Feker oo dhis Guusha WQ: Hassan Mudane

unnamed

Feker oo dhis Guusha.

Mar waliba maankaaga ku dhex abuuro hummaag maskaxeed ku salaysan guusha aad dalbanayso, ogowna in aad adiga tahay qof muhiim ah, soo jiidasho leh, wax qabsan kara, weliba waxaan rabaa in aan maskaxdaada kaaga furo shaashad yar oo aad ka daawan karto muuqaal laga sameeyay hummaaga ay maskaxda soo saarto taas oo aan ugu magac daray ‘Muuqaalaynta Jimicsiga’ ee diyaar ma tahay? Si aan isula jaanqaadno uguna kuurgalno, hindisaha iyo shaxda ballaaran ee maskaxdaadu jeexayso waa inaad ii   ogolaataa, dareenkaaga inaan kula wadaago habkii iyo hannaankii suurtagalnimada higsigaaga hiraalkaaga maskaxeed.

Haddii aad iga aqbasho ama aad iga ogolaato oo aad tiraahdo haa waxay ku xiran tahay adiga doorashadaada taas oo ku tusin karta guusha aad u baahan tahay. Si aad u gaarto guusha aad dalbanayso. Si aad u daawato muuqaalka raac talaabooyinka soo socda

1.Fadhiiso meel jawigeedu dagan yahay kana baarandeg oo rogrog waxa aad u baahan tahay iyo himilooyinka aad doonayso in aad hiigsato adiga oo isweydiinaya su’aalo dhowra sida

  • Waa maxay waxa aan doonayo
  • Maxaan aad ugu baahanahay?
  • Haddii aan guulaysto maxaan faa’iidi doonaa?
  • Maxay tahay ujeeddooyinka noloshayda?
  • Miyaan doonayaa in aan ku noolaado nolol farxad leh mise waxaan doonayaa in aan ku noolaado nolol liidata oo faqri iyo gaajo huwan?

2.Markii aad su’aalahaas jawaab u hesho durbadiiba ku qor waraaq cad kuna dhaji darbiga gaar ahaan qolkaaga, weliba meel aad ka arki karto kaddibna isku akhri labo waqti habeenkii ka hor inta aadan seexan iyo subaxa hore markaad soo toosto. Ha akhrisan oo kaliya balse isku day in aad maskaxdaada ku dhex sawirato sidii ay naftaada isku beddeli lahayd haddaad ku guulaysato yoolkaaga! Ha sawiran oo kaliya balse isku day in aad si dhab ah u dareento.

  • Ma isku arkaysaa in aad adiga tahay hagihiis sahanka u ahaa hayaanka guushiisa?
  • Waa side saadaasha kaa hor muuqata iyo laaca aad u tahay geedigu?
  • Isku day in aad ii falanqeyso hirka iyo dooga hortaaga ka bidhaamaya quruxdiisa iyo ildoogsigiisa
  • Dareenkaaga u fur nawilaada iyo nayaayirka naftaadu ugu jeceshahay ee farax geliya

Hagaag, mar kale abuuro hummaag maskaxeed sida adiga oo jooga meeshii aad dunida ugu jeceshahay in aad u dalxiisto, adiga oo haysta gaari kan ugu qaalisan, guri weyn, gabar qurux badan iyo adiga oo dhex fadhiya xafiiska shirkaddaada, weliba adiga oo amar kala siinaya shaqaalaha shirkadda. Dabcan kaasi waa gaarigii aad inbadan ku riyoonaysay iyo meeshii aad jeclayd in aad u dalxiis tagto.

Haddaba, hummaag maskaxeedkaas aad abuuratay wuxuu dagayaa caqliga dahsoon kaddibna nafta waxay ku dadaali doontaa sidii ay ku xaqiijin lahayd muuqaalkii qurxoonaa ee aad sawiratay. Joogtayso hummaag maskaxeedkaas muddo dhan hal bil shaki kuma jiro in ay maskaxdaadu adeegsan doonto awoodda daahsoon waxayna isku dayi doontaa in ay raadsato barwaaqadii iyo liibaantii aad uga soo sheekaysay, waxaan ku soo arjarayaa qormadan tuducyo ka mid ah maansada higsi:

  • Waxaad higsanayso
  • Naftaadu u heelan
  • Hankeeda u muuji
  • U hiili hiiraalka
  • Hayaanka dantaada
  • Horseed sahankaaga
  • Habeen haka seexan.
  • Waxaad haabaneyso
  • Haddaad heli weydo
  • Oo aad hammigaaga
  • Kolkaa hanan weydo
  • Ha hiifin naftaada
  • Dedaal ku dar hawsha
  • Adoon hamraneynin
  • Guushaada Hilaadi.
**Cabdiraxiin H. Galayr)**

Xigasho: Buugga Sirta Guusha. Cutubka 3aad, bogga 38aad.

Mudanep5@gmail.com

 

SHEEKOOYIN