Filan waa Q24AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q24AAD

Maxamed Telefoonkii ayuu ku damiyay Deeqa, wuxuuna ku yidhi: walaalo ma awoodo inaan xiligan kulla hadlo fadlan madaxa ayaa i xanuunayaa waan seexanayaa macasalaama. kaddibna telfoonkii ayuu xadhiga fiiladda ka bixiyay.Kulankii dhaxmaray Maxamed iyo Deeqa farxad lagama dhaxlin, wax wanaagsana kama soo bixin.

Deeqo oohin iyo fikir ayay dhan ula dhacday, ilaa muddo shan bilood ka hor sidii ay hirarka waawayn u dhax muquuratay, xaalladeedu ma daganayn, safarkii ay Muqdisho ku aaday ee wakhtiga dheer qaatay cidna kama war haysu wuxuu daaranaa, iyadoo ilmaynaysa ayaa Maxamed ugu war dambeeysay iyadoo baabadayna way u timid, laakin waxaa xaqiiqa ah, Deeq waxa ku habsadayba in wax wayni ay si ka yihiin.

Maxamed subaxdii markii uu toosay ayuu hooyadii la kulmay, kaddib wuxuu ka codsaday in arooska muddo toddobaada dib loo dhigo, wax damboo allaabana aan la soo iibin ilaa amar dambe, wuxuu hooyadi usheegay in aanay wax dhiba jirin, balse ay sidaa isku afgarteen isaga iyo gabadhii ay is jeclaayeen, sababa jira owgeed.

Hooyadii aad ayay ula yaabtay arrintan wajiyada badan ee aan majaraha adag lahayn, taasoo cisho noolba sheeko hor leh iyo mowduuc cusub loola imaanayo, waxay ka muujisay walaac iyo habacsanaan fara badan oo hadba war aan la hubin loo keenayo, waxay wiilkeeda ku canaanatay inuu degdega isk adhaafo, waxay intaa u raacisay in hadda wixii ka dambeeya wax la hubo oo laysku ogyahay mooye wax kale la hor imaan, iyadoo walwal ka muuqdo ayay waxay ku tidhi: “maandhow waan ku jahwareeray arrintiina allow yaa dhan uun iiga rida waan ka nasan lahaaye”.

Maxamed Aabbihii oo awal ka cagajiidayay, islamarkaana ka soo horjeeday in maxamed sannadkan uu guursado, ayaa hadda markuu arkay inaan hadalkiisa loo joojinayn dabacsanaan waalid la yimid, wuxuu Odaygu Maxamed hooyadii u sheegay inuu kharash iyo wax walba diyaar la yahay, sidaa darteed howsha iska tiiriyaan,  wixii looga baahdo ee odaytinimo kaalinteedi uu ka soo baxi doono,wuxuu yidhi: “Waxaa wanaagsan wax laysku ogyahay in la sameeyo”, midda kale wuxuu talo ku soo jeediyay in hubsiino wax lagu wado oo layska oggaado  gabadhu reerka ay ka dhalatay, inta aanay taladu faraha ka bixin,qoys wanaagsan oo la yaqaano  ayaan doonayaa inaan la xididno,

Odayga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yidhi: wixii aad u baahataan ee kharasha bakhaarka Maxamed dheere ayaan idinku balaminayaa ee ka qaata, sidaa ayaan isku ognahay waxaan doonayaa jimcaha inaan odayaasha uu Maxamed shalay iisheegay aan la kulmo”.

Qoys iyo qaraababa hadda si wayn ayaa loogu heelanyahay, balse salaadu meel ay iska qaban ladahayba saadaashuna ma saloona.Maxamed oo ah ninka laga war sugaayo ee la rabo inuu dadka sii dhiirigaliyo, wixii kulankii xalay ka dambeeyay xaalkiisu wuu isbaddalay, firfircoonidii badnayd iyo dhaqdhaqaaqii kama muuqdo, inta badan wuu jiifaa, cidna kalama sheekaysto howsha arooska, waxaad mooda inuu ka tala baxay.

Waxaa lagu jira xaalad kala guura oo yaabkeeda leh, dhan loo socdo iyo qaab wax loo wado aan cidna garayn, isha ayaa layska eegayaa, dadka qaar ayaa dhibsaday xogta arooska in la waydiiyo, kaddib markii hadalo hore oo badan ay wax ka ma jiraan noqdeen.

Deeqo fikirka iyo murugadan faraha badan ee ku talaalmay qalbigeeda, wuxuu halis galiyay xaaladeeda caafimaad, wax jidiini kama dago hurdo sidaa ubadana ma seexato, wakhtigu inta badan wuxu ku dhaafaa fikir iyo dhabanahays, gar iyo gardaraba  eeda iyadaa dusha laga saaray, intaa loogama hadhinee waxaa loogu daray hadalo aad u kulul oo qalbigeeda gilgilay, iskadaa wax kale Maxamed aragtideeda ayuu geeri ka xigaa, ma jirto cid u kala garqaada oo saaxiibo gaara ama ay sir wadaag ahaayeen, maadaama labadoodu  jacayl indha la’aana isku calmadeen, xogta iyo xubiga ka dhaxeeya iyaga oo kaliya ayuu ku koobnaa.

Deeqa marka ay telfoonka maxamed wacdo lagama qabto, balse nasiib wanaag xili galaba ayay soo wacday, waxaa ka qabtay wiil ay Maxamed ilmaabti yihiin, salaan kadDib iyadoo naxsan ayaa waxay tiri: “Walaalo adoo raaliya Telfoonka maxamed iigu dhiib?

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN