Fayoobaanta Nafeed. W/Q: Axmed Saalax Muxammad.
Danaynta badan ee loo hayo aadamaha iyo lexjeclada laga qabo ayaa keentay in si isku mid ah looga warhayo caafimaadkiisa duleed iyo midka nafeed. In la helo naf fayoow oo ka badqabta xanuunnada ku dhaca dhimirka iyo cilladaha nafsadda jiraba, macnaheedu waa in la helo qof badqaba oo bulshada si qumman ula jaanqaadi kara.
Fayoobaanta nafeed oo ah xaalad aan sideedaba joogto ahayn haddana la rabo in la joogteeyo, waxa lagu qeexi karaa Is waafaqsanaanta qofka ee naftiisa iyo is waafajinta dabcigiisa iyo bulshada, iyadoo ayna ka madhnayn dareemidda badhaadhe iyo raynrayn uu qofku kula naaloodo naftiisa. Dareenkaa togan oo u horseeda waajihida dhibaatooyinka nololeed ee la soo gudboonaada iyo maarayntooda.
Si kale haddii loo eegona waa dheellitirnaanta shaqada dhimirka iyo dhamaystirnaanta dareenka wanaagsan ee nafsadda oo qofka u saamaxaysa aqbalaadda qofnimadiisa iyo qaabilaadda bulshada.
Dugsiyada kasmonafeedku way ku kala gaddisanyihiin aragtiyaha ay ka leeyihiin fayoqabka nafeed sida lagu sugi karo. Tus:
Dugsiga psychoanalysis aragtida ka jirtaa waxay sheegaysaa in fayoobaanta naftu ay ku jirto awoodda (Ego/الأنا) oo ku imanaysa is waafajinta waaqica iyo qariisooyin/baahiyaha qofku uu leeyahay(instincts).
(Erich from) oo dugsigan ka tirsani waxa uu ku doodayaa in uuna fayoobaan nafeed helahayn aadamuhu hadduuna baahiyihiisa si fiican u haqabtirin.
Dugsiga bani’aadannimada(humanist school)
Aragtida ka jirtaa na waxay tibaaxaysaa in fayoobaanta nafeed ay ka dhigantahay dhabaynta dhammayska tiran ee insaaniyada(dadnimada),oo noqonaysa inta uu qofku xor yahay ee uu garaawsanyahay xornimadiisa iyo xadkeeda. Inta uu awoodi karo u dhibirsanaanta dadka kale, inta uu nabad iyo xasillooni dareemi karo iyo intuu xaqiijin karo yoolkiisa.
- Waxa aynu is waydiin karnaa:
Ma isku si ayay dadku u wada fayoqabaan nafsad ahaan?
Xillimaynu odhan karnaa qofkaasi waa uu fayoqabaa, kaasina ma fayooba?
Heer kee ayay naftu ku fayoqabi kartaa?
Maxaa halbeeg u ah fayoobaanta nafeed ee qofka? Maxaa se astaamo u ah?”
Fayoqabka nafeed waa lagu kala duwanyahay qof iyo qof, waa lagu kala duwanyay heer iyo heer. Waxaaba ku kala duwaanan kara isla qofka oo waqti fayoqabkiisu sarreeyo waqtina hooseeyo. Waa xaalad saami-ley (نسبي) ah oo aan sugnayn. Waxa kala duwan sidoo kale halbeegyada lagu cabbirayo fayoobaanta nafta. Dhakhtarka cilmu nafsiga ahi halbeeg u gooniya ayuu leeyahay oo uu ku kala ogaado xaaladda caafimaadqab iyo midda xanuun ee qofka. Bulshaduna halbeeg bay leedahay ay ku qiyaasto qofka fayoqabkiisa.
- Astaamaha fayoqabka nafeed:
Takhasusyahannada sida gaarka ah u bartay fayoobaanta nafta oo ah majaal sidiisa loogu darso kasmonafeedka waxa ay tilmaameen fayoobaanta nafta inay ka mid tahay:
- 1: Caadi ahaansho (habdhaqanka caadiga ka ah bulshada dhexdeeda).
- 2: Is waafaqsanaan qofnimo iyo waafaqsanaan bulsho.
- 3: Kalsooni.
- 4: Farxad
- 5: Karti.
- 6: Inuu ka warhayo qofku naftiisa.
- 7: Dagganaansho iyo xasillooni.
- 8: Raaxo nafsadeed.
Astaamahan uun kuma koobna e, way badanyihiin astaamaha laga dheehan karo xaaladda gudeed ee qofka. Kaliya waa calaamadaha si dhaw u tilmaami kara fayoobaanta amma xanuunka nafsadda iyo xummadda gudaha ee qofka ku gadaaman.
W/Q: Axmed Saalax Muxammad
Guriga lagala xariiri karo: