Filan waa Q26AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q26AAD

Haddi aadan rabbin inaad  nolasha ila wadaagto, waxaan kaa codsanayaa in aadan walaaltinimada iga goosan, waan ogahay qof xun ayaan ahay, runtii kuuma qalmo, laakiin cishqigu indho ma lahan, shalay markaad I jeclayd agtaada qiimo ayaan ku lahaa, balse maanta waan hubaa inaadan ahayn sidii aan kugu aqaanay, taasina waa hab dhaqanka ibnu’aadanka oo iska wajiyo badan, isbadalkiisuna aanu xad lahayn.

Si walba ha ahaate ii dulqaado oo nafsi guudka ha ii sudhin, dhibaato inta iminka I haysata ayaa igu filan, fadlan iska kay cafi, wax walba waxaad ka soo qaada mucjiso iyo filanwaa, aad ayaan kaaga fikiraa mar walba, sababtoo ah dhibaatada ku soo gaadhaysa ayaan dareemayaa, horay waxaa loo yidhi, dab qofkii ku gubtay ayaa laga waraystaa, waxaa aan la baa’bay waa murugo iyo mushkilad aan nasiib u yeeshay ee ma ahan waxa aan mutaystay, balse wakhtiga iyo waayaha ayaa I baday inaan rafaadkaa ku noolaado, cimrigayguna sidaa ku abaado.

Deeqa oo ilmaynaysa isla markaana hadalo naxdin iyo murugo xambaarsan ku tiraabaysa ayaa waxaa u yeedhay Eedadeed, kaddib waxay Maxamed ku tidhi: “Walaalo khadka ku jir laba daqiiqo waan kuu soo noqonayaa”.

 Markii ay soo laabatay Deeqa. halkiii ayay halkeedi ka sii waday waxay tidhi: “Nolasha farxad kuma haystoo, ehel iyo qaraabo dhibka ila qaybsada marna ma helin qof ii nasteexeeya oon  aamino ma arag, xitaa wax ila taliya oo niyada ii dhisa ama garab iyo gaashaan ii noqda ma jiraan, qof lama daggaan ku nool ayaan noqday, sidii duur joogta oo kale ayaa la ii ugaadhsaday, markaasaan cadow iyo cid walba u jabay, dhanna iima roona oo dhinac walba waan ka gubtay.

Waxay tidhi: “qofna ma jeclo inuu gacmihiisa ku kasbaddo guuldarro, ruux walba wuxuu hillaadiyaa rajo wanaagsan iyo noolal qurux badan, aniguna sidoo kale waxaan yaraantaydii niyada ku hayn jiray mustaqbal wanaagsan iyo nolal farxad badan, balse nasiibdarro kuma aanan guulaysan in aan gaadho halkii aan rabay, rajo iyo farxad waxaa iigu dhawayd maalintii aan ku bartay, waxaan islahaa iminka ayaad heshay qof u qalma in nolasha lala qaybsado, laakin yididiilada caynkaasa ee aan niyada ku qoray iyo jacaylkaa baaxada wayn een kuu qaaday, waxaa caqabad ku noqotay, wax aana waligay kuba fikirin!!! Maalintaas wixii ka dambeeyay taariikh madow ayaan galay.

Halkaa markay sheekada marinayso ayay Deeqa wax yar aamustay, qof ciishooday waa caadadii, waxay dib u raad gurtay waayihii adkaa ee nolasheeda iyo dhibaatooyinkii ay soo maray, markaasay ciil iyo cadho oohin is hayn wayday.

Maxamed oo yaaban, islamarkaana sheekada aad u dhuganayaa ayaa wuxuu maqlay hugun iyo hiinraag hoose markaasuu yidhi: “Hallow Hallow……..Deeqa codkaaga ma maqlo maxaa ku helay, ku mee? Sheekadda ii wad”

 Il bidhiqsiyo kaddib intay soo himbiriirsatay ayay ku tidhi: “Waxba ima helin walaalo, way I kan, ee waxaan filayaa sheekada ayaan kugu badiyay, balse dhib malahaan, sababtoo ah ujeedada aan ka leeyahay ayaa waxay tahay, inaan hordhaca arrinta kuu iftiimiyo si aad qaybaha dambe u fahanto, haddana waatan iyadoo faaf-faahsan, sidan ayay wax u dhaceen.

Hooyadeey waxa ay dhimatay iyaddoo laba iyo toban jira, xiligaas Aabahayd ciidamado maleeshiyo deegaanka ah  yuu ku jiray, inkastoo reerku waxtar muuqda aanu ku qabbin, haddana noolashiisa ayaa la shinsanayay, qoyska iyaddaa u weynayd, waxaa la dhashay wiil iyo gabadh, geeridda hooyadeed kaddib, waxaa loo kala geeyay Habaryarteed iyo Eedadeed oo ku noolaa baadiyaha, iyaddu waxay nasiib u yeelatay in loo keeno adeerkeed oo magaaladda dagganaa.

Deeqa halkaa ayay ku soo barbartay, inkastoo muddaddii horre si wanaagsan loo soo dhaweeyay, haddana baryihii dambe xaaladu way isbadashay, dhibaato baddan ayay kalla kulantay qoyska, howsha gurriga intiisa baddan iyaddaa dusha laga saaray, iskuul iyo wax barasho hadal keed daa, sida ay daakiraadii u kacdo ayay habeenkii xili dambe iyadoo daal iyo diif  la il daran jiif isu diyaarisaa,inta ayna gam’in ka hor waxay ka sii fikirtaa oo u sawiran howsha barri culayskeeda, canaanta iyo guulguulka ay wajihidoonto.

la soco qaybaha dambe …

W/Q:  Yaasiin Xasan Muuse

SHEEKOOYIN