Feejignaan: (ADHD) W/Q. Barbaariso: Nimco Noor

Feejignaan: (ADHD)

 

Feejignaanta ama u xasilloonida waxaa looga baahan yahay, shaqo kasta oo la qabanaayo. Ku feejignaanta iyo ku xasilloonaanta xaaladda iyo howsha lagu jiro waa mid si  caadi ah isaga timaadsa iyada oo aan si gaara loogu fiirsanin ama aan la dareemin, laakiin waxaa la dareemaa markii  uu dhaawac soo gaaro feejignaanta, waxaa la ogaadaa muhiimahadda iyo baaxadda ay ku leedahay waxqabadka.

Dhammaanteen waynu og nahay in ay mararka qaarkood adag tahay in aynu ku xasilnno howsha aynu haynno markaas. Xasiloonidu marmarka qaarkood dhaawac wuu soo gaari karaa, waxyaabo badan oo ka la duwan ayaa waxyeellayn kara. Inta badan waa iska caadi in qofka firfircoonidiisu is badasho, sida gaajada, daalka, walwalka, xiiso la’aanta iyo waxyaahaba kale ee maskaxdaada ka jeedin kara howsha markaa aad hayso.

Sidoo kale qaar xanuunnada ay ka midka yihiin macaanka iyo suuxdinta, waxay hoos u dhigaan firfircoonida iyo xasiloonida qofka. Laakiin marka aad nasato oo nafsaddaadu fiicnaato, caajisku kaa ba’o waxaa soo noqonaya feejignaantaadii iyo xasiloonidaadii, adigoon dareemayn.

Sidoo kale waxynu ku kala duwanahay dabeecadaha shakhsiyeed, iyo dhaqanka qaabka shaqo. Taasi waxay saamaynaysaa qaab-howleedka shakhsiga sida, degdegga ama qunyar u shaqaynta. Dadka qaar way saan-gaaban yihiin, halka qaar kalena ay degdeg badan yihiin. Sida caadiga ah marka aad niyad jabsan tahay ama aad maskaxiyan u daallantahay, way adag tahay in aad feejignaato ama aad xasilloonaato. Haddaba waa maxay dhaqanka caadiga ah iyo midka aan caadiga ahayn, waa halkee xadku?.

Way adagtahay in xad go’an la sameeyaa. Marka laga hadlayo ilmayar waxaa muhiim ah, in aynu ogaanno goormay xasillooni la’aantu tahay mid si joogto ah ugu adag ilmaha, oo ay  waxyeellayn karto koritaankiisa.

 

Dhibaatada xasilooni la’aanta sida lagu garto.

 

Dhibaatada xasillooni la’aanta waxaa laga hadlaa markii, xasillooni la’aantu ay ilmaha u noqoto mid joogto ah ayna xannibaad ku noqoto xaalado kala duduwan oo noloshiisa ka mida.

Dhibaatada xasillooni la’aanta waxaa loo isticmaalaa kalmadahan la soo gaabiyay ADHD oo ka timid Attension Deficit Hyperactivity Disorder. 

Waxaa looga jeedaa feejignaan la’aan dhinacyo badan ah. Taas oo calaamadaha feejignaan la’aanta ee ilmaha ka muuqanaysa ay ka mid yihiin, qalqaalinnimo dheeraad ah, caro, deganaansho la’aan iyo dhaqan waxyeello ku ah degenaanshaha. Mararka qaarkood dhibaatadu waxay noqotaa xasillooni la’aan keliya, aan lahayn qalqalinnimo iyo caro toona.

Markaa waxaa loo isticmaalahaa kelmadan, ADD (Attension Deficit Disorder).

Xasillooni la’aantu waa dhibka ugu weyn ee xagga maskaxiyan u la soo darsa carruurta iyo dhallinyarada. Waxaa lagu arkaa 3-5 % bulshada Finland. Calaamadaha fudfudud laakiin waxaa lagu arkaa in badan oo bulshada ka mida illaa 40%.  Arrinta laga hadlayaa waa arrin dhibaato ku ah carruur badan waxbarashadooda iyo nolol maalmee kooda. ADHD waxaa uu guud ahaan ku badanyahay wiilasha. Gabdhaha waxaa ku badan degenaansho la’aanta aan qalqaalinimo iyo caro la soconin (ADD). Sida caadiga ah calaamadahani way yaraadaan marka ilmuhu koro, laakiin 60-80% calaamadaha way la waynaadaan.

 

Haddaba dhibaatada xasilloonidarrada maxaa keena?

 

Waxyaabaha keena dhibaatada xasillooni la’aanta ah illaa hadda si fiican loo ma garanaayo, hase ahatee, waxaa la ogyahay in ay qayb ka noqon karaan waxyaabo Biologikali ah. Waxay kale oo noqon karaan Hidderaac, ama waxaa saamayn ku yeelan kara dhibaatooyin xilligii uurka dhacay.

Dad aan badnayn ayaa dhib toos ugu dhacay ay saamayn ku yeelan kartaa. Siday u muuqato hiddaha, deggaanka iyo xiriirka bulsheed ayaa saamaynta ugu badan ku leh sida ay uga muuqato ilmaha nolol maalmeedkiisa xasillooni la’aantu. ADHA-da inta badan waxaa laga helaa Hidderaacyo.

Hal qoys ayaa yeelan kara dhowr ilmood oo ADHD qaba ama calaamadaha xasillooni la’aanta, waalidkuna inta badan way sheegaan inay ilmahooda calaamadaha qaar iska shabbahaan. Inta badan labada waalid mid ka mida ama labadaba way leeyihiin calaamadahan.

Badanaa marka ilmaha laga helo ADHD ayay waalidkuna ku baraarugaan inay calaamdahaa leeyihiin oo ay baadhitaan raadsadaan, si ay u hubsadaan inay qabaan dhibtaa xasillooni la’aanta ah.

 

Sidee lagu baaraa ADHD?

 

ADHD-ga waxaa lagu arkaa callaamado ka la duduwan. Calaamadahaa waxaa la dareemi karaa intuu ilmuhu yar yahay, laakiin waxay is ka bedbedelaan da’da. Inta badan xasillooni la’aanta waxa la baaraa marka ay soo dhawaato in uu iskuulka billaabayo. Waxaa kale oo la samayn karaa baaritaanka 4-6 sano intuu ilmuhu jiro. Ilmaha yar weli lagu ma samayn karo baadhitaankaa.

Faham la’aanta waxbarashada waxaa lagu ogaadaa badanaa baadhitaan caafimaad iyo calaamadaha, ADHA-dana waa sidaa oo kale. ADHD-da waxa lagu xaqiijiyaa baadhitaan iyo in lagu arko calaamhada lagu garto. Dhakhtarka maskaxda iyo waalidka kulankooda waxaa lagu ogaadaa ilmaha xalaaddiisa markii uu caloosha ku jiray ilaa carruurnimadiisii. Ilmaha dhaqankiisa iyo waxqabadkiisa waxaa looga qiyaas qaadanayaa, ilmaha da’diisa ah.

Waxa kaloo muhiima marka la qiimaynayo ilmaha in kala duwanaanshaha xaalad nololeedka la tixgeliyo. Baaritaanka waxaa lagu ogaanayaa, in ilmaha dhaqankiisa xasilloonidarrada ah, ka soo ah mid si joogto ah caado ugu ah ilmaha iyo dhibaatada u gaysanayo shaqo maalmeedkiisa.

Baaritaanka dhakhtarka waxaa ka horreeya oo shuruud u ah in ilmaha baaritaanka loo dirayo, in ay ka muuqdaan calaamadaha la gu garto xasillooni la’aanta oo guriga, xanaannadu iyo iskuulkuba ay ku arkeen ugu yaraan lix bilood.

Suurtogalnimada calaamahada deganaansho la’aanta ilmaha waxay uga muuqan karaan siyaabo kala duwan, markuu guriga joogo iyo markuu xannaanada ama iskuulka joogo.

Guriga waxaa saamaynanya, qaabka dhaqanka iyo shuruucda guriga. Xannaanada iyo iskuulka, waxa la arkayaa sida uu ilmuhu u dhaqmayo marka uu carruur badan ku dhexjiro.  

Ilmuhu, waxa uu warbixin ka helayaa qaabkiisa dad la dhaqan ee uu kooxda ama wadar(waxaa ku adag la dhaqanka dad badan) ku la dhaqmayo, waxaa looga baahanayaa in uu kobciyo xasilloonidiisa iyo xirfaddiisa dad la dhaqannimo.

