Filan waa Q16AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

 

 

Filan waa Q16AAD

Maxamed intii uu quraacda cunaayay hooyadii ayaa qolka ugu soo gashay, waxayna waydiisay isbaddalka maalmahan ku dhacay iyo telefoonkan faraha badan ee maalin iyo habeen dhagta uu ku hayo waxa ay tahay?

sidookale waxay su’aashay xalay iyo habeenkii ka sii horeeyay sababta uu xili dambe guriga uyimid?

 Waxay ku tidhi:

 “Maandhow miyaadan ogayn mudooyinka dambee inay soo baxeen rag hubaysan oo dadka baadha, runtii waan kuu naxsanahay ee sidan iskudhaan oo fiid hore guriga imow, mida kale dhafarka badana iskadaa xaaladdaada caafimaad wali taam ma aha.

 Maxamed hadalka Hooyadiis wuu garwaaqsaday, inkastuu sheekooyin kale oo mala awaala ka dhaadhacsiiyay, wuxuu xaqiiqsaday in lagu waynyahay oo jacaylka uu uqabo Deeqa maalinba maalinta ka dambaysa ku sii siyaadayo, waxyar kaddib hooyadii ayaa magaalada alaab uga dirtay.

 Deeqa oo iyana xiligaa toostay ayaa si la mid ah halkuu maankeedu tabayay Telefoon ku soo qabatay, balse nasiib daro qof kale oo ka mida dhallinyarada guriga joogta ayaa ka qabtay, wuxuu usheegay in uu Maxamed magaalada u dhaadhacay.

Xili duhuradii ku dhow ayuu Maxamed magaalada ka sool aabtay, qolkiisa intuu galay ayuu Telefoonkii sooqaatay, sidii caaddada u ahayd lambarkii Deeqa ayuu wacay, salaan kaddib wuxuu usheegay inuu ku dhib qabo Telefoonka oo marka ay isku baahdaan in ayna si joogta ah isku helayn,laakin wakhtigaa wixii ka dambeeyay waxay samaysteen xiliyo cayiman oo ay isla soo hadli karaan.

Kaddibna sheeko ayaa halkaa laga sii amba qaaday, Deeqa waxay amaan iyo wanaag kala dul dhacday Maxamed, sidoo kalana waxay aad ubogaadisay kulankoodi xalay, waxay  ku tilmaantay inuu ahaa mid hammi iyo rajo weyn galiyay, kalsooni iyo farxad badana ku abuuray, waxay kolba ku celcelinaysay waxaa nasiib leh qofka aad noolasha la wadaagto iyo hadale kale, ilaa uu Maxamed niyadiisa ku soo dhacdo tollow ma waxay ku odhan doontaa, arrintii aad ka sugaysay waan kula qaatay, calashaan sida ay ugu faraxsantahay iyo hadalada ka soo burqanaya ee macaanka badan owgeed, markii  ay cadceedu dhacday ayay Deeqa ku tiri Maxamed walaalo  waa maqrib guriga ayaan kala hagaajinayaa ee maca salaama,  waa inoo caawa iyo telefoonka.

Maxamed hadalada Deeqa aad ayuu ugu diirsaday, waliba si wanaagsan oo daganaasho ku muuqato, wuxuu si kalsooniya u aaminay inay wax walba sidii uu rabay u dhici doonaan, waxaa u muuqday ifafaalo iyo calaamado caddaynaya  in Deeqa ay si wayn ula dhacsantahay, oo markaasi wax farqi ah ama kala fogaansho caynkaasa habayaaraate aanay jirin.

Sidaa tarteed Maxamed waxaa ka dagay walwalkii iyo shakigii uu ka qabay Deeqa oo ahaa in wax walba dhicikaraan oo maya iyo haa aan lasaadaalin karin mida uu kala kulmidoono, balse hadda waxaad mooda inay arrintaasi dhan uga dhacday, si caadiya oo wax murugo aan lahayn uyuu ku naawilayaa jawaab wanaagsan oo rajo galindoonta.

Mudo kadib telefoonkii ayay ka soo wacday, sheeko iyo haasaawo jacayl oo saacado badan qaatay ayay isla jeex-jeexeen, kaddib waxay isku afgarteen inay habeen dambe kulmaan, inkastoy ayna Deeqa shaaca ka qaadin inay soo bandhigi doonto jawaabtii laga sugayaay iyo in kale, haddana shuruud la’aan sidaa ayaa lagu kala tagay.

Maxamed galabtii ayuu wiil ay saaxiibo ahaayen oo qol iskaabulo daganaa furaha guriga  ka soo qaatay, kabacdina Deeqa ayuu lahadlay, wuxuuna u sheegay in ay Bas soo raacdo 6:30 Fiidnimo oo ay magaalada ugu timaado, gaar ahaan Aargada labaad oo ah halka uu Basku ku eegyahay, isna meeshaa uu ku sii sugi doono, wuxuu intaa uraaciyay inay haddaba i sdiyaariso maadaama wakhtigu dhowyahay, wuxuu yiri isku tasho oo howlahaaga hadda dhammayso durbana isfududee, kaddibna horay ayuu u siibaxay.

  Intii uu jidka ku sii jiray  waxyaabihii maankiisa ku soo dhacayay waxaa ka mid ahaa, malaga yaabaa inay caawa arrintii aad ka sugaysay jawaabteeda ku siiso iyo inkale? mudo saacad barked ayuu jardiinka Hotel Madiina kaligii fadhiyay oo uu Deeqa ku sugaayay, gaadhigii soo bidhaamaba  Baskii deeqa siday intuu mooda ayuu indhaha la raacayay, ilaa markii dambe Bas soo istaagay, dad rakaaba  oon sidaa ubadnayn ayaa ka dagay, balse Deeqa lama aysan socon.

 Maxamed  oo talo ku caddaatay lana yaaban waxa qofka dumara ku dhacay ayaa Kirishboyga Baska ka shaqeeynayay waydiiday, inuu Baabuurkale  soo socdo iyo inkale, wuxuu usheegay inuu waxyar kadib mid kale imandoono, intii ay hadalka hayeen ayuuba soo istaagay, dad badan ayaa kasoodagay oo ay  Deeqo ku jirto.

Salaan kaddib, Maxamed isagoo faraxsan ayuu ina keen ku yidhi Deeqa, kaddibna horay ayay isku raaceen, iyagoo u jihaystay dhanka iyo xaafada Kooshin, intii ay waddada sii hayeen hadal majirin oo way kala xishoonayeen, midba jidka dhinac ayuu ka socday, markay gurigii loo socday yimaadeen si tartiiba ayay qolkii ay furahiisa wateen ugu siigudbeen.

lasoco qaybaha dambe

W/Q: yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@hotmail.com

SHEEKOOYIN