Filan waa Q28AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q28AAD

Deeqa oo hadalkeedii sii wadata ayaa waxay tidhi: Maalin maalmaha ka mida ayaa wiil aan iskuulka wadda dhigan jirnay oo xiriir hoose naga dhaxeeyay, balse aana aqoon durugsan u lahayn ayaa isoo bandhigay mustaqbal, guur iyo inaan noolal wadaagno.

 Kama laba labayn hadalkiisa oo si shuruud la’aan ah ayaan u aqbalay, anigoo ujeedkeygu ahaa inaan ka indha qarsato labada abeeso ee noolasha ii diiday, wiilku wuxuu ii sheegay in uu ka soo jeedo reer ladan, isna uu yahay wiil madi ah, sidaa darteed mar walba waalidkii ay kula taliyaan inuu guursado, hadaladaas aayaan u dhagtaagay, waxaana arrintaa u arkaayay inay tahay fursad.

Cidna uma sheegin, oo waan isla baxsanay,waxaan tagnay magaalada Guriceel, laba cisho kaddib markii ay xaafaddu ogaatay, waan soo labanay, sida caadadu ahayd adeerkay ayaa loo tagay oo  si fiican loola xididay.

Aroos aad u wanaagsan ayaa la ii dhigay, waxaan dagnay xaafadda Buundo-weyn gaar ahaan Fiiltaro, muddo toban bari kaddib balanqaadkii iyo arrintii uu wiilku ii sheegay, waxay noqotay waxba kama jiraan.

Sheekaduna waxay ubiyo shubatay, naag beenbaa lagu soo xero galiyaa runa waa lagu dhaqaa, xaaladuna waxay u eekaatay, kud ka guuroo qanjo u guur, sidaa ayaa intii mudda ah ku wada noolayn, maalin wax la helo iyo maalin wax la waayaba, si wa naagsan ayaan ugu qanacsanaa, inkastoo aan ka xumaaday in waxa aan jirin  laygu soo hoday.

Dadka qaraabadda iyo asxaabta marwalba farxad ayaan u muujin jiray, ma ogolaan jirin sirtayda hoose inay ciddi ogaato, sababtoo ah cadow badan iyo waxaa jira dad warxumo tashiila oo igu wiirsanayaa, markay arkaan anigoo noolal liidata ku nool, sidaa darteed niyada ayaan isku dhisi jiray.

Jawigaa qalafsan iyo maraxaladdaa adag  anigoo u dhabar adaygay, ayuu haddana ninka aan wada joognay, oo markii hore ahaa nin wanaagsan , balse masuuliyadda qoyska iyo dhaqaalo la’aantu ay fikirka badani dhaxalsiiyeen, ayaa waxaa ku dhacay isbadal badan, balwad uuna awal lahaan jirin ayuu  bilaabay, dabeecad aan lagu aqoon ayuu la soo baxay, habeennada qaar magaalada ayuu ku soo dhixi jiray, haddaan la hadlo wax aan ka naxo mooyee hadal san loogama fadhiyo, maalin maalmaha ka midda oo aan arrin yar isku qabanay, gacan qaad iyo nabaro xun xun ayuu i gaadhsiiyay.

Waan qariyay, oo cidna uma sheegin dhibka uu iigaystay, isna wax isbadala haba yaraate kama arag, waa nin bilaa camala oo wax shaqo ah aan hayn, jahwareerka adduunyadu waxay ka dhigeen nin bad kale ku jira, kaligii ayaa isku buuqay, dhallinyaro ay saaxiibu ahaayeen ayaa kula taliyay maadaama uuna waxba haysan masaariifna laga sugayoo inu ku biiro kooxo mooryaana oo xiliyadda habeenkii waddada laamiga gaadiidka ku baadha, haddana arrinkaasi wuu u cuntami waayay, sida uu isagu afkiisa iiga sheegay.

Markaan arkay in ninka xaalkiisu meel aan wanaagsanayn uu marayo,  ayaan maalin dambe  waalidkii  u sheegay, in wiilkoodu aanu sidii hore ahayn.

 Aabbihii ayaa la hadlay oo waaniyay, balse habeenkii markuu soo hoyday ayuu ii gacan qaaday, isagoo leh, maxaad Hooyaday Iyo Aabahay iigu dirtay ood ugu sheegtay inaan balwad leeyahay.

Maalintaa wixii ka dambeeyay go’aan ayaan gaadhay,waxaan soo istaagay warqadeyda halayga siiyo, waxaan u wacday adeerkey, markuu ii yimidna waan ku dul baroortay, anigoo u sheegay wax alaala wixii uu dhib ii geystay,

Dood dheer kaddib waxaa laysu waafaqay inuu warqadeyda uu i siiyo, wuxuuna igu furay laba dalqadood.

Fadhi iima yaalo, gurigii adeerkey ayaan dib ugu soo laabtay, si fiican ayaa la ii soo dhaweeyay, gabdhihii dhibka badnaa ee awalba jiif iyo joog ii diiday ayaa waji farxad ka muuqado igu qaabilay, aad ayay uga xumaadeen dhibka isoo gaadhay iyo inaan kala tagnay xaajigaygii.

Aniga laftaydu kuma faraxsanayn inuu gurigaygu dumo, balse danta ayaa igu qasabtay inaan sidaa xal moodo, waan ku kalsoonahay dadnimadda aan u dhashay iyo dabeecadayda wanaagsan, shaki kuma jiro in aana dhulka dhacayn.

Waxaas oo dhan waxaa iiga daran oo walwal ugu haya, sida aan u hishiindoono labadii gabdhood ee adeerkey dhalay ee gurigga madaxwaynaha ka ahaa.

Intii aan ka maqnaa aad ayaan uga raystay qayladii iyo buuqi badnaa, balse hadda waan ogahay in filimkii qabyada ahaa cajalada halkeedii laga siiwadidoono.

Habeenkii markay islaantii Eeday ay guriga timid, ayay durba labadii gabdhood intay qolka ugu galeen u sheegeen…

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Yaasiin Xasan muuse

Yaasiinxm114@hotmail.com

SHEEKOOYIN