lagu sameeyo oo Adeerkey saaxiibkii uu lahaa ayaa la i geeyay,  Alle mahaddii waxaan noqday Makaanik birta calashada, waxaan furtay Garaash aan aniga leeyahay ciddeydiina magaalada ayaan soo wadda dajiyay, waxaan noqdsy nin magac iyo muunad ku leh deegaankiisa.

Waxaa dhacday maalin aan waligeey sinna aan u ilaabi doonnin,  salaadii duhur ka dib inuu nin oday ah ka  istaagay oo uu yiri: “Yaan ugu duceeyaa Rag Allow waxaa ii joogta gabar qaan gaar ah, oo madax adag lugna jiis ka ah,  ducaan waddaa yaa faraqaha u hoorsaday, markii uu cabbaar aamusnaa ayuu ku celiyay, isla hadalkii, marki aan arki waayay qof u jawaaba ayaan gacanta taagay  masaajidka dhaxdiisa intii aan joognay ayuu igula mehriyay, waxaan u dhigay aroos kii ugu wanaagsanaa xoolo badan Aabbaheed ayaan ka siiyay. Habeenkii aqal galkeena waxaan filaayay iyo waxaan la kulmay waxey ahaayeen kaaf iyo kala dheeri, qof dheer oo joog iyo jamaal Alle u dhammeystiray oo lixdeeda lixaad qabta, adduun iyo xaalkiise baarrinimada afka haddaad gacanta u galiso kaa qaniini meyso, Aw Raagoow warka waa kugu dheereeyay, aan kuu soo koobee, waxey ii dhashay Lix isuma qado ah, oo labo mataano yihiin.

Habeen habeennada ka mid ah ayaan hadal isku qilaafnay waanna habeenkii ugu horreeyay aan ku qeyliyay, markii waaga baryay shaqadeydaan iska aaday, qadadii markaan guriga imid, waxaan u soo gslay  lixdii ilmood oo ay cid dariskeena guriga ku haayaan, waxey ii sheegeen ilmaha ooyintooda markii ay ka joogi waayeen iney kasoo war dooneen, sidaan ay ku arkeen,  yaab iyo amakaag 8 sanno aan wadda joognay xataa ciddaha dariska haddey aadeyso waa ii sheegi jirtay,  waan dareemay in dhib jiro meel walbo ayaan u cid dirray waa laga quustay Geeri iyo Nolol. 

Maalinkaa waxaa ka soo warreegtay sideed sanno,  sadax maalin ka hor ayaan ka war helay iney nooshahay magaaladaan joogto,  waliba nin lacagleey ah oo la yiraahdo Raagge uu qabo, ninkana waa adiga i hor fadhiya xaaskaaga waa xaaskeyga. Raage markii intaa maqlay wadno xanuun ayaa ku soo booday isbitaal ayaa loo cararay. 

La soco qeybaha xiga

 

W/Q: Cabdulle Cabdukariin(Jallaato)

 

SHEEKOOYIN