Qofka dhibaatada xasillooni la’aanta qaba way ku sii xumaataa dhibaatadu marka uu koox la shaqaynayo, taas oo aan guriga laga dareemaynin.  In ilmaha laga baaro ADHD marka uu dad iskuulka us oo dhawaato waxaa u sababaya ilmuhu marka uu iskuulka galo waxaa badanaysa baahida looga baahanyahay, inuu awood u leeyahay ilmuhu inuu meel fadhin karo uuna ku xasilloonaan karo casharka laga shaqaynayo wakhti dheer.

Taasi waxay ilmaha ku kallifaysaa in uu rabo uu na awoodo inuu hago shaqadiisa.  Marka ilmaha awoodiisu ay ka yaraato waajibaadkiisa, ugu danbayn markaas ayaa la fahmayaa inuu dhaqankiisa uu yahay mid aan caadi ahayn. (Macnaha wuxuusan awood u lahayn waajibka ah inuu qabto, casharkiisa am waxyaabah ay asaagiis qabanayaan)

Mararka qaarkood baaritaanka waxaa la sameeyaa ilmaha oo iskuulka dhigta. Markaa lafteedadana waa in ay jiraan calaamadaha oo ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa ugu danbayn dhamaadka fasalka koobaad. Waxaa ka loo suurtogal ah in qofku isagoo dhallinyaro ah laga badhi karo ADHD:da

Waraysiga waalidka waxa badanaa lagu ogaadaa, ilmahu markii uu yaraa inuu ka duwanaa ilmaha kale ama ilmaha ay isla egyihiin. Waxaa laga yaabaa inuu ilmaha ka dabeecad kululaa, jedwel toos ah in lagu dhaqaa inay adkayd, habeenkii inuu aad u soo toostoosi jiray ama uu aad u jeclaa inuu mar kasta waalidka ka ag dhawaado.

Waxaa kale oo suurtogala ah, in ilmah ADHD-da qaba uu ahaa markuu yaraa ilmo aad u deggan. Calaamadahaas oo dhan waxaa lagu ogaanayaa waraysiyada marka danbe la sameeyo.  Waxaa muhiima in haddii aad ilmaha yar ku aragto calaamadahan aanad go’aansan inuu noqon doono ilmo qaba ADHD.  

Ilmaha ADHD-da  xilliga ciyaarta wuxuu noqon karaa ilmo dhakhso u carooda, oo dabeecad fudud, mar kastana orod iyo howl ku jira, wax kasta oo soo gaarana wuu u dabacsan yahay.

Ilmahasi in kastoo uu orod badanyahay uu u muuqdo ilmo adadag oo oradkiisu dhisanyahay, haddana waa ilmo aan jir ahaan dhisnayn oo kufkufidiisa iyo dhacdhaciisu badanyahay.

Xannaanada inuu koox badan la shaqeeyo waxay ku tahay culays badan, shuruucda iyo tilmaamaha inuu raacaa waa ku dhib, sugitaanka wakhtigiisa iyo waxyaabo badan oo kale ayuu cidhiidhi ku dareemaa.

Xaalladahaa uu culayska iyo cidhiidhiga dareemayo waxaa sii xoogaysanaya deganaansho la’aantiisa iyo qalqaalinimadiisa. Ilmaha caadiga ah markuu da’da cayaarta billaabo wuxuu ku daraa inuu cayaartiisa ku hago isla hadal.

Marka hore wuxuu isagoo hadalka kor u qaadaya isu sheegaya cayaartii uu sameeyay. Marka xigta waxay isu badalaysaa inuu marka hore isu sheego waxa uu samaynayo ka dibna sameeyo. Sidaas ayuu ku qeexanayaa howsha uu qabanayo.

Sida caadiga ah hadalka uu ku hadlayo waa mid cayaarta ama howsha uu markaa qabano qusaysa. Ilmaha da’da iskuulka ka hooseeya ee ADHD-da qaba waxaa la ogaaday in hadalkiisaa ku saabsan cayaarta ama shaqada uu qabanayo, inuu yahay mid ka duwan caruurta da’diisa ah, isaga hadalkiisu wuxuu u badan yahay wax aan qusaynin shaqada uu hayo. Ilmaha ADHD-da qaba waxaa dhibaato ku ah inuu saaxiibo samaysto laga bilaaboba markuu cayaar baradka yahay, shuruucda ciyaarta inuu ilaaliya way ku adagtahay, inuu hal qof la ciyaaro ayuu ka jecelyahay inuu koox la ciyaaro.

