FEDERAALKA IYO MACNIHIISA Q1AAD W/Q: Maxamed Yuusuf Cali Abtidoon

Untitled23

FEDERAALKA IYO MACNIHIISA(Q-1aaad)

    

     Bartamihii 1960-kii, labadii garab(Koofur iyo Waqooyi) ee xurnimada qaadatay, waxa ay rukunnada u taageen nidaam dimoqoraaddi(democracy system) ah. Balse, nasiibdarro, markuu 9 gu’ jirsaday ayaa waxaa dhidibbada u siibay ciidankii millatariga, oo majaraha siyaasadda hayey 30-kii sano ee xigay. Isbebeddalku waa sunno ay ka simantahay bulshadu caalamkuye, 1990-kii ayaa jabhado, jaha iyo jid laawayaal ah, waxa ay dalkii ka eryeen maamulkii ciidanka, waxa ayna waddankii u horseedeen in uu ka qarxo dagaal sukeeye(civil war), oo Illaa iyo hadda ummadda soomaaliyeed kasoo kabsan la’dahay dhibaatooyinkii ka dhashay, kuwaas oo isugu jiro kuwo bulsho, siyaasad iyo dhaqaale. Nidaamkii Ciidanka iyo kii Jabhadahaba, umaddii Soomaaliyeed waxa ay dhaxashiiyeen is aamindarro, taasina waxa ay keentay in la dhaho halla fidiraalleeyo soomaalida, oo halloo dhiso maamul ku dhisan awood-qeybsi(Federalism). Sidaas aawadeed, ayaa dulucda qormadaani tahay ka jawaabidda su’aasha ah: “waa maxay nidaamka federaalku ama federalism-ku?”

ASALKA ERAYGA FEDERALISM:

Asal ahaan erayga(federalism/federation), inkastoo la isku khilaafsanyahay, waxa uu ka yimid Feodus/Foederis oo ah Latin; macnahiisuna yahay Heshiis(covenant) ama iskaashi(collaboration). Ujeedka ama yoolkuna waa taabagelinta hadafyada laga mideysanyahay, oo aan kali kali loo gaari karin.

CILMI AHAAN ERAYGA FEDERALISM:

Balse, markii aan kasoo tagno erayga luqad ahaan halkuu kasoo dhabbalmay iyo macnihiisa, una soo daadegno qeexiddiisa cilmiyeed, federalism-ku waa: “nidaam siyaasadeed ku dhisan awood-qeybsi(a division of governing power), kaas oo u dhaxeeya dawlad dhexe(national/federal government) iyo dawlad-goboleedyo(regional governments)”. Sidoo kale, Federalism-ku waa nidaam ku dhisan awood-wadareed oo talada la wadaago, halkii uu ku dhisnaan lahaa awood-kaliyeed oo taladu hal meel kasoo baxdo, kaas oo u dhaxeeya laba dawladood ama in kabadan, dawladahaas(regional governments) waxaa isku xira nidaam dhexe(national/central government).

FEDERALISM = KALA TAG 50% + WADA JOOG 50%

Haddii aan sii ballaarino warkaas, Federalism-ku waa is waafajinta laba aragti oo kala duwan: aragti aamisan kala-tag 100% ah (aragtida reer Somaliland) iyo aragti aamisan wada-joog 100% ah (aragtidii hore ee reer Muqdisho, Gobollada-dhexe, iyo Jubbooyinka). Ama si’ kale haddii aan u dhigo, Federalismku waa aan waxna isku darsano waxna kala lahaano; oo ah isku keenidda labadii aragti ee aan kor kusoo xusnay, oo ka tarjumeysa aragti hore(aragtidii reer Koofur-galbeed ee kotomeeyada) iyo aragti cusub(aragtida reer puntland).

Caalamka, tirada dawladdaha ku dhisan nidaamka federaalka waxa ay gaarayaan 28 dawladood, waxa ayna u taliyaan ku dhawaad 40% shacabka dunida. Dawladdaha ugu waa weyn ee qaatay nidaamka federalism-ka waxaa ka mid ah: United States of America, Canada, Brazil, Germany, iyo India. Sidoo kale, dawladaha qaar dhaca qaaradda Afrika, sida: Nigeria, S. Afrika, iyo Ethiopia ayaa lagu tiriyaa dawladaha qaatay nidaamkaan, iyadoo ay jiraan dawladdo kale oo usii xuubsiibanaya.

Lasoco qeybta 2aad……………. Oo aan uga hadli doono xariirka dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada ka dhaxeeyo.

W/Q: Maxamed Yuusuf Cali Abtidoon, Khartoum- Sudan,

E-mail: abtidoon01@yahoo.com, abtidoon01@gmail.com

SHEEKOOYIN