Filan waa Q15AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q15AAD

Xiligii balanta markii la gaadhay Maxamed intuu labistay ayuu horay ka aaday xaafadda Dhagax jabis oo ah halka uu ku yaallo guriga lagu balansanaa,

Deeqa oo ganjeelka aqalka ku diyaara ayuu arkay, soo dhawayn iyo salaan kaddib, qol guriga ka mida oo si wanaagsan loo sii habeeyay ayay galeen, sheeko badan wakhti looma hayo, ujeedadii kulanka caawa iyo Maxamed oo shalay iyo maantaba ka dhawaajiyay inuu wax cusub hayo ayaa hadalkii ku bilaabay.

Maxamed isagoon kawarwareegin dulucda ujeeddada kulanka caawa ayuu si sarbeeba u tibaaxay waxa uu damacsanyahay, waxa uu hadalkiisii ku ibo furay maah maah iyo tuducyo geeraaraa oo ka turjumaya qalbi dareen jacayl xambaarsan, dabadeed s icad ayuu daaha uga rogay waxaa uu u danlahaa, wuxuu yidhi: “Deeqay walaalo  maalmahanba isbadal wayn ayaa igu dhashay, waxaan dareemayaa rabitaan dabiiciya oo ka dhaxeeya lab iyo dhadig, kaa soo soo taxnaa ilaa Xaawo iyo Aadan” wuxuu shaaca ka qaaday in cishqi ugub ihi qalbigiisa bidix dagay,  sidaa darteed, wuxuu yidhi: “Muhiimada kulankeena caawa, waxaan kaa doonayaa inaad  ilaqaybsato ama ila wadaagto arrinta aan ka dhawaajiyay”

isagoo sii sharxaaya ayuu waxa uu ku dheeraaday in jacaylku yahay wax rabaaniya, kaasoo aan lahayn xad iyo xuduud, wuxuu yidhi: “Quruxdaada iyo dabeecadaada wanaagsan ayaa ii horseeday inuu igu beermo hammi iyo hilow”, meelo badan ayuu tusaalo iyo tilmaamo ka soo qaatay isagoo doonaya inuu godal qaado qalbiga Deeqa, si uu naxariis iyo daqmqasho uga helo.

Waa hubaal gabadh uu Maxamed hor fadhiistay inayna haa mooye marnaba maya odhanayn, waa Nin Illaahay ku manaystay xikmad iyo hadal, sheeko dhinacyo badan kaddib wuxuu hadal ku soo koobay, qof ku yidhi waan ku jeclahay ku jantay ayaa la dhahaa!!!!!

Deeqa aad ayay ula dhacday uguna faraxday  sheekada caawa uu Maxamed usoo bandhigay, balse xishood iyo ilnugayl gabadhnimo owgeed, wixii mudo maankeedu tabayay wey ka gaabisay inay soo tabiso, inkastoy si dadban uga shanqadhisay sida ay ugu heelantahay inay Maxamed jacayl lawadaagto, haddana hadaladeedu sarbeeb ayay ubadnaayeen, waxayna umuuqdeen qof uriyaaqsan arrinta loo soo bandhigay.

 Kadibna Deeqa iyadoon sicad waxba utibaaxin, waxay Maxamed ka codsatay, inay jeclaan lahayd inay ka soo fikirto, maadaama ay arrintu kadis ku noqotay, wakhtiguna uu cidhiidhiyahay, waxay intaa uraacisay inay mar walba udiyaar u tahay waxa uu Maxamed jecelyahay, waxay tiri:

 “ha umalayn inaan hor istaagay hammigaagii, hana u qaadan inaan dhaawacay himiladaadi, waxaad ku seexataa sidii anigoo fikirkaagi kula qaatay ama kugu raacay, taa micnaheedo waxay ka dhigantahay inaan mar walba qadarin iyo xushmo gaara kuu hayo, waxaa hubaala oona marnaba inkiri karin, inaan farxad badan ka helay barashadaadi, laakin waxaan kaa codsanayaa inaad fursad isiiso oo aan arrintan kaga soo fikiro, kaddibna wixii ka soo baxa aan kula wadaago”

Maxamed inkastuu jeclaa ama ku hanwayna in arrinta laga aqbalo, haddana wax dhiba uma arag, wuu ka ogalaaday inay kasoo fikirtoo, kaddib sheekada oo meel macaan maraysa iyo wakhtiga oo gabaabsi owgiis ayaa lays maca salaamayeey.

Maxamed markuu gurigoodi yimid, Telefoonka ayuu uga sheegay inuu nabad tagay, kaddibna wuu iska seexday isagoo mooraalkiisi aan ahayn siidii habeenki kan ka horreeyay ee uu la kulmay Deeqa, kolba wuxuu iswaydiinayay waa maxay sababta ay uga soo fikirayso, miyaanay kugu qanacsanayn iyo tolow maxayse noqon natiijada ka soo bixi doonta jawaabta aad ka sugayso, dhinacyo badan ayuu arrinta ka eegay, wuxa uuna ugu dambayntii isku dhiirigaliyay in soo dhawayn mooye diidmo marnaba dhici doonin, isagoo ku sababeeyay wanaaggi uu ka arkay Deeqa muddadii yarayd ay is yaqaaneen.

Deeqa waa qof dumara iyadoo jecel oo waliba aad udanaynaysa ayay haddana sheekadi dib u dhigtay, waa caaddo haween, waa wax iska dabiiciya oo inta badan dumarka Soomaalidu isticmaalaan, marka xaalad sidanoo kale ay jirto, waxaana loo aanaynayaa sababta ugu wayn inay tahay xishoodka oo kubadan gabdhaha Soomaalida.

Barqadii ayuu Maxamed hurdadii ka sookacay, halkii qalbiguusu jiray ayuu Telfoonkii ka wacay, ciddina kama qaban, intuu gacankii iska dhigay ayuu halkaa ku tuuray madaxadi Telfoonka, gabar ay walaalo yihiin ayaa quraac ukeentay, waxyar kaddib hooyadii ayaa qolkii ugu soo gashay, waxay waydiisay isbadalka maalmahan ku dhacay iyo telefoonkan faraha badan ee maalin iyo habeen dhagta uu ku hayo waxa ay tahay?

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@hotmail.com

SHEEKOOYIN