Filan waa Q32AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q32AAD

Deeqa markay halkaa sheekada marinayso ayaa waxay maqashay, dhawaqa xabbado tacshiir ah iyo qaylo nin cod dheer oo  leh alla i qaada alla i qaada, intay naxaday ayay Maxamed ku tidhi: “ walaalo khadka ku jir xabbadaa dhacaya.

Intay soo booday ayay albaabka degdeg u furtay si ay u ogaato qofka dhaawaca ee qaylinayaa,Deeqa waxay ka walwalaysay adeerkeed oo magaalada ku maqnaa.

Eedadeed Waris oo xabbadaha lays waydaarsanyo ka gabanaysaa ayaa intay kab ku tuurtay iyadoo qaylinaysa ku tidhi:“Naa xabbada ka fadhiiso oo guriga noo soo xidh balaayo ku dishayee”

Deeqa horay ayay u sii baxday, wax yar kaddib, markii wixii meesha ka dhacay soo ogaatay durba dib ayay u soo laabatay.

Gacankii telefoonka intay qabsatay ayay Maxamed ku tidhi: “raali alow gacaliye waan kaa soo daahay”

Maxamed ayaa ugu jawaabay: Waad mahadsanahay walaalo,kaddibna wuxuu waydiiyay xabbadihii dhacayay waxa ay ahaayeen?.

Waxay tidhi: “niman tuuga ah oo waddada dad ku baadhanaya ayaa waxay is heleen laba nin oo shacaba oo hubaysan, waxa ayna is weydaarsadeen rasaas, kaddib mid kamida tuugadii ayaa dhaawacmay.

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii wiil ay Maxamed saaxiibo ahaayeen tuugo ay dhaawaceen, Maxamed oo dhacdadaa xanuunka leh maankiisa ka guuxayso ayaa wuxuu yidhi: “Maalmahan tuugadu waxay noqdeen mushkilad gaara, waxaa wanaagsan in xaafad walba ay samaysato ciidamo madani ah, intaa kaddib wuxuu yidhi: “Deeqo waxaan filayaa sheekadii waad dhamaysay, mise wali waxbaa kuu hadhsan?

Haa walaalo, fadlan wax yar ii dulqaado waan dareensanahay inaan sheekada kugu dheereeyay, ayay Deeqa ugu jawaabtay, waxay tidhi iyadoo sheekada halkii  ka sii ambaqaadaysaa:

“Ninkii sidii hore aad ayuu isaga badalay, waxaad moodaa inuu caqli badan u kordhay oo awal dhallinyaranimo ay qaaday, dabacsanaan, kalsooni iyo faxad mar walba  joogta ah ayuu iila yimid, laakin nasiib daro waxaas uma soo jeedin.

 Nabsigu waa hadhka labadiisa galin, shalay anigoo xaalad liidata ku sugan ayaan aad ugu qanacsanaa oon jeclaa, laakiin markan labaad een midownay aragiisa ayaan dhibsanayay, sababtoo ah xumaantii hore ayaa wali maankeyga ka dhax guuxaysay, sidoo kale jacaylka aan kuu qabo Maxamedow ayaa i madax maray, waxaa horay loo yidhi laabi laba ula’ ama qalbi laba uma qaybsamo.

Aad ayuu ugu jahwareeray xaaladeyda, balse wuu dareemayay in tashuush badani ku furanyahay, in kastoo uu fahmi waayay meesha layga haysto iyo cilada jirta waxa ay tahay, haddana waa nin dhallinyara ah wuu arkayay  in wax wayni iga khaldan yihiin.

Xilliyada qaar wuxuu i waydiin jiray, bal inaan faahfaahin iyo xog dheeraada ka siiyo m dhibka iyo dhiilada dhafoorkayga laga dheehanayo si uu xal iila raadiyo ama uu dhibka iila qaybsado, laakin warkiisa dhag jalaq uma siinjirin.

Nasiib wanaag, seddex bilood kaddib waan umulay, waxaan dhalay wiil, dhammaan qoyska iyo qaraabadu aad ayay ugu farxeen, sababtoo ah, cabsi badan ayay ka qabeen inaan umul raaco, tabar darri iyo dhiig la’aan awgeed, isbitaalka ayaa la i jiifiyay, waxaana la ii shubay dhiig, maalmo ka bacdi ayaan cisbitaalka ka soo baxay anigoo tabcaana.

Dhibka iyo dhibaadata i haysay, waxaa iiga darnaa oo mar walba niyadeyda aan ka bixin, wanaagii aan kugu bartay iyo jacaylkii dhabta ahaa ee ina dhaxmaray, balantii iyo axdigii aan wada dhiganay iyo sida uu dhankeyga uga burburay.