Waxaa suurtogala inuu cayaartii oo socota dhakhso uga xiiso dhaco, haddii uu dad la ciyaarayay in uu joojiyo ciyaarta. Taasi waxay ku sababaysaa in ay carruurta kale diidaan ilmo caynkaas ah in uu la ciyaaro.

Ilmahaas ma sugi karo wakhtigiisa, waayo waa ilmo mar kasta kacsan. Waxaa laga yaabaa inuu wax aad u fudud ka cadhoodo. Waxaa suurtogala inuu  howsha dadka kale ka xanaaqo, inuu si fudud u dagaalamo.

Inta badan waxaa ku adag inuu awoodda xooggiisa isu dheelitiro, taasoo keenta inay ilmuhu u arkaan inuu xoog  isticmaalo uu na yahay qof cadhaysan. Taasi waxay khatar galinaysaa in uu noqdo qof keligi ah, aan saaxiibo lahayn, lana dhibaateeyo, asxaabtu ay cunsuriyeeyaan.

Calaamadahan ku lamaan waa u caadi.

Qofka dhibaatada xasilloonidarrada qaba, waxaa inta badan lagu arkaa calaamdo kale oo ku lamaan dhibkaas. Calaamadahaas waxaa ka mida hadalka oo ku adag, fahamkiisa oo adag, qaabka shaqaynta xubnaha oo ku adag, (motoriset koordinaatiot) iyo xannuuno maskaxiyan ah, sida dhaqankiisa oo is badala, cidhiidhi nafsiya, niyadjab, xanaag, dhibaato kalsooni darro iyo dhibaato la dhaqanka dadka kale.  

In xilli hore la ogaado xanuunkan waa muhiim, in uu ku sii dheeraado qofka isaga oo aan laga daawaynin waxaa sii badanaaya dhibaatada uu qofka ku hayo, sidoo kale haddii hore loo billaabo daawadiisa sidii loogu talogalay, wuxuu aad uga mustaqbal fiican yahay, kana an la daawaynin.

 

ADHD:n kriteerit DSM-IV- tautiluokituksen mukaan.

  1. joko 1. tai 2

 

Ugu yaraan lix calaamadood xasilloonidarro ah, kuwan soo socda kamida waa inuu lahaa lixdii bilood ee u danbeeyay ku waas oo marka dadiisa loo eego koritaankiisa ka hooseeya, si joogto ah loogu arko.

 

Feejignaan la’aan

= Inta badan aad ugu ma fiirsado howsha uu hayo waxuu sameeyaa khaladaad badan oo fiirsasho la’aan ah, iskuulka, shaqada ama howlaha kaleba

= Waxaa aad ugu soo noqnoqda daganaansho la’aan cayaarta ama shaqadab.

=nMarka si toosa loo la hadlayo wuxuu u muuqdaa in aanu dhagaysanaynin hadalka

Inta badan ma raaco qaaciidada iyo tusaalaha la siinayo, mana sameeyo shaqada iskulka iyo ta guriga loogu diro( iyadoo aanay keenahay inuu diidanyahay ama aanu fahmin)

= Inta badan wuxuu ku dhibtoodaa inuu habeeyo wakhtigiisa iyo shaqadiisa

= Waxa uu iska ilaaliyaa ama uu necebyahay ama aanu rabin inuu ka shaqeeyo, shaqooyinka u baahan wakhti dheer ama maskaxiyan in looga fikiro (sida iskuulka iyo casharada loosoo diro)

= Wuxuu lumiyaa inta badan alaabta casharada ama howshiisa looga baahanyahay sida ( alaabta Ciyaarta, qalimada, buugaagta)

= Si fudud ayuu ugu jeesjeestaa wixii banaanka kaga yimaada.

Sawirada: DUODECIM

 

W/Q. Barbaariso: Nimco Noor

http://barbaari-ubadka.blogspot.se

SHEEKOOYIN