Nasiibku ima saacidin, waxaana igu dhacday arrin Filanwaa ah taaso maalmo kooban haadaan ku riday waxaan mudda dheer hilaadinaayay.

Waxaa kaloo la yaab igu noqotay wakhtiga oo igu daba dheeraday, iyo ninkan i qabay oo jacayl  aan horay uga waayay iminka ii soo bandhigay.

Dhinaca kale waxaad mooda inaan dhibka dhaxal u yeeshay, xilliba xilliga uu ka danbeeyo rafaad iyo walbahaar hor leh aan shanta la sii galayo, maalmo kaddib, waxaa iga saqiiray wiilkii yaraa en dhalay, xaaladda qalafsan ee nolashayda ku gadaamani waxa ay noqotay mahadho la yaabkeeda leh.

Mararka qaar waxaan iswaydiiyaa tollow yaa ku habaaray, iyo xagee lagaa haystaa, haddana waxaan isku qanciyaa in wax walba ku socdaan qadarka Eebe.

Dhowr bari kaddib oo uuna xaalkeygu wanaagsanayn ayaan ninkii ka codsaday inuu warqadeyda siiyo, maadaama aana farxad ku haysan in aan sii wada noolaano, laakin ninku arrintaas wuu iga diiday, wuxuu yidhi: “Wax walba ood jeceshahay ama aad ku farxayso waan kuu samaynayaa, balse haka yaabin inaan warqadaada ku siiyo, wuxuu intaa ku daray haddaan shalay kaalintaydii ka soo bixi waayay maanta ayaan diyaar u ahay inaan ku dhaqdo oo noolal wanaagasan ku wada noolaano”

Si walba oo la ii waaniyay waxa aan istaagay maya, waxaan dhahay: “waxaan ku qancaa oo kaliyaa in warqada la iga siiyo, dood iyo dagaal ayay noo ahayd muddo toddobaada, wax walba oo laysku dayay waxa aan istaagay maya!, markii la ii tag waayay waxaa qasab noqotay in lay furo, sidaa ayaana ku kala tagnay.

Saacaddo kadib Telefoon ayaan kaala soo hadlay, waxa aan kuu sheegtay inaan Muqdisho hadda ka imid, balse magaalada ayaan dhinac kaga jiray.

Habeenkii aynu ku kulanay xaafadda Lama galaay, runtii kuma aadan qancin arragidayda, aniga laf ahaantaydu waan dareensanaa in wax badani is badali doonaan.

Guntii iyo gabagabaddii sidaa ayay wax u dhaceen, xaqiiqada markaan ka hadlana wax aan tala gal u sameeyay ma jiraan, waan ogahay inaan waxyaabo badan kaa qariyay, laakiin marnaba ismalahayn sidaan ayay wax noqon doonaan.

Ugu dambayntii walaalo, waxaan caawa hortaada ka qiranayaa inaan ahay qof dambiila ah, balse qalad kasta oon naftayda iyo taada ka galay waxaa igu wacnaa jacaylka aan kuu qaaday oo iga tanbatay iyo arrimo kala duwan oo filan waa ah oo ila soo darsay intii aan ku bartay.

Farxad iyo nolalba waxaa iigu horreysay muddadii aan ku aqaanay, wixii dhacay waa dhaceen fadlan iska kay cafi, waxaan ahay gabar walaashaa ah maanta aad ayaan ugu baahanahay garabkaaga, fadlan haddaan anigu shalay xumaaday maanta haygu dayan, caano daatay dabadood la qabay, Maxamadow waan ku jeclahay aboowe cidlada haygaga tagin.

Deeqa iyadoo ooyaysa ayay Maxamed ku tidhi: “wax walba oo dhiba oon soo maray waxaan ku ilaawi karaa adigoo nolasha ilaqaybsada.

Maxamed  isagoo yaaban ayaa wuxuu ku yidhi: “Abaayo waad mahadsantahay sida aad wax walba caawa iigu sheegtay, balse hadda waa xili dambee, go’aan dhaqsi ahna kuma siin karo ee waa inoo beri ama habeen dambe  ee habeen wanaagsan.

Deeqa oo nafistay maadaama ay runta u sheegtay ayaa tidhi: “ Goor ay ahaatoba marka aad jawaab i siinayso waa ku sugayaa, balse, ogoow inaan qirtey dambigeyga, qaatayna qaladkayga, adigana laba mid ayaa kuu furan inaad iga dhaqaaqdo oo ah inaad iga aarsatay inaad  nolosha ila qaybsado oo ah inaad i cafiday!

 la soco qaybaha dambe

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@hotmail.com

SHEEKOOYIN